Somaliland iyo Saldhig Millateri Carbeed! Qalinka Muuse Jaambiir – Qaybtii labaad

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

Marka hore siday Xukuumaddu tidhi weli heshiis ma dhicin, balse wuu dhici doonnaa. Markaynu taa ka nimaadno, sida la tilmaamo saldhig millateri wuxuu ku yimaaddaa badiyaa laba dariiq midkood. Kan hore wuxuu yimaaddaa  laba dhinac oo is dilay marka midkood qabsado kii kale, sidii dhacday dagaalkii labaad ee aduunka.

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND
SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

Habka labaadna waxa lagu sheeggaa , marka laba dawladood oo is aqoonsani danahoodda ka dhex arkaan ee sidaa heshiis ku galaan. Sida muuqata saldhiga Berbera wuxuu raacayaa habkan dambe, balse wuxuu kaga gedisan yahay Somaliland iyo Imaaraadku maaha laba wadan oo dublamasi siman wax ku wadaagi karra.

Somaliland way og tahay in Imaaraadku yahay qaran jirra, balse Imaaraadku Somaliland uma aqoonsanna qaran ahaan ee waxay u arkaan gobol ka mid ah Soomaaliya. Si la mid ah sida caalamka kaleba weli indhaha uga lalinayaan Somaliland, oo ah xaqiiqo jirta oo aan qarsoonayn, welina beegsanaysa gaadhista yoolkaa. Dabcan, Somaliland waa dawlad nidaamkeedu u dhisan yahay oo gacanta ku haysa dhulkeedda,daakhili ahaanna aanay cid kale ku wehelin, laakiin dublamasi ahaan marka dibadda laysula baxo  waxay  weli u deldelan tahay saamaynta saxeexa Muqdisho ee caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Imaaraadka carabta safiirkeedda u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu fadhiyaa Muqdisho, si la mid ah safiiradda  dalalka kale ee dalalkooda u qaabilsan dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya. Sidaa daraadeed,  markay sidaa tahay, ma la odhan karraa heshiiska noocan oo kale ah lug kuma laha dawladda Soomaaliya? Imaaraadka Carabta oo ka mid ah carabta u darban soo celinta midnimaddii Soomaaliyadii hore, ma ka leexan  kartaa shuruucda caalamiga ah? Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in aanay dawladda Soomaaliya lug ku lahayn heshiiskan. Waxa kale oo ay sheegtay in ay toos u wada galeen UAE iyo xukuumadda Somaliland. Dooddan cadaynteedu waa mid darruuri u ah Somaliland dad ahaan marka dhankaa loo kaco.

Geesta kale dawladda Soomaaliya waxa laga hayaa, in xukuumaddii Xasan Sheekh ee xilku ka dhamaaday ay lug ku lahayd ogolaanshaha heshiiska. Geesta kale April.2015 Xasan Sheekh waqtigaas oo uu magaaladda Sharma Sheekh ee dalka Masar kaga qayb galay shirka Jaamacadda Carabta, wuxuu u ogolaaday xulafadda carbeed ee Sucuudigu hor kacayo ee la dagaalamaysa Xuutiyiinta Yemen, inay isticmaalaan biyaha, berriga iyo hawadda dalkii hore laysugu odhan jiray Jamhuriyadda Soomaaliya. “Rasmi ahaan waxaanu u ogolaanay inay u isticmaalaan hawadda, dhulka iyo biyaha Soomaaliya, duqaynta cirka ee lagaga hor tagayo Xuutiyiinta shiicadda ah ee Yemen qabsatay” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xilligaa ee maamulkii Xasan Sheekh oo la hadlay The Guardian. Hadliye warka uu siiyay wargeyskaa waxa kale oo uu ku yidhi; ” Aad baanu  uga walaacsanahay xaaladda dalka Yemen, qalalaasaha halkaa ka taaganina wuu na saameeyaa, markaa ma daawan karro waxa halkaa ka socda. Xuutiyiintu waxay doonayaan inay meesha ka saaraan dawladda sharciga ah ee dalkaa, carabtana waa masuuliyaddooda inay difaacaan dawladda sharciga ah, Soomaaliyana waa ka mid oo door bay ka ciyaaraysaa ilaa iyo inta la soo afjarayo.” Sanad kadib xilliga dhawaaqaasi ka soo yeedhay Maamulka Xasan Sheekh, waxa socdaal ku yimi Hargeysa wefti  Masaari ah oo ka koobnaa safiiro iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaanay wadahadal la galeen Madaxweyne Siilaanyo. Safiir ku xigeenka safaaradda Masar ee Jabuuti  markii kulankaasi dhamaaday kadib wuxuu saxaafadda u sheegay in ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka ay labada dal wadaagaan. Sidoo kale xukuumaddana warka ka soo baxay ma dhaafsiisnayn intaa.

