“Kulmiye Xero Adhi iyo Xabaal Nin Wayn Midna Ma Leh…!” Qalinka – Nagiib Muuse Axmed

maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016

Waxaa xaqiiq ah oo aan mugdi ku jirin, in dadkeennu dhaqaan ahaan ka soo jeedo Reer Miyi ama Reer Guuraa, oo xitaa dadka magaalada ku nooli ay waqtiga Gu’ga iyo Deyrta saari jireen Carruurtooda oo ay Caano doonan jireen.

maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016
maxamuud-xaashi-madaxweyne-siilaanyo-musharrax-muuse-iyo-xoghaye-xasan-siciid-2016

Aan hoos ugu daaddego’e Sheekada ama dhacdadan ka dhacday meel ka mid ah meelaha Miyiga oo ay ku nool  yihiin Xoolo-dhaqatadu waqti ay ka soo wareegtay muddo fog, ayaa reero meel wada yaalla waxaa ka caan-baxay Oday Ragga Maskaxda lagu tuhumo ku jira, ayaa yidhi; “Waxaan u amba-baxayaa meel ka fog ama ka durugsan meesha ay degganyihiin.”

Safar lugeedkiisii ayuu bilaaba, waxaannu sii dhaxay laba habeen, waanu tagay, oo waxa uu ka maqnaa muddo toddobaad ah. Wuxuuna u soo baqoolay xaggii Reerkiisu yaallay, Isagoo Safar lugeedkaa ku jira, haddana waxa u dheer Sahan uu u sahaminayo Reerkiisa wuxuu Bhul Barwaaqo ah oo haddana aanay cidi degin. Waxa kale oo intaas u raaca sidii ay Caadadu ahaan jirtay waddooyinka Miyiga marka aad cabbaar socotaba waxaa lagu arkaa waddada dhinaceeda Xabaal dhinaca kag taalla. Ninka Odayga ahi wuxuu ku arki waayay wax Xabaal ah oo la yidhaahdo waa Xabaashii Xaaji Hebel.

Hase-yeeshee, wuu soo guryo-noqday, markii uu degmada tegay, ayaa lagu soo uruuray; si uu ugaga warramo Dadka waxa uu soo arkay, balse Warkiisi wuxuu Odaygu ku dhammeeyey laba Eray oo keliya oo ahaa; “Dhulkaan tegay Xero Adhi iyo Xabaal Nin weyn midna ma laha!” Intii Wax-garadka ahayd fahantay ujeeddadiisa, laakiin Dhalinyaradii baa yidhi; “Adeer noo balballaadhi” oo ka dhigan macnaha na fahansii.

Inta uu soo safay Dhalinyaradii ayuu ku yidhi; “Xero Adhi waa meel Baraaqo ah, laakiin Dulin bay leedahay oo lama degi karo. Xabaal Nin weyna waa Xawaal ama Xabaal magac leh oo la bartilmaameedsado.” Markaa, maanta Aniguna waxaan leeyahay; waxa sidaa ka dhigan Xisbil-xaakimka Kulmiye oo aan lahayn meel loogu yimaaddo.

Qalinka – Nagiib Muuse Axmed

Hargeydsa/Somaliland.