Galbasho:Tix Gabaya oo Baroordiiq ah

Tixdan Gaaban waxaan tiriyay todobaadkii hore maalin ka dib dharaartii la soo sheegay Geerida Alle ha u naxariistee Hoobalkii Maxamed Saleban Tubeec.

Tubeec

KALSHAALE

Waa Maanso kooban oo aan kaga qayb qaadanayo baroordiiqda Marxuumka oo runtii Magac iyo Miisaan ku lahaa Mujtamaca Soomaalida dhexdiisa iyo Geedi socodka suugaanleyda Geyiga.

Gabayga waxa la yidhaahdaa (Galbasho), waxaanan iftiimin aad u kooban kaga bixinayaa qiimaha uu Marxuumku soomaalida ku joogay, sida aanay xaqiiqda Geeridu wax la inkiri karo u ahayn, marka qofku dhinto alle in looga samrayo iyo in duco la raaciyo loogu baahanyahay.

Tixdu waxay sidoo kale Bulshada Soomaalida dib u xusuusinaysaa Ashkhaasta Suugaanta ku suntanayd ee saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay Geeriyooday, kuwaasoo lagu xusi karo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, AHN Cali Banfas iyo Waliba AHN Faysal Cumar Mushteeg.

Gabaygan oo soo baxay isla maanta oo ay taariikhdu tahay 16/03/2014, isla markaana AHN, Maxamed Saleban Tubeec la aasay, ayaa waxa uu ku bilaamay sidan:

·         Geeridu xaq weeyee warkii shalay I soo gaadhay

·         Go’yeey laygu yidhi Maxamedkii Geyiga Soomaali

·         Guubaabo heesiyo wax badan waano gacaltooyo

·         Goleyaal la haybshiyo ka yidhi Guri dhiskeediiye

·         Saw dharaar kastoo Geesi baxo gabbal dhaceen maaha.

·         Galbay tii Allaa u timi ayaan Samir ku gooyaaye

·         Saddex sanoba Geedday ahayd garasho dheertiiye

·         Gugii tegay Calaa gacaleyaal loo gelbiyay iile

·         Kii ku xigayna Geedkii Fankiyo Faysalbaa  go’aye

·         Galbay kala dambeeyeen Samoow Gaariye iyo  Faysal geerida

·         Maantana Gurbood kaluu magligu goow ku soo yidhiye

·         Guulloow Allahayoow wakhtiga gelinba cayn jooga

·         Gooraha isdhaafiyo wacdiga geeddi soconayaa

·         Ee uu nafluhu guul mariyo Guluf ayaan joogo

·         Galladdaada weeye xaqaan geesna laga dhaafin

·         Gudcurkiyo dharaartaba adaa  nooga dhigay Guune

·         Meytida haddeer  Guri gashee loo Gin-gimay Aaska

·         Jannadaada Geeyoo Rabboow iilka gudihiisa

·         Uga yeel Gol raaxood Allow gacan ku siinayso

·         Oo goob farowsiyo ku taal Geedka Naxariista

·         Giddigayo Ducaan kuu farnee gogoshu ha u taallo.

Aamin…..aamin……….aamin

Tixdan Gabayga ah waxa tiriyay Saleban Cabdi Cali (Kalshaalle)

Waad mahadsantihiino.