DP World oo Dekedda Berbera Ku Soo Kordhinaysa Xarun Cusub oo Saliidda Cuntada ah

Berbera (aftahannews):- Xaruntan cusubi waxay noqonaysa mid wax ka bedesha Geeska Afrika, iyadoo yareynaysa kharashaadka saadka ee badeecada muhiimka ah sidoo kale waxay abuuri doontaa shaqooyin wadanka gudihisa
Wajiga hore ee xarunta ayaa si mudo dheer ah looga kireeyey ganacsi weyn

Dubai, UAE, March, XX 2023: Shirkadda DP World oo ka bilowday Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland dhisida xarun cusub oo saliida cuntada ah taas oo hoos u dhigi doonta qiimaha silsiladda sahayda abuuri doontana shaqooyin wadanka gudihisa ah, waxa la isku waafaqay heshiis kiro oo mudo dheer ah.

Xaruntan saliida cuntada ayaa ah waxii ugu danbeeyey ee lagu soo daray habkan ganacsiga isku xidhiidhsan ee koraya ee Berbera, waxaana ka horeeyey Aagga cashuuraha ka Caagan ee Berbera (Berbera Economic zone) oo dhawaan la furay. Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera waxa uu 15 KM u jiraa Dekedda waxuuna ku xidhanyahay Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Berbera ilaa Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Qorshayaasha DP World ee Berbera oo ku taala marin ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan dunida ay ugu badalayso xarun iskugu jirta ganacsiyada la xidhiidha badda, saadka iyo xarun ganacsi oo u adeegta Geeska Afrika, oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Xarunta saliida cuntada waxay wajiga koowaad lahaan doontaa cabir ah 18,000 oo tan, waxaana la balaadhin doonaa marka baahidu korodho. Waxa ay awood u yeelan doontaa in ay u adeegto maraakiibta qotodooda biyuhu ay gaadhayso ilaa 16 mitir, taas oo u ogolaanaysa Dekedda Berbera in ay markii ugu horeysay ka soo degto Saliid cunto oo aan baakadaysnen. Soo dejinta saliid aan baakadaysnayn laguna baakadeeyo wadanka gudihiisa waxay u suurta galinaysa in saliida cuntadu noqoto mid jaban oo dadka gobolka ku nooli awoodan iyo inay abuurto shaqooyin wadanka gudihiisa ah

Wejiga kowaad ee xarunta waxa si dhamaystiran looga kireeyay si ku salaysan mudo dheer shirkad la idhaah Mzahim Investment LLC, oo hoos timaada Maalgelinta Essa Al Ghurair ee Isutaga Imaaraadka Carabta. Mzahim Investments waxa kale oo ay Berbera ka hirgelin doonaa warshad maxalli ah oo baakadaha soo saarta, si ay ugu adeegto macaamiisha ay ku leedahay Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo la filayo in laga shaqaaleysiiyo ilaa 100 qof.

Essa Abdulla Al Ghurair, Guddoomiyaha Essa Al Ghurair Investments (EGI), ayaa yidhi; “Annaga oo ah ganacsi qoys oo ka aasaasan Imaaraadka, waxaanu gobolka la ganacsanaynay muddo ku dhow 40 sano. In aan xarun ku yeelano Berbera waxay sii wadi doontaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee aanu la leenahay gobolka. Joogitaanka shirkadda DP World ayaa kaalin baaxad leh ka qaadatay inay ku dhiirigaliyaan ganacsiyada sidayada oo kale ah maalgashiga gobolka. Saliida cuntada ee Berbera waxa ay noo ogolaanaysaa in aan wax soo saarno dalka gudihiisa, anaga oo hubinayna in badeecadaha daruuriga ah sida saliidda cuntada ay jaban yihiin oo ay noqoto mid ay awood u heli karaan dadka deegaanku. Anagoo adeegsanayna wax soo saarka, waxaanu kaalin ka qaadan karnaa abuurista shaqo iyo kobcinta kartida, gaar ahaan kuwa dadka xirfada leh iyo kuwa xirfadaha dhexdhexadka ah ku shaqaysta.”

Suhail Albanna, oo ah Agaasimaha guud iyo madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa  sharraxay xarunta cusub, waxaanu yidhi; “Samaynta xarunta saliida cuntadu waa mid wax weyn ka bedeli doonta gobolka, waana tusaale kale oo ina tusaya sida aanu u yaraynayno kharashka ku baxa ganacsiga anagoo u raadinayna xalal daboolaya baahiyaha macaamiisheena, isla markaana saamayn togan ku leh bulshada deegaanka haday tahay xaga shaqo abuurka iyo xaga in ay si fudud u helaan alaabaha. Waxaana qayb ka ah dekedda Berbera iyo Aaga Cashuuraha ka caagan,
xaruntani waa nooca kaabayaasha isku dhafan ee Dekedda kuwaas oo soo jiitay maalgashadayaasha caalamiga ah ee ka mid yahay EGI oo doonaya inay u dhawaadaan macaamiishooda.”

DP World Berbera Taariikhda
Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadda DP World siisay qandaraas Dekeda Berbera oo ah teerminaal cusub oo konteerada.
September 2016
Ku Wareejintii Dekedda DP World
March 2017
Bilaabisti Dhismaha Teerminalka Cusub ee Koonteenarada ee Dekedda Berbera
October 2018
Keenidii wiishashkii ugu horeeyey ee dekeda Berbera
March 2021
Teerminalki cusub ee konteenarada ayaa bilaabay shaqada.
June 2021
Shirkada DP World ayaa daah furtay wejigii kowaad ee Aaga Cashuuraha ka Caagan (BEZ).
March 2023
Shirkadda DP World ayaa bilawday dhismaha xarun cusub oo saliida cuntada oo dekedda Berbera ah.
March 2023

-DHAMMAAD-

Warbixin ku saabsan DP World

Waxaan nahay hormuudka bixinta adeegyada saadka ee casriga ah, waxaanu fududeeyna isku socodka ganacsiga adduunka oo dhan. Badeecooyinkayaga iyo adeegyadayada kala duwan ayaa taabanaya dhinac kasta oo nolosha ah.

