Hal-abuur Ku Bogaadiyay Suugaan Wax-qabadka Wasiirka Waxbarashada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Maansadan oo magaceedu yahay Cisi waxa ay ka hadlaysaa waxqabadka iyo qofnimada Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,  waxaanay marag u tahay dedaalka  badan ee ay ugu jirto tayaynta iyo horumarinta waxbarashada oo ay u qalanto in murti lagu sheego.  Maansadan oo oo baxday Jenewari/2014ka waxaa curiyay Hal-abuurka da’da yar ee Xasan Maxamed Xuseen.

ZamZam

Meerisyadeedina waa kuwan:

Samsam caynaddeediyo

Haweenkeena caankee

Cisi lagu majeertaa

Camalkay hayaan iyo

Bulshaday u ciidmeen

Cadhaan  laga dareemayn

 

Culuuntiyo waxbarashada

Ciidan bay u noqotoo

Dugsiyadu camuudda

Caawa way ka badanyiin

Siyaasadda cantuugiyo

Kamay baran calooshoo

Cuudkeedi waa taa

Carradeenna Gelisaba.

Maxay galab carrawdoo

Carri shaqo u aaddoo

Caruurteenna awgood

U hurtaa caqliyo tamar.

Ma taqaanno casabiyo

Cunsur iyo qabiil iyo

Caadooyinkii hore

Dartood loo curyaamoo.

Qof kastoo canaantoo

Ciwaj iyo ku dura been

Waa cambaar mid wada oo

Ceebeeyay mudan aan

Cunfi iyo dhib aan geyin

Qof cajiiba inay too

Dadku wada  ciseeyana

Waxa kuu caddayn kara

Billadaha culculus iyo

Sharaf lagu cigaaliyo

Guddidii cuslaydee

Cilladaha Kulmiye iyo

Dawaynaysay cudurkaba

Waata loo cumaamaday

Caarba kaliged lagu daray

Tawxiidka culus iyo

Cirshigiyo Quraankaan

Cuskadaye Allawhayow

Cimrigeeda dheeree

Caafimaad ku noolee.

Baahinta Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.