Wax Ka Baro Tobon Waxyaabood Oo KU Saabsan Luuqadda Ingiriisida!

Ku hadalka iyo aqriska wey kala duwan yihiin marka laga hadlayo luuqad, maxaa yeelay? In luuqad lagu hadlaa ayaa ka fudud in la aqriyo. Taasoo ka bilaabata qoyska siiba hooyada oo barta afka markaasi ay ku hadlayaan kolka caruur la yahay, wuxuuna mudo kadib ruuxii bartaa qoris marka iskuul lageeyo.

SICIID XAGAA AFRAX

Caalamka aynu maanta joogno,luqada ugu caansan uguna badan ee lagu hadlaa waa luqada ingiriisiga. Hadaba aan si kooban u soo qaadano xagee luqada ingiriisiga ka timi?

images

taariiqda ingiriisiga sharciyan waxaa loo qeybiyaa sadex qeybood :

A-Ingiriisiga duqa ah

B-ingiriisiga dhexe

C-Iyo ingiriisiga casriga ah .

xiligii ugu dhawaa ee bilowgiisa waxaa lagu sheegaa in qolo tahriib aheyd oo qabiil ka tirsana jarmalka ay yimaadeen BRITAN qarnigii kontonaad.sidaasna uu ku tarmay isagoo soo maray heerar kala duwan.

Waxaa jira wadamo luqadooda koowaad tahay iyo kuwa midda labaad u tahay ingiriisiga,Tusaale wadamada kow ay u tahay luqada ingiriiska waa Australia, Canada, New Zealand, the United Kingdom, iyo United States.

Xiligan waa wax aad u yar ama ma jirto aya ala odhan karaa wadan aan dadkiisu ugu yaraan dhowr qof ku hadal luqada ingiriiga.

Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa Toban qodob oo ku saabsan luqada ingiriisiga.

1-Dadka caalamka ku nool oo idil hal bilyan oo qof ayaa ku hadla ingiriis. waxeyna la macno tahay marka 10 loo qeybiyo luqada in todobo ay ku hadasho ingiriisi.

2-Marka la soo hadal qaado kunbuyuutarada, warbixinada iyo macluumaadka ku jira aduunka oo dhan waa ingiriisi, waana 80% .

3-Erayadan ku jira ingiriisiga sida “I”, “we”, “two” and “three” waxey ka mid yihiin kuwa ugu badan ee qadiimiga laga soo bilaabo kun sano.

4-Ereyga ugu dheer caadiyan ingiriisiga shaqal la’aan waa “rhythms.“Qaafiyad ama isku jaango’an.

5-Erayga cusub ee ingiriisiga ah waxaa la sameeyay 98 daqiiqaba mar.

6- Dadka ku nool sweden 85% waxey ku hadlaan ingiriisi.

7- Erayga  Bride oo ah caruusad wuxuu markiisii hore ka yimi hogaamiye hore oo reer jarmal ahaa macna ahaana wuxuu ahaa “ si loo kario . To Cook.

8-Sidoo kale Erayga “mortgage” oo ah deyn wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa Fransiis wuxuuna micnihiisu ahaa “death contract. qandaraaskii dhimashada ama hishiiskii dhimashada

9- Sidoo kale ereyga Cool oo ah deggan ama xasillan wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa africa wuxuuna ahaa “itutu” kadib markii la geeyay dad afrikaan ah America si adoonnimo ah ayuu noqday Cool.

10-Ma ogtahay in jumlada ugu gaaban ee ingiriisiga misana dhameystiran in ay tahay GO.

Xigshada qaar: wekipedia

Diyaariye : Siciid Xagaa Afrax.

Journalist

Sxagaa@hotmail.com