Booliiska D/Hoose Ee Hargeysa Oo Boob Iyo Dhac U Gaystay Bakhaaro Ku Yaal Suuqa Jaamac Gunti

Hargeysa(Aftahannews):- Unugyo ka tirsan Ciidammada Booliska dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa laba maalmood ka hor galafay Suuqa Jaamac Gunti ee Xxaafada Xera-Awr,halkaasi oo ay u gaysteen boob iyo fadha taysi,waxaa kale oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah ganacsatadii yar yaraa ee ay baabiiyeen tukaamadoodii,waxay sidoo kale xadhig iyo jidh dilis ciidankani u gaysteen afar wariye oo ka socday Tv-ga Bulsho kadib markii ay isku dayeen inay sawiro ka qaataan tukaamada boobka iyo dhaca loo gaystay.

SOLTELKO AND ATHERS

Ciidanka oo uu hoggaaminay Taliye ku xigeenka Saldhiga dhexe ee Hargeysa Cabdi-madoobe, ayaa aroortii hore ee Khamiistii inna dhaaftay ku kallahay suuqan waxaanay gabi ahaanba cagta mariyeen dhismayaal ay markii hore ka tageen oo aan u dhawayn dariiqa gaadiidku maro,talaabadan ayaa ka dhalatay cadho ay masuuliyiinta ugu tunka wayn leh dawlada Hoose ka qaadeen sariimada dib looga aas aasay,waxaanay ciidankani sidoo kale rasaas ay dadka shacabka ah ee tukaanada yar yar ku lahaa halkaasi ku ridayeen ku dhaawaceen ugu yaraan saddex qof oo lag daawanaynayo Cisbitaalka magaalda Hargeysa.mid ka mid ah ganacsatada bakhaarada waa weyn ku leh suuqaasi oo magaciisa ku sheegay Cabdi Axmed ayaa sheegay in bakhaarkiisa oo dhisme dhagax ah ka samaysan ay qaar ka mid ah ciidanka bilaysku isku dayeen inay jabsadaan oo ay boobaan arrintaasi oo uu aad ula yaabay.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; “Dhagaxaasi ayay albaabka ku garaaceen, markaan waydiiyay sababtana way u tukhaan tukhiyeen,waan qayl yay oo waxaan idhi waa la iboobayaa,dadkii goobta ka agdhawaa oo dumar u badnaa ayaa qayliyay,runtii arinta meesha ka dhacday waxay ahayd boob cadaan ah,waxaana naga darnaa tukaanada yar yar oo woxoogii ay jeebka ku shubteen ciidanku.”

Dhinaca kale,Ugu yaraan afar wariye oo ka hawlgala Tv-ga Bulsho ayay ciidankani garaacis xun u gaysteen iyadoo lagala wareegay qalabkii baahineed ee ay siteen,waxaanay markii danbe saddex ka mid ah wariyayaashaa u qaadeen saldhiga Degmada Koodbuur,saddexdan wariye ayaa isku dayay inay sawiro ka qaataan dadkii la bara kiciyay.

Wariyayaashan ayaa kala ahaa Siciid Khadar,Cabdirashiid,Khadar Macalin iyo Cali Mahdi.wariyayaashan ayaa duhurnimadii maanta dib xoriyadooda loogu soo celiyay,iyagoo qaba jug waa weyn oo ay ciidankani u gaysteen.

Ciidankan ayaa hawlgalkan ay saaka fuliyeen lagu sheegay inay wateen oo ay dan gaar ah ka lahaayeen masuuliyiin uu ugu horeeyo maayarka Magaalada Hargeysa cabdiraxmaan Maxamed Caydiida Soltelco,iyagoo ka jawaabayay sariimad la sheegay inuu halkaa dib uga bilaabay qaabaaynteeda mid ka mid ah ganacsatada waa wayn ee Somaliland oo lagu magacaabo Ismaaciil Samaale,

kadib markii dawlada Hoose Suuqa Jaamac Gunti ka rartay Samiiradii ku taalay una wareejisay dhisme uu leeyahay Ganacsade Cali maaweel oo ku taala Meel aan sidaa uga fogayn oo galbeed ka xigta.

Dhismahaa loo raray sariimada ee uu leeyahay ganacsade Cali Maaweel ayay dawlada Hoose ka kiraysatay waxaanay ka boqo qabtaa hadii sariimad laga aas aaso suuqii hore ee ay ka soo wareejisay inay iska bixin kari waayaan lacag xad dhaaf ah oo la sheegay inay dawladda hoose kaga kiraysatay Cali Maaweel.

Xigasho Wargeyska Foore.