Somaliland: Wasiir Beertiiisa Ku Dhisay Wasaarad loo magacaabay

Nin walba waxbaa lagu xasuustaaye, waxaan jeclaystay inaan dibadda u soo saaro oo aan soo bandhigo wax qabadka mid ka mid ah  10-kii wasiir ee waasaaradda caafimaadka soo maray mudadii Somaliland jirtay. Annigoo waajib isaaga dhigaya inaan intii ogaalkayga ah aan ka hadlo wax qabadka taariikhda u galay wasiirkan ka midka ahaa 10-ka Wasiir ee Wasaaraddaa Caafimaadka soo maray.

cabdillahi-darawal

Qoti

Wasiirkan  oo ahaa wasiirkii labaad ee  ugu muddada dheeraa wasiiraddii soo maray Somaliland, Haddana ahaa Wasiirkii ugu muddada gaabnaa  10-kii wasiir ee Wasaaradda Caafimaadka soo maray  ayaa haddana noqday Masuulkii ugu wax qabadka badnaa wasiirradii wasaaradda Caafimaadka iskaga dambeeyey.

Haddaba,  yaanan ka fogaan dulucda qormadaydee waxaan  dhawaan booqday Xarunta hay’adda Carruurta Adduunka ee UNICEF ku leedahay koonfurta Magaalada Hargeysa, taasi oo ah  ta ugu weyn xafiisyadda hay’addu ku leedahay dalalka Geeska Afrika, intaanan gudaha u galin xaruntaasi waxaan su’aalo badan iska weydiiyey sida ay ku suuro gashay xarun dhul intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeenna ee Hargeysa, laakiin waxaan markiiba ku farxay midho dhalka hiigsigii wasiirkaas wax-qabadkiisa aynu qalinka u qaadanay, kaasi oo ahaa wasiirkii maskaxdiisa ay ka soo maaxatay in xarun intan leeg  hay’adda carruurta Aduunku ku yeelo Somaliland,  taasoo suuro gashay markii uu ku dhiiraday inuu hay’adda siiyo dhul uu si gaar ah u lahaa.

Lamaan yaabin dhismaha ee waxa darreen gaar i galiyey hiigsiga iyo aragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal)  oo ahaa wasiirka caafimaadka  10/Augost/2006-kii-15/Augost/2007-kii, .

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu hay’adda siiyey dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka Geeska Afrika, kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay inay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga labada dabaq ah ee ay hadda wasaaraddu ku shaqeyso, haddana Wasiir Cabdilaahi Dirawal nasiib uma helin dhameystirka labaddaa dhisme ee aynu ka warannay, kuwaasoo muhiimadda dalka ay u leeyihiin ka sakow ay aad u kala fog yihiin goorta la qorsheeyey iyo wakhtiga ay fuleen, taasi oo ka markhaati kacaysa  qiyamka iyo aragtidiisa suuban ee ay ku dheehan tahay dabciga Waddanimo.

UNICEF  in kastoo ay tahay Hay’ada ugu weyn adduunka, waxaan la iloobi karrin doorka ay ugu jirto dalkeenna, taasi oo buuxinteedu ay ka mid ahayd aragtiyaha fog ee Cabdilaahi dirawal niyadda ku hayey wakhtigii uu qorsheeyay inay xarun intan leeg dalka ku yeelato, taasoo marka dhinaca kale laga eego muujinaysa in soo dhaweynta shacabka Somaliland oo uu matalayey masuulka dhulkiisa siiyey ay kaalin ka qaadatay in hay’addu iska xil saarto waxqabadka dalka u hayso, siiba caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, deegaanka IWM.

Maxamed Faarax Qoti

Hargeysa/Somaliland.