Maxaa Sababay in Dhalinyaro Gedoodsani Calanka Xisbiga WADDANI Hargeysa Ku Gubaan?

CALANKA XISBIGA WADDANI OO GOOBO HARGEYSA KA MID AH LAGU GUBAY 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Hargeysa(Aftahannews):- Dhallinyaro gadoodsan isugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku gubay calanka xisbigaasi badhtamaha caasimadda Hargeysa maanta.

CALANKA XISBIGA WADDANI OO GOOBO HARGEYSA KA MID AH LAGU GUBAY 2016
CALANKA XISBIGA WADDANI OO GOOBO HARGEYSA KA MID AH LAGU GUBAY 2016

Dhalinyaradan Calanka Xisbiga Waddani gubay, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Xisbigaas iyo Xubno Siyaasiyiin ah oo Xaafadaha degmooyinkaas ka soo jeeda, kuwaasoo ay sheegeen inay Maanta Axaddii ku biireen Xisbiga Waddani, iyagoo sheeganaya inay Masuul ka yihiin dadka ku dhaqan degmooyinkaas iyo Koonfurta Caasimadda Hargeysa.

Hase-yeeshee, waxay ku doodeen inaanay Xubnahaas Siyaasiyiinta ahi iyaga oo Afka dhalinyarada ku hadlaya aanay metelin, ee ay yihiin Siyaasiyiin Damacooda iyo taageeradooda Shaqsiyaadka ku kooba Masuul ka ah, iyagoo ku eedeeyey Siyaasiyiintaas oo uu Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa ka mid yahay inay doonayaan ama u socdaan Xamar oo uu dabayaaqadii sannadkii hore ka yimi markii uu muddo 21 sannadood ah ku maqnaa Xilal kala duwanna ka soo qabtay dawladihii soo maray Soomaaliya illaa 1995-kii.

Dhallinyaradan oo ka soo jeedda degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa isu-soo-bax cadho badani ka muuqatay oo ay ka dhigeen jidka wayn ee taga madaarka diyaaradaha ee Hargeysa dab ku qabadsiiyey calanka xisbiga WADDANI, iyagoo sheegay in aanay wax taageero ah u hayn xisbigaasi, xilli madaxda xisbiga WADDANI xaflad soo dhawayn ah ugu samaynayeen huteelka Ambassador siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa oo uu horkacayey siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan uun ka soo noqday Xamar oo u joogay fikirka Soomaaliwayn muddo ka badan labaatan sanno.

Dhallinyadu waxay xidheen jidka isku xidha badhtamaha magaalada iyo Cigaal International Airpor oo ay ku gubeen taayirro, si ay isu hortaagaan gawaadhida ay wateen masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI u socday xafladda soo dhawayntu, waxaanay hortooda dab ku qabadsiiyeen calanka astaanta u ah xisbiga WADDANI iyo weliba marso kale oo uu xisbiga WADDANI u qaybiyey dadka, kuwaas oo ay ku xardhanaayeen soo dhaweynta xubnaha cusub ee siyaasiyiinta ku biiray.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku mudaharaaday xisbiga WADDANI oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaan wax taageero ah xaafadaha Maxame Mooge iyo Maxamuud Haybe loogu haynin xisbiga WADDANI, waxaana mid ka mid ah dhallinyaradu yidhi, “Annagu ma nihin xisbiga WADDANI, odayaashan Xamar ka yimi ee Xamar nagu wadana dooni mayno annagu, halkan xaafadahan waxaannu taageersanahay xisbiyada kale ee UCID iyo KULMIYE.”

Sidoo kale, Wiil kale oo dhallinyaradaas ka mid ah ayaa ka hadlay sababta ku kalliftay inay mudaharaad ka dhan ah xisbiga WADDANI abaabulaan, waxaannu yidhi, “Mudaharaadkan waxa nagu kallifay xisbiga WADDANI oo maanta dad basas kaga soo qaaday xaafadaha New Hargeysa, Jig-jiga yar iyo Daami, kuwaas oo xaafadahan sheeganayey, laakiin aanu cid ka garan weynay, shakhsiyaadka ku biiraya xisbiga WADDANI ma diidanin, laakiin waxaannu diidannahay marka la leeyahay xaafadda Maxamuud Haybe waa WADDANI.”

Mudaharaadka ka dhanka ah xisbiga WADDANI, ayaa gebi ahaanba si weyn looga dareemay xaafadaha M/mooge iyo M/Haybe, waxaana looga gol lahaa sidii ay bulshadaasi meel adag uga istaagi lahayd shaambadda uu xisbiga WADDANI ku doonayo inuu xaafaddaas ka dhigo meel laga taageersan yahay.

Dhallinyarada mudaharaaday, ayaa xisbiga WADDANI uga digay inuu xisaabtiisa ku darsado taageero uu ka helo xaafadahaas, waxaanay sheegeen inaanay jirin wax cod ah oo uu xisbigaasi ka heli doono xaafadaha M/mooge iyo M/haybe.

Meelo badan oo hore ayey ka dhacday in dhallinyaro cadhaysani kaga mudaharaadaan xisbiga WADDANI, kuwaas oo diidanaa siyaasadaha shakiga leh ee xisbiga ku gedaaman, waxase tani ku soo beegmaysaa xilli ay xisbiga la midoobeen siyaasiyiin muddo badan la soo kal ahaa dawladda Federal-ka Soomaaliya oo ay kala shaqaynayeen sidii mar uun Somaliland loogu dari lahaa nidaam kaloo Soomaaliwayn, kuwaas oo ilaa hadda shaki laga qabo aaminaadooda qaranimada Somaliland.

Haddaba, inkasta oo uu koobnaa bannaan-baxa ay Xubnahan dhalinyarada ahi ku muujiiyeen sida ay u diiddan yihiin Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta ku biiray iyo iyaga oo ka hadlaya sababta ay Calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u gubeen, waxananu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannew.com

Hargeysa/Somaliland.