Gabay Cusub oo la Baxay Gudgude oo si adag uga hadlaya dawladda

Hargeysa(Aftahannews): Waxaannu Akhristayaal halkan idiinku soo gudbinaynaa Gabay uu tiriyey Abwaan Mustafe Xuseen Daahir (Mustafe-Plaza), waxaanu kaga hadlayaa xadhigga ay Xukuumadda Somaliland kula kacday Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Faarax oo khamiistii laga sii-daayey Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa iyo inta kale ee la midka ah ama Muwaaddiniinta ah ee aan sharciga ku gefin ee la xidho ama la xidhay-ba.

Waxaanu Gabaygaas oo uu ugu magac-daray Gudgude u bilaabay sidan:-

Gurayoow waxaan tirinayaa maanso godobeede

Gawdh gawdhi maaye runtaan  soo gayaxayaaye

Gantaalahana goobtaan la rabo waan ku ganayaa

Gud gudaha waxaan moodayey gobolkii maasheeyey

Gudcur soo madow iyo walee noqotay gaaleefe

Gondahaygii gumucbaa la dhigay laysku gubayaaye

Gumaystaha wixii lagu yiqiin goobtan ka ciyaarye

Gadhcadaadigii xilka loo igmaday xaajo gudan waaye

Guruubaa ina haysta aan caqli kala gu,u roonayne

Girgirkaana loo saaranyahay guluf colaadeede

Shacabkaa ka gaabshe mar hore gaydhe soo kiciye

Hadii aan garnaylkii rakibo gudinta aan daabto

Gabayga iyo maansadu aniga waa ii gumac rasaaseede

Mana gaabin maayee runtaan soo gudbinayaaye

Goobtii aan la rabay waliba waan ku ganayaaye

Gun udaadagaygii wixii kiciyey guulaamo

Hadaan goobta soo dhigo warkii gabax ka soo  siiyo

Gedii waabeeyeyeel iyo marki layidhi guuleed guunyo naga qaado

Laandheeraha gedii laguyaqiin gob iyo caadkeeda

Markii uu ka gabsaday uu gun nimo diiday

Ma gayo markuu yidhi guuleed guuto lagu saarye

Galin danbe habeenimo intuu gurigii loo daatay

Oo gaadhi lagu soo ritoo lalana soo guureeye

Waxa loo  goleeyahay inuu dabo gucleeyaaye

Oo kolba gabanka  reeraha ku jira soo gagabiyaaye

Googarad ma qaato nin ragi gabadh sideediiye

Geesinimadu waa haybad gaaroo guule bixiyaaye

Goboluu xukumayoo guuleed waxbadan gaadh ka ahaaye

Cidna garabka muu saari jirin gacal walaalayne

Burco waw  gudboonayd guuleed labada geesoode

Inan gumeed un baa kala gur iyo gocosho daynayne

Dhamaantiin kulmiye soo gala ayaa ragii xabsiga loogu gurayaaye

Haday gubato landteenu oo  guriga hayl haysho

Xilka kuwii guudka loo saaray gujo gujayn iyo gocosho daynwaaye

Gardaradan masuul yaa ka noqon galabta waa yaabe

Guulwadaynta waa lagu gubtaa lagu gomoobaaye

Madaxtooyadaa lagu gala geesi xadhigiiye

Hadaad hayso  guuleed calaw sharaf ku goobayso

Ceeb weeye guudkaaga sudhan  kaana go,ayne

Duur iyo gaboosaad ogayd waxay tan ugu gaysteene

Gondahaaga eegoo  calaw  hayska gubin shaadhka 

Gun udhaadhicii waxaan dawladani  gun iyo baar leeyay

Shacabkaa ku gaystaye kursigan kama dul guuxdeene

Xirsi gaab garaad iyo masuul iyo geeshash odayaala

udanbeeyay guuleed sifudud kuma gureen jeele

Adeernimo xil loogumo  garteen bir iyo gaashaane

Abaalkeeni  weeyaan axmadow waxa ina gaadhaaye

Gacamihiina  eersada iyo ilayn waa gooya farihiina

Waxse aanan ciil ugu go,ayn bari gadaasheedba

Tartan loo gudboonyo markay doorashadii gaadho

Ninkastiyo garaadkii markay ololihii gaadho

Shanta sano waxaad gaysateen   ee  kuugu qoran buuga

go,aankii lagaadhiyo guuldaradu waa galabsigiiniiye

Subaxaa is gowraca hadaba walee mar danbe ima godoshaane.