Caddaani Kulmiye Ma Dhisaayo! M. Haaruun

“Caddaani kolkii hore-na Illaahay ayaa sameeyay, mar labaadkii-na, Kulmiye ayaa sameeyay…” Maxamed Haaruun – 11 July, 2017 …….. “Qof waliba ujeeddiyo markuu, hadal abaaraayo.  Aqligiisay meel uga ekaan, odhaahtidiisu…” Dhoodaan

WASIIRKA WARFAAFINTA CISMAAN CABDILLAAHI SAXARDIID CADDAANI 2016
WASIIRKA WARFAAFINTA CISMAAN CABDILLAAHI SAXARDIID CADDAANI

Illaahay abuurtiisu badanaa! Caddaani kolkii hore-na Illaahay ayaa sameeyay, mar labaadkii-na, Kulmiye ayaa sameeyay, in uu u dhaqmo sida liidata ee uu u dhaqmaayo na, waa uu ku khasbanyahay. Muxuu kale ee samayn lahaa? Miyaanay Kulmiye ka keenin meeshii la ogaa, iyo xaladdii la ogaa, oo aanay ka digin qofka uu maanta yahay?

Miyaanu xaalkiisu ahayn,  waa halkii Ingiriiskee, from no where to somewhere? Miyaanay sidaasi dib u samayn ahayn? Kolkaa maxaa kale ee laga fili lahaa? Runtu sidaas weeye, laakiin run kale ayaa jirta, waana in uu Cadaani yahay Kulmiye bi’is, waxa ay se moodayaan in uu hab-dhaqankiisa noocan ah wax ugu taraayo. Maanta duhurkii ka dib barnaamijjka Xog-ogaal ee Radio Kulmiye waxa lagu marti qaaday ninka la yidhaahdo Cadaani oo telefoonka lagu waraysanaayay.

Wiilkii waraysiga qaadaayay waxa uu yidhi, “Waa idaacaddii qaranka Somaliland, waxa aanan Wasiir Cadaani ka waraysanayaa hawsha kaadhadh qaybinta iyo sida ay uga socoto gobolada Bariga.”

Waxa yaab lahayd in aanu Wasiirkii Kulmiye kaba warramin wixii inanku sheegay, oo uu wakhtigii badnaa ee la siiyay ku dhameeyay – Guddoomiye Muuse Oodwayne ayaa loogu soo dhaweeyay si yaab leh oo lama filaan ah… Xaaji Saalax ayaa loogu soo dhaweeyay si lama filaan ah… Duruqsi ayaa loogu soo dhaweeyay si lama filaan ah… Halkan/halkeer baa loogu qaabilay si lama filaan ah… ninkii wasiirka Qaran sheeganaayay ee hawsha Qaran la sheegay in laga warsanaayo, wakhtigiiba wuxuu ku dahmeeyay kalmadda ‘lama filaan’ oo uu ku wardiyaayay.

Laba qodob ayaa kolkii aan dhegaysanaayay igu soo dhacay – marka koowaad, taloow muxuu moodaayay ma in kabo ama jaamo sii jeeda lagu salaamaayo ama ey la jiidaayo lagu qaabilaayo? Miyaanu ogayn in dadku ay leeyihiin dhaqan iyo xeer oo soo dhawaynta socotadu ay waajib tahay?

Marka labaad, bal idaacadan lacagta dadwaynnaha lagu maamulo ee ninka keliya loogu adeegaayo eeg. Hadda wiilka waraysiga qaadaayay ee barnaamijka soo diyaariyay wuu ogyahay in Waddani iyo Cirro na ay isla deegaankaas booqanayaan, laakiin tirada ma ugu jirto in uu iyakana xataa daqiiqad nuskeed siiyo, hadana waa idaacad Qaran.

Laakiin waxa suurowda in aanu qoladan mucaaridka telefoonadooda haynin. Saas baan u malaynayaa hadii aan runta yar daaho. Hadii aan xaqiiqada qaawiyo na, runtu waxa ay tahay in aanay idaacadani ahayn mid Qaran, Cadaani na aanu ahayn masuul Qaran. Hadii ay yihiin waa laga arki lahaa.

Aniguna Radio Waddani ayaa aan istaadhayaa, Hargeysa ayaanan ka daarayaa, waxa aanan ku balan qaadayaa in aanu boqolkiiba boqol Radio xisbi noqon doonin, oo aanan gobanimada ka wada tagi doonin. Qofba tiisu ha u daarnaato ilayn waxba ma wada lihine.

Waxa qoray M. Haaruun

mbiixi@gmail.com