Hal-maal: Gabay Culus Oo Laga Tiriyay 2008da Saqiirinta SNM ee Manhajka

Gabaygan la yidhaahdo “HAL-MAAL” waxa curiyay abwaan Maxamed Cali Cartan “Haldeeq” 07.02.2008 gabaygan culus waxa uu abwaanku si qoto dheer ugaga hadlayaa in aan la hilmaami Karin taariikhda halgankii SNM waxa uu bulshada ku guubaabinayaa in la bad baadiyo oo loo guntado Taariikhda.

maanso

Maxaa yeelay aadmigu waxa uuu ka siman yahay Ilaalinta Taariikhda, ummada aan Taariikhdeeda ilaashanina ay la mid tahay ummad aan jirin, ” Illaahay ma dooriyo qoom, illaa ay iyagu is dooriyaan” sidaas daraadeed waxa uu abwaanku gabaygan dadka xasuusinayaa ama ku soo hal-qabsanayaa haldoorkii u shihiiday ama u debed baxay halgankaas oo in badan dadku wada garanayaan ayuu magac yadoodii ku soo qaadanayaa gabaygan, isaga oo leh “Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye” waxa uu ku bilaabay gabaygiisa sidan:-

Maansaba hidday leedihiyo, haybad gooniya e

Hami waliba sabab buu curtaa, dhaliya hawraare

Hal-abuur gaboobiyo haddaan, gabayga heenseeyo

Midhahaan harqinayaan furfuri, arar haraaq wayne

Suugaantu waa hodan waxaa, la huwiyaa shaale

Waa la hidda raacaa waxaa, loo huraa dhego e

Hal-hays iyo murtaa laga dhaxlaa, looga hadhayaaye

Hada qabo xaluun baan la kacay, hibashadeediiye

 

Halgankii SNM waadadnimo, hadaf ka oognaaye

Waa himilo taariikh huwaday, lama hilmaamaane

Halas iyo dhib baa loo dhex galay, holac rasaaseede

Haraad iyo dhib baa laga mutiyo, holan dharaareede

Hanfi iyo cadceed buu lahaa, heegan joogto ahe

Hayaan iyo jid dheer baa la maray, habaq lihiisiiye

Haybsigiisa muddaa lagu maqnaa, loo habeen dhaxaye

Hawd iyo dhir baa loo dhex galay, meel hareeriya e

Sida habar dugaagaa kobaha, loo huluushadaye

Hogag iyo dhufays baa dermiyo, hoy la dhaafsadaye

Hayinkii la rarayaa la qalay, hirashadiisiiye

Hanti iyo adduun baa ku lumay, hadalku koobayne

Haween iyo caruur baa u qaday, libinta hoobaane

 

Halgankii qadhaadhaa jidkii, lagu halaakoobay

Hanbalyiyo abaal marin halkaan, higil ka dhawraayay

Hog-waa inaad ku sheegtiyo inaad, hadur ka soo qaado

Waa kuu halhays xumo inaad, dib u hilmaantaane

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye!!!

 

Hoobaantiyo midhahaad heshiyo, hadhaca aad jiifto

Waa halbawle dhiigii ka yimi, halay waraabsheene

Xinjir huurtay weeyaan dhirtaa, aad hadhsanaysaane

Hujuun iyo dagaal buu ahaa, hiray cadaawiiye

Hootiyo warmaa laysla dhacay, hubabka waawayne

Haanka iyo waxaa laysku jaray, hanaqa shiikhoowe

Boqolaal halyay baa ku maqan, hirashadeediiye

Hilbihii barbaartaa u go`ay, haangalayste ahe

Boqolaal u heermaa dalbiyo, haysiyo tuuro lehe

Waxa huray naftoodii malyuun, loo han wayn yahaye

Had iyo jeer xassuustaa qalbigu, ii hinqanayaaye

 

Halgankii qadhaadhaa jidkii, lagu halaakoobay

Hanbalyiyo abaal marin halkaan, higil ka dhawraayay

Hogwaa inaad ku sheegtiyo inaad, hadur ka soo qaado

Waa kuu halhays xumo inaad, dib u hilmaantaane

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye!!!

