Ogeysiis: Tartan Suugaaneed Cilmi ah & Ardayda Dugsiyada Sare

In badan ayaynu akhrinay buugaag aqoon ah oo ku qoran af kale oo loo dhigay qaab suugaaneed. Waxa la gaadhay xilligii la cilmiyayn lahaa suugaanta iyo maansada Soomaalida. Afkeennu waa mid hodan ah oo tix iyo tiraab labadaba si habboon loo adeegsan karo.

Logo-1

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ERA oo fadhigiisu yahay Hargeysa ahna madal kulmisa hal-abuurka, qoraaga, aqoonyahanka, akhristeyaasha bareyaasha iyo guud ahaan bahweynta waxbarashadu waxa uu ogeysiinayaa ardayda ku jirta dugsiyada sare ee Somaliland in uu qabanayo tartan suugaaneed hadafkiisu yahay godolka maskaxda ardayda iyo daahfurka awoodaha ay da’yarteennu leennahay, iyada oo loo abuurp in la helo saaxad suugaaneed oo gundhiggeedu yahay inay lagu baratamo aqoonta.

Dugsiyada sare waxa lagu dhigtaa maaddooyin badan, tartankani waxa uu ku bilaabmayaa in ay ardaydu ku barataan cilmiga barashada noolaha (Biology). Ardaydu waxa ay curinayaan suugaan ku arooraysa mucjisooyinka iyo hannaanka ay u shaqeeyaan jidhka nooleyaashu, sida ay xubnuhu isugu xidhan yihiin, qaabka ay u shaqeeyaan, muhiimadda ay leeyihiin.

Waa sayniskii casharrada lagu dhigan jiray oo la rabo in maansooyin laga unko gaar ahaanna mawduucyada kala ah:

·         Dhirta

·         Biyaha

·         Dhiig-wareegga (Circulatory System)

·         Dheef-shiidka (Digestive system)

·         Habdhiska neefsashada (respiratory)

·         Dareen-wadka (Nervous system)

·         Qalfoofka (skeletal)

·         Unugyada (Cells)

·         Cilmiga hiddaha (Genetics)

·         Qashin-saarka (excretory)

Shuruudaha laga rabo ardayga tartamayaa waa

1. In uu dhigto dugsi sare oo Somaliland ku yaalla, qoraalkana uu soo raaciyo email ama hab loola xidhiidhi karo.

2. Adeegsiga erayada afka Soomaaliga ahi waa mid aanu guubaabinayno

3. La-tashiga dhanka erey-bixintu waa mid waxtar ah

Waxa maansooyinka lagu soo hagaajinayaa ciwaannada kala ah abafgaab@gmail.com, siciid658@gmail.com saedmgahair@hotmail.com. Wakhtigu waa laba toddobaad laga bilaabo 16/March-31/March/2014 haddii Alle idmo. Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh

0634740393, 0634179975, 063475582, 0634164698