Faa’iidooyinka Caafimaad ee Gadhku leeyahay

Gadhku waa haybada iyo quruxda  raga, waana astaanta raga muslimiinta. Laakin waliga ma maqashay faaidoynka caafimadeed u gadhku leeyahay?

209

1. Wuxuu ka hor tagaa kanserka (cancer) ku dhaca haraga: daraasad ay sameeyen cilmi baadhayaashu ayaa sheegtay inu gadhku caabiyo 95% (boqolkiiba shan iyo sagaashan) falaadha loo yiqaano UV rays ee ka timaada cadceeda oo sabab u noqota skin cancer-ka.

2. Wuxu yareeya assmada iyo alergyga (asthma and allergy): gadhku wuxu ku noqon kara filter hawada sifeenaya dhaska iyo wixi la mid ah kaa qabanaya hadaad tahay qof xasaasiyad ka qaba dhaska ama leh assma. Sida timaha sanka ku yaala oo kale ayu u shaqaynaya.

3. Hore uma gaboobaysid: falaadhaha cadceeda aya sabab u ah gaboojaha. Markaad gadhka la baxdid waxaad ka hor tagaysa falaadhi wajiga kaaga dhici lahayd. Gadhka markaad la baxdid waxaad u eekanaysa nin wayn laakin waxa xaqiiq ah inaanu wajigaagu hore u coodhcoodhayn.

4.Dhaxanta ayu ka hor tagaa: inkasto aanay jirin dhaxan badan marka la joogo Africa laakin waxa dhab ah inu gadhku dhaxamaha ka hor tago siday dhogorta xawayanku uga hor tagto dhaxamaha.

5.Infections-ka ayu ka hor tagyaa: infections-ku badana waxay ka imaadan marka gadhka la xiirayo ee shave-ta la isticmaalayo. Wajigaaga ayaa yeelanaya finan iyo dhibaatoyn markaad inbadan gadhka iska xiirtid.

6. Wajigaaga ayu ka ilaalinaya qalaylka: wajigaagu arki maayo dabaylo iyo dhibatoyn kale, u baahan maysid inaad wajiga marisid kreem (cream) iyo wax kaleba.

7.       Intaa aad gadhka leedahay ajar ayaa kugu socda: nabigii Ilaahay ayaa ina faray inaan gadhka la baxno. Qodobadan sare waa qodobo ay gaalado maanta cadaysteen, laakin Ilaahay aya og xikmada ku jirta gadhka.

Cabdiqaadir Askar

cabdoo76@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.