DAAWO: Diyaarad Shirkaddii Lahayd Musalaftay oo loo Beddelay Huteel Laga Cunteeyo

Ghana(Aftahannews):- Diyaarad ay lahayd shirkaddii diyaaradaha ee Ghana Airways, ayaa laga dhigay huteel laga cunteeyo isla-markaana ay isku arkaan dadka ladan ee ku dhaqan dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Ghana.

Diyaaraddan oo fadhida garoonka diyaaradaha ee Kotaca ee caasimadda dalka Ghana, ayaa hore Magaceedu u ahaa DC 10, balse waxa hadda loo yaqaanaan Diyaaradda Cagaaran, magacaasi oo ka turjumaya midabka lagu buufiyey markii huteelka loo bedalay.

Diyaaradaan ayaa qaadi jirtay 380-qof, balse hadda waxa gudaheeda fadhiisan kara ilaa 118 ruux, taasi oo ay keentay in kuraas badan laga qaaday, loo helo meelo ay maraan dadka Macaamiisha ah ee halkaasi yimaadda.

Diyaaradda DC 10 oo duulimaadkeedii u dambeeyay fadhiisatay Madaarka caalamiga ah ee Heithrow Airport ee Magaalada London, ayaa muddo dheer taalay garoonka Kotaca ee dalka Ghana, ka dib markii shirkaddii lahayd ee Ghana Airways u musalaftay dayn dhan $ 6 Milayn oo dollar oo ay iska bixin kari wayday.

Dawladda Ghana ayaa diyaaraddan u bedashay huteel casri ah oo laga cunteeyo, ka dib markii ay ku fashilantay inay mar kale dib u soo kabato shirkaddii diyaaradaha ee qaranka Ghana, waxayna ku wareejisay huteelkaasi dad gaar ah oo cashuur laga qaado.

Diyaaraddan huteelka loo bedalay ayaa waxa booqda dad badan oo ajaanib ah oo isugu jira maalqabeeno, arday iyo dad aan waligood diyaarad raacin oo jeclaysanaya inay arkaan gudaha diyaaradda.

Cabdiqaadir A. Carab

Email: Horseed001@gmail.com