Daawo Hees loo Sameeyey Musharraxa Jagada Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi

MUUSE BIIXI OO ORDAYA 2016

Hargeysa(AFNS):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbigaas, ayaannu Hees cusub oo loo sameeyey idiinku soo gudbinaynaa qaybta Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinteennan Aftahannews.

MUUSE BIIXI OO ORDAYA 2016
MUSHARRAX MUUSE BIIXI OO LA ORDAYA AGAASIME ILKA-CASE 2016

Heestan oo lagaga sheekaynayo doorka uu halkankii Jabhaddii SNM ku lahaa Muuse Biixi iyo sida uu u mudan yahay in doorashada Somaliland la filayo inay ka qabsoonto 2017-ka haddii Illaahay yidhaahdo in la doorto ama ay Shacabku codkooda ku taageeraan.

Waxaa Heestan oo Hal-ku-dheggeedu yahay Muuse yaan la dacal-marin, Hal-abuuray ama Curiyey Daaha Cabdi Gaas, Laxanka waxa ku ladhay Siciid-Tanka, waxaana Codkeeda Macaan idinku soo gaadhsiinaysa Fannaanadda Nimco Cawil Axmed (Nimco-Sagal), waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan Hoose ee ka Bogasho fiican:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.