Waxaanu nahay shabakad caalami ah oo ka kooban; 350 unug ganacsi oo ku kala yaal 75 wadan oo ku kala yaala lix qaaradood. kasoo bilaama adeegyada la xidhiidha ganacsiga badda iyo marinnada gudaha ilaa xayndaabka warshadaha iyo sidoo kale adeegyada macaamiisha oo ku salaysan tiknoolajiyada.

Meel kasta oo aan ka hawlgalno, waxaan isku dhafnaa waaritaanka iyo masuuliyada bulsho ee shirkada, annagoo ku dadaalayna wax ku biirinta Dhaqaalaha iyo bulshooyinka meelaha aan ku noolnahay kana shaqayno.

Waxan uga qaybqaadana anagoo la samaynayna xidhiidho waara oo sii koraya dawladaha, shirkadaha wax soo dajiya, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale ee ku lamaan silsiladda sahayda caalamiga ah.

Waxaan ka fikirna waxa soo socda, waxaanan ku sii talagalnaa isbeddelka waxaanan isticmaalna tiknoolajiyada hormuudka u ah ganacsiga si aan u abuurno adeegyada ganacsi ee ugu casrisan, ugu hufan uguna hal abuursan
anagoo hubinayna ku lahaanshaha isbedel togan oo joogto ah dhaqaalaha, bulshada iyo dunidaba.

Kala soco DP World:

Twitter: https://twitter.com/DP_World
LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/dp-worldhttps://aftahannews.com/archives/126890%20%20news

Warbixin ku saabsan DP World Berbera

DP World Berbera waa qayb ka mid ah DP World iyo British International Investment oo ah hanaan iskaashi oo maalgalinta Afrika. Hanaankani waxa uu maalgalin doona dekadaha wax laga soo dhoofiyo, kuwa loo dhoofiyo, barxadaha konteenarada lagu kaydiyo, Aagaga Cashuuraha ka Caagan iyo saadka kale ee Afrika oo dhan si loo kordhiyo ganacsiga, loo abuuro fursado shaqo oo cusub iyo in kor loo qaado helitaanka adeegyada daruuriga ah.

Waxa lagu bilaabay saamiyo aad u yar oo ahayd hantida DP World ee sii jirtay oo ay daba socdeen qorshayaal balaadhineed oo wax ku ool ah, waxa ka mid ah dekedaha Dakar (Senegal), Sokhna (Masar) iyo Berbera (Somaliland). Ganacsiga ku suurta galay hawlaha fidinta ama ballaarinta aan kala joogsiga lahayn ayaa la filayaa inuu abuuro 138,000 fursado shaqo oo dheeraad ah xaga dhaqaalaha guud. Marka la gaadho 2035, dekedahaan waxaa la filayaa inay si dadban kudhawaad 5 milyan oo qof ka kaalmeeyaan helida shaqooyin rasmiyaa.

Warbixin ku saabsan Essa Al Ghurair Investment

Essa Al Ghurair Investment LLC (EGI) waxaa 2012 kii aasaasay Mr. Essa Abdulla Al Ghurair, waxu ka koobanyay guddi maamul oo ka kooban afar wiil oo uu dhalay, si looga hawlgaliyo ama qayb uga noqdaan ganacsiga qoyska ee sadexda jiil ah. Xubnaha qoyska EGI waxay ka ciyaareen door wada jir ah, mid walbana awoodiisa, si uu u maamulo kooxda.

Xafiiska EGI waxa uu ku yaalaa badhtamaha magaalada Dubai, xarumeheeda wax soo saarkuna waxa ay ku yaalaan Dekada Jebel Ali, oo ah xarun guud oo saadka caalamiga ah, taas oo ganacsiga wax kala iibsiga aduunka u suurta galisay inuu noqdo mid haboon.
Mr. Essa Abdulla Al Ghurair waa mid ka mid ah hormoodka hal-abuurka ganacsiga ee gobolka sababta oo ah khibradda dheer ee uu u leeyahay wax soo saarka warshadaha iyo ganacsiga badeecadaha ee suuqyada caalamiga ah. yoolkisa iyo istaraatijiyaddiisa ganacsi waxay keeneen kobaca shirkado kala duwan, tusaale ahaan Dubai Oil Mills (mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn saliida ee Bariga dhexe iyo waqoyiga Africa(MENA region)), Mills Flour Mills iyo Al Ghurair Resources, (kuwaas oo ah kuwa ugu waaweyn ganacsiga balaadhan ee qoyska Al Ghurair iyo sidoo kale waa ganacsiga ugu weyn dhinaca badeecadaha beeraha).

Mr Essa Abdulla Al Ghurair, Gudoomiyaha Essa Al Ghurair Investment, sidoo kale waa Maamulaha Guud ee Warshadaha Cunnada ee Karam.

Intaa waxaa dheer, Mr Essa Al Ghurair waa saamile weyn oo ku jira kooxda Prime HealthCare, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee bixiya daryeelka caafimaadka ee UAE, kaas oo ujeedadiisu tahay inuu noqdo bixiyaha daryeelka caafimaadka ee ugu sareeya gobolka. Kooxdiisu waxay sidoo kale qayb ka yihiin mashruuc cilmi baadhis toos ah oo ka socda Dubai.
www.egi.ae