Wax kasta oo la yidhiba, Soomaaliya lug kuma laha iyo way ku leedahay  ka murankeeddu ku sii tiigaal malaha. Sababtoo ah, waa run oo dhul ninkii xukuma ayaa heshiis lagala geli karraa. Sidoo kale, waa run oo Somaliland ma laha diblomasi buuxa oo la siman ka Imaaraadka Carabta, isla markaanna  tusmaynta saamaynta shaambadda Muqdisho maaha mid meesha laga saari karro, ka hor intay Somaliland  ku jirto aqoonsi la’aanta.  Haday sidaa tahay, sharciyan goormaa loo aqoonsanayaa saldhigaa cidda la siiyay? Ma marka Baarlamaanka Somaliland gacanta u taago ee ogolaado in la siiyo, xukuumadda taladda haysa iyo cidday siinaysaana kala saxeexdaan, mise…?  Marka loo kitaab dayo heshiiskan gaadhistiisa xukuumaddu u xusul duubantay, ee laga eego dhanka shuruucda caalamiga ah ee dunidda is ictiraafsan macaamilkeedda salka u ah, xeel dheerayaasha u xog hayaa waxay qabaan, in Somaliland ka sokow saxeexa dawladda Soomaaliya muhiim u yahay  cidda saldhiga doonaysa. “Laba weeye, haddii cidda saldhiga ka doonaysa Somaliland ay marka hore u aqoonsato qaran ahaan, waxay taasi ka furanaysaa cidda wax doonaysa saxeexa Muqdisho. Laakiin, haddaanay taasi jirin cidda saldhiga doonaysa waa u muhiim saxeexa dawladda Soomaaliya ee la aqoonsan yahay, helistiisuna waa hawl iyaga u taalla.  Markay kaa hesho dunidda kale waxay u aqoonsanaysaa saldhigaa in ciddaasi leedahay. Waxse kaa ka horreeya oo ka wayn ogolaanshaha Somaliland oo ah furaashkii, sababtoo ah Iyaguun baa halkan waxay rabaan ka fulin karra ee saxeex kale kama fulin karro.” Dooddan waxa qaba mid ka mid ah dadka aqoon ahaan ka hadlay mawduucan.

Fikirka waa lagu kala duwan yahay, isla markaanna doodayaasha qaarkood waxay qabaan in Somaliland lala geli karro heshiisyo toos ah oo dawlad ka dawlad ah, taasina ay ku xidhan tahay xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo cidda wax ka doonaysa. “Taiwan waa dawlad lamana aqoonsanna, haddana iyaddaa is iibisay, waxaana la macaamila dawladdo badan oo dunidda ka mid ah, markaa macquul maaha dal aan la aqoonsanayn heshiis lalama geli karro.” Xukuumadda Somaliland ee u ordaysa gelista heshiiska saldhiga lafteedu waxay ku doodday in ay hore u gashay heshiisyo  dawlad ka dawlad ah. Laakiin waxa iswaydiin leh heshiisyadda shirkadaha ganacsi  iyo kuwa shidaal baadhista ma waxa lagu gallay magacyadda laba  dawladood mise wax ka duwan. Gunaanadkii, qaybtan murankeedda waxa soo afjari karra nuqulka rasmiga ah ee heshiiska oo la soo bandhigo waqtigiisa marka la kala saxeexdo, kaasoo uu hore u balanqaaday Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi inay tusi doonnaan Shir gudoonka labadda gole markuu soo dhamaado.

Yaa isticmaalaya? Maxaa loo isticmaalayaa?  la soco ………

Xigasho Wargeyska Ogaal

Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

Hargeysa/Somaliland.