Hadduu Aarku Gabo, Xilka Guulle Baday, Gooshu Waa Hal-door, Dhab-Libaax Ku Gama!

SICIID MAXAMUUD GAHAYR HARGEYSAAWI

Waa qaybtii labaad ee maansadii Gadhle. Haddii la waabiyay shabeelkii giirka lahaa ee daandaansiga badheedhka ah kula kacay guunyadii baadi-soocda inoo ahayd, waxa wadnaha loo garayaa orgicii gadhle. “ha baqan, ha nixin, wax iska celi, garabkaaga na eeg” ayaa loo sheegayaa. Keligay hiil ma noqon, cabashada nimcoolayda waxa la gaadhsiinayaa hal-abuurrada maanta nool… In magacoodu maansada ku xusan yahay iyo dar aan la carrabaabinba. Waa maansoleyaasha gefka iyo duudsiga neceb.

Waa tan qaybtii labaad

Afartaas guhaad

Nin geyaan ku idhi

Waa gar daallin qaban

Gardarroode celin

Gobo’deedu waa

Guul-wade ha dhaco

Haddaan geesta kale

Golxobtiyo middida

Galka dibad ka dhigo

Orgacow gadhlow

Noqo geesi dhaba

Adoon gaalo u diran

Gumac lagu habrado

Muslmiin gobaa

Ku gardaaddisee

Gubashada hilmaan

Guubaabo diro

Orgacow gadhlow

Hadduu aarku gabo

Xilka guulle baday

Gooshu waa hal-door

Waa gaari hiil

Gacan laga martiyo

Nacabkay gumeyn

Dhab-libaax ku gama’!

Orgacow gadhlow

Galaal iyo wankaa

Hirdi giririflayn

Dibigaa gadood

La dinnaahshi guux

Gulaankaa dartaa

Doobyi oo garniqi

Gammaankiyo fardaa

Garmaammayn dhaqaaq

Orgacow gadhlow

Gorayadu hadday

Gaabaabsigaa

Guul moodday libin

Haldhaagaa gilgilan

Orgacow gadhlow

Wuxuu geylamaa

Garooc maalintii

Guduud loo lulee

Laaluush ku gado

Garab sii dhurwaa

Orgacow gadhlow

Gumeystaha intii

Garatee nacdee

Ka gurguurataan

Hambalyooyin guud

Gaadhsiinayaa

Gacaltooyo dhaba

Saryanow guntada

Arbeyahaw guddoon

Duco aan gudhayn

Orgacow gadhlow

Tixdan gibilka xidhan

Ma gadbixinayee

Ereygii gedmaday

Geeraarshayaal

Loo taxay garaad

Guurtiga Jaamac iyo

Geeddi baa rogrogi

Weedhsamaa gorfayn

Geydh baa fasiri

Badeed baa gorfayn

Balaasaan u geyn

Gayaxana Cabdaa

Gobaad kaaga furi

Geesigii Dhakiyo

Gurey baa lisiye

Guulguulka dhaaf

Gamadiidna maqal

Guulitaanka jira

Khashab gamaska kulul

Hadhcad buu ganaa

Gabayaaga Baaz

Cabdillaahi Ganay

Butin waa garsheeg

Afartaas guhaad

Nin geyaan ku idhi

Waa gar daallin qaban

Gardarroode celin

Gobo’deedu waa

Guul-wade ha dhaco

Haddaan geesta kale

Golxobtiyo middida

Galka dibad ka dhigo!

La soco qaybta saddexaad iyo dhammaadka insha Allah

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Email: saedmgahair@hotmail.com