 

Hindisihii ina Xaashi waa, lama hilmaamaane

Duqsi waa halkuu galay raggii, huriyay duullaane

Waa halkuu Wadaad diid go`aan, qaatahy aan hadhine

Waa horseedkii Koosaar wadiyo, haybsigii Madare

Waa horkicii Jimcaaliyo ragguu, soo hannaan baraye

Waa hoggaankii Siilaayo iyo Tuur, ku hinjin-toodiiye

Waa hawshii Xassaan Ciise iyo, hagar bixiisiiye

 

Halbawlihii Lixlaa loo jarjaray, iyo Aadan heegane e

Harag-waafi iyo waa Haygu-guban, himiladoodiiye

Hay-liqin iyo waa Maxamed-cali, hadaf u oollaaye

Halyey Aadan shiinaan tebaa, hibadii saarayde

Haldoorkii Dawaarraa god galay, hoyday waa hore e

Waa haanka dhiigii ka baxay, hilibkii Koodbuure

Waa hootadii ina Mire iyo, hiilkii qarameede

Waa hubkuu aroornimo qadimay, weerarkii hore e

Jimcii waa haraatida Burcoo, cadawgu haysteene

 

Hanadkii la ciilaaba waa, haajiraa ficile

Waa halkuu warmaa iyo Tolwaa, qaatay hootada e

Waa Habbane dagaalkuu lagalay, hororkii waalaaye

Waa hujuunkii ina Kaahin iyo, holac afuufkiiye

Waa halaskii ina Biixi dhigay, heegan dhirirkiiye

Waa hoobiyii Carab madfaca, laba higgoodkiiye

Halgankii Bidaar iyo Malloosh, hubanti weeyaane

 

Waa hawsar Dhega-wayne riday, maalin haliseede

Hilmaan ma leh Xaliimiyo ninkii, madhiyay, huushtiiye

Dhagax waa harraadkuu mutiyo, haarihii dhibaye

Waa xusuusta halkuu igaga yaal, Haybe Maxamuude

Waa hogtuu Illeeyana lahaa, Jiibab baad heliye

 

Waa heestii ina Mooge iyo, hoobal caan baxaye

Waa Hadraawi gabayguu tirshiyo, hoga-tuskiisiiye

Hal-abuurkii Gaariyaa ku ladhan, tix iyo hawraare

Waa halyaydii raamaha lahayd, libintay hooyeene

 

Halgankii qadhaadhaa jidkii, lagu halaakoobay

Hanbalyiyo abaal marin halkaan, higil ka dhawraayay

Hogwaa inaad ku sheegtiyo inaad, hadur ka soo qaado

Waa kuu halhays xumo inaad, dib u hilmaantaane

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye!!!

 

Heshiiskii Siyaad iyo galeen, Hayle dhiniciisa

Waa markaan habaw iyo ka dhigay, hirasho beenaade

Waa markaan go`aan haadha iyo, qaatay hawl adage

Waa markaan hibeeyaye sartiyo, huray naftaydiiye

Ee aan habeen qudha qabsaday, taan u hawl galaye

Ay hayaayda dhiilada Siyaad, gaadhay heegada e

Ee lagu hanbaabiray warkiyo, haatufkii sidaye

Ee adduun ka haan iyo ka haan, ka hanfariireene

Ay hawl yari libintaan ku helay, yaab ka soo hadhaye

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye!!!

 

Hadh-cad bay ahayd maalintay, rag is haleeleene

Burco duuray halasii ka dhacay, hugufkii baaruuda

Waa haanka maalintaan rag jaray, meel halbawla ahe

Waa hanfigu maalintuu la tegey, hootadii Faqashe

Waa habar wacii Coodanliyo, heegan dirirkiiye

Waa hig-layntii Balanbaal kolkuu, ka harbay kaariiye

Waa Habar-heshooy maalintii, laysku horay Suuge

Waa habaqlahoodii markaan, Hawd ugaadhsadaye

Habqankoodu waa maalintuu, qubay hubkiisiiye

Hanbadooda waa maalintaan, heensadee cunaye

 

