Musuuliyad-xumo Waatan oo Kale, ee Halla Badbaadiyo Dalladda Naafada Somaliland! Qalinka Nimco Deeq

SHIRWEYNIHII LIXAAD EE DALLADDA URURRADA NAAFADA SOMALILAND EE SNDF

Marka aad ka aradantay dareenka Aadminnimo iyo Aqoonta, waxa si isku mid ah aad u qaabbileysaa wanaagga iyo xumaanta, tiiyoo aanay kuu kala soocnayn, una haysta waddada aad haysaa iney tahay tii saxda ahayd.

SHIRWEYNIHII LIXAAD EE DALLADDA URURRADA NAAFADA SOMALILAND EE SNDF
SHIRWEYNIHII LIXAAD EE DALLADDA URURRADA NAAFADA SOMALILAND EE SNDF

Ma garawdid oo haddii la is yidhaa saxa waxaad tahay Qof ku adag ta uu wato, waxa maanta jirta arrin aan aad ula yaabay oo aan si weyn xog-ogaal ugu ahay, taas oo igu kelliftay inaan u bandhigo ummadda iyo Maamulka dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dabayaaqada bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kii, ayaa waxa la qabtay Shirweynihii 6-aad ee Dalladda Ururrada Naafada Qaranka Somaliland ee loo yaqaan SNDF, Shirkaasi waxa uu u dhacay sidii loogu talogalay, waxaana lagu doortay hoggaankii cusbaa ee hagi lahaa Dalladda.

Sida caadadu tahayna waxa si dimuquraaddi ah ay Dalladdu isu beddeshaa labadii sanaba hal mar, waxaana goob-joog ka ahaa marti-sharaf badan oo ka kala socday qaybaha Bulshada, waxa kale oo masuuliyinta Xukuumaddu Shirkaas uga masuul ahaa oo uga qaybalay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud.

Shirweynihii Dalladdu waxa uu ku soo dhammaaday in la doorto Guddi ka koobanayd 7 xubnood oo hoggaamin doona Dalladda. Haddaba, Annaga oo ah dadkii Naafada ahaa ee codeynaayey, weliba aannu koox ahaan ka soo jeednay dhinaca Guddoomiyihii xilku ka dhammaadey, waannu ku qanacnay in nalaga guuleystay oo runtii waannu hanbalyeynay ciddii guushu raacday.

Hase-yeeshee, waxa aan la yabanay in Guddoomiyihii xilka lagala wareegay ee Dalladdu inuu 18 cisho ka bacdi dib noo soo abaabulo isagoo noo sheegaya in Guddigii meesha kala wareegey ay ku muddaharaadaan, kuna eedeyno iney hantidii meesha lunsanayaan.

Arrintaas oo aannu markii dadkii Naafada ahaa uu la xidhiidhay Guddoomiyihii xilka ka tegay aannu la yaabnay, sababta oo ah, illaa maanta oo taariikhdu tahay 14/01/2017 weli xil wareejin may samayn, Guddiga cusubina may tirsan Xafiikii Naafada. Waxaan ka mid ahaa Naafadii ka qaybgashay Maalintii Naafada Adduunka ee lagu qabtay 3-dii Desambar Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Hargeysa, weli waa laygu leeyey kharashkii aan Gaadhiga ku soo kireystay, waxaanan ognay in Hawsha wixii ku baxaayey Xukuumaddu bixisay dhammaan Lacagtii qiyaas ku dhaw 10.000$ (Toban Kun oo Doollar), balse lacagtaasi ku dhacday meel kale, arrintaasna waa ta igu kelliftay inaan qoraalkan sameeyo markaannu aragnay in Qofkii hanti lunsiga aannu u haysannay isagii nagu abaabulayo Guddigii cusbaa ee aan xataa Xafiis lagu wareejin inaannu ku muddaharaadno.

Arrintaas kharashkii maalinta Naafadana Xukuumaddu ha dabagasho halka ay martay, si xaq-darradu u joogsato, waa in si dhab ah loo baadho, maanta dalku waxa uu ku jiraa xaalad Abaareed in kharash intaa leeg Qof qudhi lunsadaana waa wax aan loo adkaysan karin, waayo? Dadka Naafada ah cidina kama baahi badna, iyagaaba u baahane waxan Xukuumadda ka codsanayaa in arrinaas wax laga qabto. Markii aannu Guddigii cusbaa arrintaas wax ka weydiineyna waxay noo sheegeen in Guddoomiyihii wakhtigu ka dhammaadey si cad u diidey inuu xil wareejin sameeyo.

Waxa kale oo aan halkan ku caddaynayaa; in haddii aannu nahay Dadka Naafada ah ee Somaliland; in Xukuumaddan maanta talada haysa iyo Xisbiga Kulmiye ay yihiin kuwa qudha ee Naafada wax u qabtay, kama abaal ka dareyno, cid weliba wey ogtahay maanta in Mootiyinkii iyo Shaqadiiba laysugu darey Dadka Naafada ah oo maanta ay Bulshada wax la qaybsanayaan.

Cidda Abaabulka Waddani nagula dhex-jirtana waxaan odhanayaa; Shuraako kuma nihin Caqliga ee waxaa innaga dhexeeya magaca Naafada Afar, Qofna khalkhal kuma ridi karaan arrimaha Naafada, waayo? Dalka nidaam baa ka jira, isagaana loo hoggaansamayaa haddii doorashadii leynaga helay, waxaynu abaabul kale u galnaa saw fawdo maaha iyo in Naafada aynu ka dhex abuurno fimo?.

Waxaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada si sharafle uga codsanayaa in arrintan ay waddo Guddoomiyihii muddo xileedkiisu dhammaadey ay soo faro-geliso oo loo yeedho, sharcigana la horkeeno; si Dadka Naafada ah loogu badbaadiyo jiritaanka Dalladdooda, waayo? Berri ka maalin ayaa mid weliba u sharraxanyey, waa meesha qudha ee ay ku hirtaan Dadka Naafadaha ee Reer Somaliland, markaa waxaan leeyahay halla badbaadiyo Dalladda SNDF.

Nimco Deeq Faarax

naimodek@hotmail.com

0634827862

Hargeysa/Somaliland.