Gurdan-Raaca Somaliland Bal Maxaa uga Gidhiisha? Qalinka – Nagiib Muuse Axmed

NAGIIB MUUSE AXMED 2017

Marka Col, Col kale ku duulaayo, waxaa caado ahayd, in marka uu Colku duulaayo ee uu u dhaqaaqaayo dagaal, inay dhinac galaan ama ay budulka raaciyaan, Dad aan dagaalkaasi dhab ka ahayn hadduu Hub sito iyo hadduu Waranle yahayba, oo loo yaqaanay “Gurdan-raac’’.

NAGIIB MUUSE AXMED 2017
NAGIIB MUUSE AXMED 2017

Gurdan-raacaas oo cabbaar markay la socdaan ama marka la isku soo muuqdo, dib uga soo noqon jiray, isla markaana Dadka ay ku soo noqdaan, aanay u aqoon wax jira oo ay Dumarku ku odhan jireen, “Allah! Hoogey! iska aamus, Ragga-ba kamaad soo hadheen haddaad qiimo leedahay Gurdan-raacyahow xumi.”

Haddaba, immika waxaan la yaabbanahay, Dawladdeennan, cid aan godob ka gellin ama Colaadi innoo dhaxayn, qunyar iska tidhi; “Qadar xidhiidhkaannu u Jarnay.” Waxaanan taas u arkaa – Gurdan-raac, laab-la-kac ah, oo Hillaac wax i tus ah, Jawaabtii la inna siiyeyna aynu ka wada dhereg-sannahay. Waxaa iga talo ah, oo aan odhan lahaa Somaliland, ‘Takarta ku saaran ka tali, oo tu kaa fog ha tilmaamin’.

Nagiib Muuse Axmed

Hargeysa, Somaliland.