Hawl-galkeedii weeyaan Birjeex, guushii aan helaye

Huugii waa Madheeriyo kolkaan, jebiyay haamiiye

Waa dagaxii reer Herer gurtiyo, huguguftiisiiye

Waa hugunkii Bali-dhiig kolkii, Faqash ku hoobteene

Waa halkaan Cadaadlay wadhiyo, guutadaan helaye

Waa hillaacii Buuraha ka baxay, hiririgtiisiiye

Waa halkaan hoggaankii ku gubay, hurunshadiisiiye

Waa Hargeysa duqayntuu la dhacay, Miiga hawlihiye

Waa hayaankii Burco lagu furiyo, Hooso shididiiye

Hubkii ina Siyaad waa markaan, haabtay keligaye

Hayiin iyo dayiin ficilka way, wada hagoogteene

Waa hulaabtii quudhsiga kolkaan, heeradii dhigaye

Wuu hir-galay dedaalkii hubkiyo, seefuu hagayeene!!

 

Halgankii qadhaadhaa jidkii, lagu halaakoobay

Hanbalyiyo abaal marin halkaan, higil ka dhawraayay

Hogwaa inaad ku sheegtiyo inaad, hadur ka soo qaado

Waa kuu halhays xumo inaad, dib u hilmaantaane

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye!!!

 

Dadka kale haldoorkii u kaca, way hamadiyaane

Sharaf iyo hibaa lagu wadhaa, lagu haggoogaaye

Adna waxad hilmaanteen raggii, dhiiga kuu huraye

Hadday hanadadaadii maqnaa, hogaga jiifaane

Haddaa geesigaagii halgamay, amase kuu hiishay

Hadday gaajo haysiyo darxumo, wada halleeleene

Haraadka iyo baahida hadduu, heedadaw yahaye

Hagrataye agoontii hadday, dhaxani haysaaye

Hadda dhugo waxan kuula hadhay, haatan maan ogiye!!!

 

Gobanimo hoggaan bay u tahay, haybta aadmiga e

Idinkoo hareeraha ka tuban, haybe iyo shaybe

Haadka iyo waraabuhu inuu, hiigo libintiina

Waa kuu habeenimo inaad, ka hadli waydaane

Hadidaada maan garan waxaad, u habranaysaane

Hadh-cad inaad gumoowdaa u daran, heerka nololeede

Hohe! miyaa garaad iyo aqoon, hadhin damiir nooli!!

 

Hoos looma fiirine tashiga, waad dul hogateene

Hoonbaro libaax bay wadaa, soo horkacaysaaye

Heesta iyo durbaanadu ka dheer, hirarkaa moodeene

Heellada waxbaa lagu wadaa, loo ham leeyahaye

Hayaankeedu waa meel shishoo, laysu hagayaaye

Wax ku huursan baa jira intaa, haatan aragtaane

Waa hillaac baxaayoon dhawayn, hal iyo baarkeede

Waa hogag laguu wado dalluun, gebiyo haadaane

 

Intaa hiban lahaydeen intaan, la isku hiifhiifin

Hibaaqa iyo guushaa intaan, la iska hoos saarin

Hadhaw iyo wixii nool intaan, wadhi la hoomaayin

Hadday kula gudboontahay haddaa, la is hor joogaaye

Heegankiyo hadduu kuu eg yahay, halis la diidaaye

Hadday fududay hawshani inaad, dhiciso Heemaale

Bal hubsada halbaa kaa gedmaday, aanad huri hayne!

 

Halgankii qadhaadhaa jidkii, lagu halaakoobay

Hanbalyiyo abaal marin halkaan, higil ka dhawraayay

Hogwaa inaad ku sheegtiyo inaad, hadur ka soo qaado

Waa kuu halhays xumo inaad, dib u hilmaantaane

Ku hagoogta taariikhda waa, lagu hal-maalaaye.!!!

 

Hal-abuurka maansada Cabdoow, hilayga aan saaray

Haldoorkiyo waxay la hadlaysaa, heer aqoon yahane

Hankay inaan afeefana hordhigay, ararna aan hoorshay

Inaan hindisahaygii murtida, hoga tusaaleeyey

Ma hagrane tixdaydii inaan, huriyay suugaanta

Hiilka iyo haloosiga inaan, diriray hawraarta

Habeeniyo inaan laba u dhaxay, ama ku hawshooday

Haya waa markhaatiga Halmaal, hadhaya taariikhe.

Dhammaad.

Maxamed Cali Cartan (Haldeeq)

Hargeysa: 0634194095.