Waa qaybtii labaad ee gabayga Dardaaran: Gabay baroor-diiq ah oo maamuus iyo duco u ah Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Doc-wareenka ceebtiyo af-xumo, daadifada uunka
Kama dixindixoon jirin markay, kula dullaamaane
Dulqaadkuu bulshada kula socdaan, abid i deyneyne
Nin u daran, dedaalna ugu jira, dabin u qoolkiisa
Isagoon dareensiin inuu, daaqsin ka horreeyo
Siduu darabta ugu loogi jiraan, abid i deyneyne
Nimuu daajiyaba maalintuu, dib ugu soo jeesto
Sidii dawri aar weyn markuu, daallabahaw muujo
Daymadii libaaxuu lahaa baan, abid i deyneyne
Duca-qabe, duullaan badheedh, dawladiyo kooxo
Colba halkuu ka soo degay markuu, diiradda u saaro
Difaacuu ku wada quusin jiraan, abid i deynayne
Dacwad murugtay, dood iyo odhaah, rag isu dooyaystay
Ninba doc uu ka qaadaba markay, diillintu adkaato
Xikmaddiisi lagu diirsan jiraan, abid i deyneyne
Khudbad loo diyaar yahay markuu, hadalka deeqsiiyo
Diiwaanka waayaha markuu, daaha uga feydo
Daliilkuu soo qaadan jiraan, abid i deyneyne
Difil sabiya doobnimo kiyoo, madaxu deeb yeeshay
Kiyoo dibadda joogiyo kiyoo, jeelka lagu duubay
Cilmi siduu u daalibi jiraan, abid i deyneyne
Hadal debecsan, deex iyo tixgelin, deeqsinnimo taama
Madhnaan ruux dul tegay muu la noqon, duugga abidkiiye
Siduu diinta ugu hiilin jiraan, abid i deyneyne
Cid kastaba in deecaan la odhan, mawdka dacartiisa
Naftuun baa diddee taas marnaba, igama daahnayne
Dambaabna uma jeedee haddii, Deelku ila baydho
Adigaa dulqaad lehe Rabboow, daymo naxariis leh
Isagana ducaa nala gudboon, inan u deeqnaaye
Debno iyo quluub wada jiraan, ugu diraynaaye
Inuu Daayinku innaga aqbalo, degelka soo jeedsha
Inta shay dareenlee socdiyo, daafidiyo jayga
Daar iyo waxaa geed qotoma, ama duqaar jiifta
Qudhaanjada dareertiyo intii, garab leh ee duusha
Naxariis dareemada ka badan, doogga iyo ciidda
Inta Sheekh Quraankuun dersaa, dunida sii joogo
Ama subaxa ruux daakiraa, duubyada u maydho
Cisi ugu diyaafadi adaa, deeq u saaxiiba’e
Annagana intii lagu daree, Nebiga daaweysta
Ee aan dariiqada ka lumin, Daayiwom naga dhig
Belaayada Rabboow naga dabbaal, lala digleynaayo
Afartaa ma deelqaafinnine, daw ma qabadsiiyay
Ma daleeyay caawana mid kale, damac ma ii fuulay
Dabuub kalena waa xaajo aan, idin dareensiiyay
Nin dardaarmay wuxu kaaga tegay, daarta aad dhaxashay
Ma duugoobo abidkii haddaan, la iska daayicine
Waa daawo Somaliland, deyrka uu dhigaye
Ninna kama dabbaasheen asoon, dawga sii jiline
Dabkuu xidhay wataa hawl-yaraan, loogu daaddegaye
Duqayduna siday ugu dhaqmeen, waan ku diirsadaye
Shir degdega markii lagu kulmay, wax iga duuleene
Kolkaasay dadweynii rajacay, dib u fadhiisteene
Durba filannay yididdiiladii, durugtay yawmkaase
Kolba kii dumaalaa bulshada, daadahshoo haga’e
Isu soo du’ yaan maatida ayaan, duurka qaar xuline
Kayntana dugaaggaa ku badan, booba duunyada’e
Duhurkay biniin iyo dhurwaa, maqasha diirtaane
Kamballada ha daaqdiyo sabada, dayr-horka lahayde
Dib u waabi yay kuula gelin, dur iyo jiifaaye
Okholaha daloolaa biyaha, kuuma soo daro’e
Mid dudubiya oo aan hambayn, doobbi ha u dhiibin
Dul-wajeynka cayn-raacayaan, kaaga digayaaye
Ha degdegine fiiro u lahaw, xaajadii dalab leh
Waddankana difaac calanka yaan, daad u soo geline
Meeshii dalleenaba ka yacay, labada doolloodba
Dadku wayska caayaan nin anay, Daahiroow arage
Dul u yeelo, deelqaafku waa, shay dabiiciya’e
Mid kalena dadkaan odhanayaa, dawlad iyo shicibe
Dal hadduu ammaan la hadhsadiyo, kala-dambayn waayo
Daruuruhu hadday lacag noqdaan, dux uma yeeshaane
Dubaaq lagu midoobaa xornimo, lagu dakeeyaaye
Damcad malaha raaxadu hadday, col is-danqaabaane
Alle ha idin daayee carrada, daafta ka ilaasha
Nin walowba dacalkaaga qabo, yaanay daaddegine.
La soco haddii Alle idmo
Wixii talo, taariikh, suugaan iyo xog aad ka haysaan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fadlan ku soo hagaajiya.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan (Keyd
Tell: 0634428604/0634435149/
Email: saedmgahair@hotmail.com, cabdirisaaq_007@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair