Madaxweyne, Baanka waxaad u Magacowday Nin Hoggaamin leh, ee Madaxtooyadu ha kala Shaqeyso Aafada Sicir-bararka!

GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Dhoobaale)

Mudane Madaxweyne, waxaad Baanka dhexe u Magacowday Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Dhoobaale) oo ah Guddoomiye Khibrad iyo Aqoon u leh Shaqada Baanka, Xog-ogaalna u ah Marxaladihii uu soo maray iyo guud ahaan Shaqaalaha iyo Madaxda Laamaha Baanka. Sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne, sida ku cad Dastuurka Qodobkiisa 13-aad iyo Qodobkiisa 113-aad, Baanka dhexe ee Somaliland waa Hay’ad Madax-bannaan oo hoos-timaadda Madaxtooyada.

GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Dhoobaale)
GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Dhoobaale)

Haddaba Baanka dhexe isagoo ka masuul ah Siyaasadda Maamulka Lacagta Dalka iyo Nidaaminta Shuruucda Baananka Madaxa-banaan ee gaarka loo leeyahay, Madaxweyne waxa Habboon oo Sharcina ah in Madaxtooyadu kala shaqeyso Nidaamka Shaqo ee Baanka dhexe uga masuulka yahay Qaranka Somaliland. Balse Wasaaradda Maaliyaddu shaqo kuma laha Nidaamka Maamulka Lacagta iyo Daabacaadda Lacagta Qaranka.

MAWLIID AADAN CUMAR AFTAHANNEWS
MAWLIID AADAN CUMAR

Sidoo kale, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsigu waxba kama qaban-karaan Xaaladda Sicir-bararka, laakiin Baanka dhexe iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo wada-shaqeyn joogta ah leh ayuu Baanka dhexe kala tashadaa qorsheynta iyo bixinta kharashyada ka baxsan Mushaharooyinka Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada, wakhtiyada Sicir-bararku taagan yahayna waxay ka wada xaajoodaan hakinta kharashyada saamayn ku yeelan kara Sicir-bararka, iyagoo isla miisaama Lacagaha Suuqyada la gelinayo.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, Mushkiladda Sicir-bararka oo Salka ku haysa ka ganacsiga Lacagaha Qalaad ee Sarrifleyaasha Dalka iyo Saamaynta Lacagta Adag ee Qaadka, waxa habboon in Sharcigu shaqeeyo, maaddaama oo Lacagta Adag ee Qaadku dalka kaga baxdo Kootarabaan ahaan.

Ugu dambayn, Mudane Madaxweyne si Xal looga gaadho Mushkiladda Sicir-bararka iyo Tayeynta Lacagta waa in Madaxtooyadu kala shaqeyso Baanka dhexe wixii uu xal u arko, ee Sharcigana waafaqsan.

Wa billaahi Tawfiiq

Qalinkii: Mawliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland.