Xanjada iyo Caafimaadka laga helo

Sida  ay sheegeen Dhakhaatiirtu ayaa Xanjadu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo farabadan, gaar ahaan nooca aan sonkorta lahayni, iyada oo lagu tiriyo waxyaabaha tirayada yar ee lagu dhimo miisaanka qofka.

xanjo

sla markaana waxa ay xanjadu ka nadiifisa afka baaqiga kaga hadhay cuntada, iyada oo waliba xoojisa maskaxda iyo xusuusta waayo waxa ay firfircooni galisaa wareega dhiiga oo ay kordhiso burqashada uu ku burqanayo dhinaca maskaxda, taasi oo iyaduna si aad u fiican  u sahqaysa.

Faaidooyinka kale ee xanjada waxaa kamid ah in ay hoos u dhigto amaba yarayso warwarka iyo walbahaarka, waxa kale oo ay leedahay faaidooyinka shaaha oo kale, iyada oo lagula taliyo inuu qofku calaashado wax yar ka hor intaanuu jimicsiga samayn si ay jidhka firfircooni u siiso.

Hadaba xanjadu waxay ka mid tahay caadooyinka aynu leenahay ee aad u faafay, iyada oo yaryar iyo waawayn la wada calaashado, waxaana loo yaqaan mid aan sharaf badan lahayn calaashigeedu, hase ahaatee  talooyinkan caafimaad ayaa cudur daar fiican u noqon doona mustaqbalka insha Allah.

Faaidooyinka kale xanjada waxa kamid ah:

Waxa ay jimicsi siisaa muruqyada labada daan. Waxay kor u qaada dheecaanka ama dhareerka  uu jidhku kusii daayo afka, taasi oo dhareerkaasi uu yahay aysiidhii ka dhalatay cuntada ku khamiirta caloosha, waana sababta koobaad ee  suuska ilkuhu ka imaado.

Waxay ku caawisa naftu inay nafiska u dhacdo, iyo waliba inay dhamaan murqyada raaxaystaan. Waxay afka ka ilaalisaa urta qadhmuun. Waxa ay faaido u leedahay dawaynta xanuunada laabta sida mataga iyo xiiqda.

Cabdiqaadir Askar

cabdoo76@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.