Dahab Gaadhaya $10 Milyan ayey Gurigooda ka heleen

Reer ku nool magaalada San Francisco ee dalkaasi Maraykanka ayaa ka helay deyrka gurigooda shilimaan ka sameysan Dahab kuwaasi oo lagu qiimeeyey inay gaarayaan $10 Milyan oo dollar.

dahab 101111

Waa markii ugu horeysay oo shilimaan dahab ka sameysan oo cadadkan la eg laga helo dalkaasi Maraykanka, waxaana la sheegay in dahabkan uu yahay mid qadiim ah oo halkaasi lagu aasay qarnigii 19aad.

Shilimaadkan dahabka ka sameysan ayaa gaarayey 1.427 waxayna ku jireen daasad lagu aasay deyrka uu gurigooda ku yaal.

Reerkan ayaa shilimaadkan u geeyey khubarada ku takhasusay qiimeynta lacagta qadiimka ah iyo dahabka kuwaasi oo sheegay in isu geyn lagu qiimeeyey shilimaadkan lacag gaareysa 10 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Reerka dahabkan helay ayaa ka codsaday saxaafada inaan magacooda la shaacin iyagoo ka gaabsaday inay wareysiyo bixiyaan, si aan muuqaalkooda loo arag.

Cabdiqaadir Askar

cabdoo76@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.