Gabay Gabay Cabdoow!
Geeraarka Tiri oo Gaydh Darteed
Ilmo gobo’da haay
Dhar guduudan xidho
Hengeloo gadhkiyo Goradiis ka xiir
Godka waxaa lagu gembiyey
Geesigii walaalkeen Timacadoo
waa lagu goblamay.
Talo way gudhaye, warka aan
Guntoo diiwaan gelshee
Waxa aanan garan
Gacantood Go’daye
Waxay kugu galeen
——
Gurigeed ba’yeey! Geeridu xumaa?
Gacaloow kolay Dembi maanad Gelin
Hawl maanad gabin, Geel maanad dhicin
Hantigoosad iyo gacandhaaf ma falin.
Waxaad Galabsatoo geeridan ku baday
Godka iyo Cidladu Gar Alle ma jirin.
Waanse kuu Gartoo,, waxa gaystay Niman
Gawsaha listoo, jidhku gaamuroo
Gaagaabtay oo Gadhmaleys ahoo
Dul galaalan oo Geyn-geyn leh oo
Garaadlaabe iyo cadaw gaamuraa.
=======
Waxa gaystay Niman, gobolkaagi
Googoostay oo midba gees xidhoo
Ku gabraartay oo gacal iyo xigaal
Dadka goor walba kun u gawracoo
Hadaan gorofyo dhiig. galabtii la siin
Gagaboo bakhtiya.
Waxa Geystay Niman halkii lagu goblamo
Gaaf iyo aroos isu giijiyoo geeridu la tahay
Guul ay dhasheen.
Waxa geystay Niman iimaanka Geed
Laga guud sudhoo Illaahay ka go’ay.
Waxa geystay Niman waxa ay galaan
Ama ay Gudaan weli aan la garan.
———————–
Gacaloow walal gefka waxa lahaa
Shacab gaabiyoo Gogol laga dhigtay.
Gar Allee mar buu Godka Aakhiraad
Guul uu yahay Guudkiyo ifkaba.
Hayeeshee Geesiyoow,
Geesi timacadoow,
Saaxiib gaar ahoow
Godka Aakhiruu ,Rabbi kuu gartoo
Guhaadiyo Dhibtuu, Guulle kula nacoo
Guryihii Janada gabdhihii ku jiray
Galadoodi buu ,alle kuu gartee,
Ana geesiyoow ,.Salaadaha gigiman,kaama gaabiyoo
Goor walbaa allaan,Gacmo hoos dhigtaa,
Gacaloow Walaal Gebogebo ahaan
Ga’ma oo jannada Salaan iiga gee
Gardaradu dadkay Godka Aakhiraad
U taxaabtay gebi..