UBUB-LIICSHE: Marxuum Cigaal Oo Codsaday In Siilaanyo Guddi U Magacaabo Aaska UDUB!

Gabaygani waxa uu ka warramayaa aqoontii siyaasadeed ee ka dhexaysay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (Gardaadshe) iyo Suldaanka Madaxtooyada maanta Md Siilaanyo. Waa gabay dheer, qaybta koowaadna waxa uu Cigaal kaga hadlayaa sidii Madaxweyne Siilaanyo ugu farxay inqilaabkii Siyaad Barre kula kacay Raiisal-wasaare Cigaal, isaga oo u dallcay wasiir.

Preisents

Waxa uu Cigaal yidhi:

1.       Axmedow abaal ruux mutaad, arami siisaaye

2.       Intaan uunka noolaa walaal, waan ku oon-tiraye

3.       Markii iilka la i seexiyaad, “aano-doox” tidhiye

4.       Arwaaxdaydu way dhimatay mawd, waanan aamminaye

5.       Aakhiro waxaan tegay dharaar, oohin loo kacaye

6.       Ayax tegay haddii aafo, eelo laga dheefo

7.       Abqaalkaygu qaran buu ahaa, uun wanaag jecele

8.       Oday nabadshe, ooryooyin khayr, ururro guul raadsha

9.       Ubadkayga ii jiidh-naxaan, oodi celinayne

10.   Imaamkaa Siciid baa ka naxay, orodka beenaade

11.   Ooshaada ruux dhaadayaa, waa indheer-garade

12.   Allaylkii war baan kala helnaa, uun markuu gamo’e

13.   AARGOOSTE, aakhiro dad jira, waa u amakaage

14.   Anfariirka TUUR yaab geddaad, UDUB u wiiqdeene

15.   Ababshii Siyaad baa mashxarad, oogsadoo kaca’e

 

16.   Adduunyada sidaan kugo ogaa, erey haddaan sheego

17.   Ayniga siddeed qudha ifkaan, kaa abroonahaye

18.   Aqoontana dedaal iyo kartida, Eebbe kugu siiye

19.   Ilduufkii xornimadaan dhammaan, eednay Xamartiiye

20.   Aniguba anfaaciga ka qaday, oodna la i saarye

21.   Aqoonyahan Rashiid waa run-sheeg, oofshay wacadkiiye

22.   Awaaraha kolkii aan dhibsaday, IRIR i taageerye

23.   Kursi Aadan iga weecsadaan, helay ayaankiiye

24.   Orta kii dhawaaqaayay baa, yaabay orodkiiye

 

25.   Adigoo agaasimaya waax, oonki kaa tiraye

26.   Wefdi aagga tegay Washington, waw astaan nahaye

27.   “White-houseka eeg” kuu laqimay, “daawo ubaxaase”

28.   Istareex mashxarad baa kolkaas, aasha lay daraye

29.   Soo dhaweyntu oof iyo hadday, “iihda” kala weyntay

30.   Sida Aar Libaaxaa khalgigu, igu asteeyeene

31.   Arooskayga dabadii nin kale, guursay eberkiiye

32.   Indheer-garad, nin aabbe ah sifaa, iilka lagu qeexay

33.   Maan iibsan derejee Rabbaa, ii ilhaan diraye

34.   Anigow arxami Shiinahoo, baahin ereygayga

35.   New York anoo aadayoo, samo-aqoolaaya

36.   Hadh cad baa inkaar lagula kacay, odaygi Soomaale

37.   Hadh cad baa rasaas lagu af-jaray, aayahaan rabaye

38.   Ururshii, askari toogtaybaa, beeray urugtiiye

39.   Ax la qeysho, ahe muusannaw, oogsay shacabkiiye

 

40.   Alle-tuug wadaaddadu baryada, daare amintiiye

41.   Iblays baa ka teliyee shilkaas, aadmi lagu guurye

 

42.   Warka xumi il-bidhiqsuu gudbaa, eednay nabarkaase

43.   Eeggiiba lay sheeg dilkiyo, adhax-jebkiinniiye

44.   Lix ayaamo tiradood Mukhtaar, iino wuu tiraye

45.   Axmaqii Siyaadeen in badan, “ooho” kala quustay

46.   “Waan awdayaayeey kobtaas, ii igmada” baaqye

47.   Askartiisi dhagartay faleen, aayadii dure’e

48.   Inqilaabku waa noo muhiim, yuu afkii yidhiye

49.   Golahii kacaankuu alkumay, amar-ku-taagleyne

 

50.   AARGOOSTE milaygaasi noqoy, ulihi shaydaane

51.   “Af-gambige naruuruu wadaa, uursamaan gobole

52.   Aqoonyahanku taageero runa, AABBE wuu yahaye

53.   Abaartii Woqooyaan bulshooy, eegga tiraynaaye

54.   Arliyada SABLAALAA nimcada, Eebbeheen dhigaye

55.   Engeg weeye sabadii Togdheer, waana oommane’e

56.   Hargeysana ilii baa ka gudhay, ubadki gaajooye

57.   KURDUWAARRY inaan aadno waa, amarradaydiiye

58.   ITOOBIYA inaan weerarnaa, waa axdiga dhigane

59.   Ulo booc ah KIINIYA u fuul, way argaaggixiye

60.   Atooree BARROW Faranjku waa, ruux abaydina’e

61.   Gabarreyna afkuu taagayaa, aabudh lagu dooxye

 

62.   Caynaanshe ubuc-doox haddeer, waa ishii Caliye

 

63.   Akhriskay wadaaddu duryami, waa ilduuf Nebiye

64.   Ableyday ka baqayaan dadkani, waan edbinaynaaye

65.   Odayadu garaadkoodu noqoy, aabxad iyo daane

66.   Abwaannada xidh, aminkiibi way, kuu ammaan badine

67.   Idaajaa hormood weeye madax, waa aftahan yuuse

68.   Yamyamood inaadeersataa, waa albaab nacabe

69.   Aqoonsiga Shareecaa geyoon, ubaxa saarnaaye

 

70.   Fannaaniinta kaga oohi waa, aalad guul curine”

71.   Uur-ku-taalladaydii mar qudha, oosha maad dhihine

72.   Alambaqa inaan joogo iyo, aamus kuu bilane

73.   Aqoontaadu waxay sheegtay jaan, anafadaadiiye

 

74.   Arlo laanta, keli baanay aar, aragtidaadiiye

75.   Istareexu  waa aramidii, aragtidadaadiiye

76.   Siyaad baa istaahila tixgelin, aragtidaadiiye

77.   Wasiir kuu igmadahayga mudan, aragtidaadiiye

78.   Irrid kuu banneeyaa leh sharaf, aragtidaadiiye

79.   Erey-bixin qorsheyneed markuu, kaa aqbalay maalin

80.   “Adeecaay Siyaad waa wax-garad, ababshahaygiiye

81.   Iilkuu Rashiid nagu deledlay, uubti naga saarye”

La soco

khadarmfr@gmail.com