Hargeysa: Caasimad Hooy u noqotay Waddooyin Isu-beddelay Balliyo & Dooxyo! Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Sida aynnu la wadda socono Magaalada Hargeysa, waa caasimada dalka Somaliland, waanna magaalada ay dadka ugu badanni ay ku nool-yihiin marka la barbardhigo Magaalooyinka kale ee wadanka. Isla markaan meesha uu yaallo dhaqaalah ugu badan ee dalku.

Haddaba haddii aan wax-yar dib ugu noqono taariikh yar oo kooban.

Markii la doortay Golayaashii deegaanka ee ugu horreeyey sannadkii 2012-kii waxa ay bulshadu baahi weyn u qabtay in ay Golayaasha deegaanku isbadel xagga horumarka ah ka qabtaan baahiyaha daruuriga ah, waxayaabihii ugu waaweynaa waxa ay ahaayeen wadooyinka oo aad u yaraa iyo kuwa jiray oo iyaguna aad u burbursanaa, balse sida ay dad badani qabaan dowlada hoose ma ay qaban wax la-taaban karo oo ah dhinaca wadooyinka ah,taas oo ah baahiyaha ugu waaweyn ee caasimada.

Hadaba waqti xaadirkan roobab waaweyn ayaa ka da’ayaa guud ahaan wadanka waxaad arkeysaa wadooyinkii oo noqday ceelal ama harooyin aad u waaweyn kuwaas oo baabuurtii mareysay ay aad ugu adag-tahay in ay ka gudbaan, marmarka qaarna aad arkeyso gaadhiyaal dhex-yaalla wadooyinka badh-tamaheedda kuwaas oo mari-kari waayey ama ay biyo galeen.

Arrintanni waxa ay noqotay waxayaabaha loogu hadal heynta badan-yahay ee bulshada dhex-deedda ay iska weyddiiyaan su’aalo kale duwan iyo sida ugu haboon ee loo waaji karo xaaladan cakiran, taas oo ku soo dhamaatay dhalliilo aan kala joogsi laheyn oo la huganaya golaha deegaanka ee caasimada.

Bulsho weynta ku nool caasimada qaarkood ayaa ku doodaya in ay dhamaan gobolladu ka waxqabad badnaayeen markii uu Madaxweynuhu soo xulan jiray halka maayir ee gobollada. Su’aasha is weyddiinta leh ayaa ah sidee xaaladan lagaga bixi karaa? ama ugu yaraan loo dhimi karaa maadaama magaaladu ay maalin walb sii fideyso.

Su’aasha inta aynaan ka jawaabin haddii aan dib ugu yara noqodo caqabada ugu weyn ee magaalada heysataa waa magaalada oo aan laheyn hab-dhismeed qorsheysan ( town plan) imika iyo markii horeba, taas oo waxbadani ay ku xidhan-yihiin.Sidaa daraadeed magaaladu waxay u degentahay si habqan ah oo aan nidaamsaneyn taas oo keentay in dadka qaar ay degaan meelihii loogu talo galay in ay biyahu maraan, dadkani waxay biyihii u soo leexiyeen xagga laamiyada halkaas oo noqotay meesha kaliya ee ay biyuhu hadda maraan.

Haddaba marka aan ku soo dhawaado jawaabta su’aasha, annigu shakhsi ahaan waxaan leeyahay waxaa meesha ka maqan gabi ahaanba la xisaabtankii muwaadiniintu ay la xisaabtami lahaayeen xildhibaanadda ay soo doorteen kuwaas oo aad moodo in aynna u heysanba in ay innaga inoo shaqeeyaan oo innagu aan diranay iyo ka war-heynta habka shaqo ee golloyaasha deegaanka,arrinkaasi waxa uu sahli doona wadashaqeyn hufan oo waxtarleh.

abdifatahshavi1@gmail.com