Allahayoow Nin Daallina, Allahayow Nin Daacada: Xirsi Iyo Cirro – W/Q: Sakariye-Awaare

CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO XIRSI

Xisbiga Waddani: cid aan inuun odhan karo godob ayaa laga tirsanayaa, waxa ka mid ah Duur iyo Xirsi. Maxamed Nuur Carraale isagu wuu is dhuubay oo is ururiyey, olole hoose oo wax tar ah maahane kuma uu mashquulin Xisbiga Gudihiisa, bal se Xirsi tan iyo maalintii uu soo tallaabay, in badan oo tageereyaal ah ayaa ka yaacay.

CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO XIRSI
CABDIRAXMAAN-CIRRO IYO XIRSI

Kuwo ku soo biiri lahaana dib ayay uga hakadeen Waddani. Sida uu Xisbiga dhexdiisa wax uga wadaana ma aha si ka duwan sidii uu madaxtooyada wax uga wadi jiray. Haddaba inta uu Xisbiga tarayo iyo inta uu waxyeello u geysanayo midkee badan.?

“Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

Gibllo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol xaadho

Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud” ~~ Hadraawi.

Xirsi in uu Waddani iyo meesha uu doono ku biiro xaq buu u lahaa oo taas axsaabta iyo siyaasiyiinta dalka ayuu kala siman yahay, in Xisbigu si kal furan u soo dhoweeyaana waxa ay muujinaysay sida Xisbigan ay uga dhab tahay is beddel doonnimadu, in Cabdiraxmaan Cirro uu awooddii kala badh siiyaana waxa ay muujinaysaa Musharraxa daacadnnimadiisa iyo laabxaadhnaantiisa. Iyana waa su’aal kalee Xirsi isna daacad ma ka yahay in uu Cirro dhisayo mise wuu lug gooynayaa.?

“Allahayow nin daallina

Allahayow nin daacada

Deeqdaada haw simin.”

~~ Hadraawi.

Xisbiga Waddani: maanta wuu tartamayaa doorasho ayuu la gelayaa laba Xisbi oo midi yahay Xisbul Xaakimkii iyo Xukuumaddii talada haysay, waxa keli ah ee uu baahan yahay waa dad codka siiya. Qof kasta oo Xisbiga ahna waxa keli ah ee looga baahan yahay waa in uu soo jiido dad codkooda siiya.

Xirsi waxa uu markii ba bilaabay in uu geeska ku feedho siyaasiyiin firfircoon oo rag iyo dumar ba leh, aqoon ahaan iyo karti ahaana la siman oo qaarkoodna ay siyaasadda iyo Waddani ba uga soo horreeyeen, mana oggola qof ay isku isaga isku beel yihiin in uu musharraxa u shaqeeyo ilaa uu isaga sii maro oo isaga soo maro. Taas Cirro kuma raacsana mana oga, bal se isaga ayaa jid gooyo iskaga jira.

Sabababtuna maaha wax kale aan ka ahayn qof kasta oo wax kaa diidi kara ama eray kugu soo celin kara caydhi oo ku beddel mid wuxuu maqlana kuu soo sheega, waxaad ku tidhaahdana toos u qaata. Danta keli ah ee uu dadkaas ka leeyahayna waa in uu Guulahooda sheegto. Waxa uu ka orddayaana waa wada tashiga. Tanina waa su’aal kalee Xisbiga ma guul buu la rabaa mise guil darro.?

“Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badan

Oo an doonahayn inad heshana, daayin abidkaa”

~~ Qamaan Bulxan.

Dadka qaar ayaa ku dhalliili jiray Xirsi waxa uu Waddani ugu biiray inuu la dego oo rido. Arrintaas iska eedayn ayay iila eekayd, ka hor intii aanuu shaqada Xisbiga bilaabin.

Hadda ba Xirsi waa nin shar iyo khayr ba leh oo wax weyn tari kara Xisbiga Waddani wax weyna ka xumayn kara. Bal se sidan uu wax u wado wax yeelladeeda ayaa badan.

“Nin dawee la leeyahay

Danbi uu badh leeyahay

Xalka doon la leeyahay

Isagay u darntoo

Inu daaro ma oggola

Daaraanta mililka leh.”

~~ Gaarriye. AHN.

Waxa uu yidhi “Jaamacaddii Siilaanyo waan ka qalin jabiyey, imikana meel kale ayaa la ii diray oo aan macallin ka ahay”!!!

Horta Jaamacadda Siilaanyo waynu garanaynnaa iyo Casharrada laga bartaa nooca ay yihiin oo dawladnnimadii, maamulkii wacnaa, dadkii midaysnnaa iyo hantidii umadda ayay ka muuqataa.

Eraygaa uu Xirsi yidhi “waa lay soo diray” ku dheeraan maayo oo waa sababha aynu ka hadlaynay ba, bal se waxaan leeyahay Xirsiyow halkan (Xisbiga Waddani) maanta loogama baahna in lagu barto Casharradii Siilaanyo kuu soo dhigay ee Cod ayaa looga baahan yahay iyo in dadka la kasbado.

Laba macallina loogama baahna. Macallinku waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ee ninka adoo iin iyo xajiin miidhan leh ku qaatay ee ku aaminay, dadkii la joogay ee ad ugu timina u ilaali, kuwa ka maqanna la raadi oo ka daa wixii wax ka xumaynaya oo dhan, ma joogo xilli dadka laga lumiyo, dadkuna way u heellanyihiin taageeristiisa, hana isku dayin inaad hadhayso ama shiiqiso Musharraxa.

Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)

Sakariye87@gmail.com.