Dan baa i tidhi ‘Tahriib’!

Qalinka Mawliid Cumar Xoog: Qaybtii:Koowaad Rag cadalad wayay sida cawsha kala carrar. Qoraalkan koobani wa mid aan u hibaynayo dhamaan dhalinyarada Somaliland.maqaalkani wax taban doona nolosha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Somaliland, markii aan arkay dhalinyarada somaliland ilaa iyo 2010kii ilaahada marxaladaha nololeed ee kala duwan ee ay kusugan yihiin,afkaarta iyo fikiradaha ay ka haystan nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin, ee la tabalaysan dhibatooyinka ,dhaqaale xumo,siyaasad xumo,hogaan xumo oo ah mid dhaman saamaysay bulshada qaybahega kala duwan garna u tabatay dhalinyarada. Markii ay arkeen dhalinyaradu in aanay jirin cid daneeynaysa ina ay wax kala qabato baahiya hooga,marki ay arkeen in anay jirin wax saa usiibadan oo rajo ah aanay ka muuqan madaxda manta oo bari lagu diirsankaro ,markii ay arkeen saamaynta aadka laxaadka u leh ee ay ku leedahay qabyaaladu dhalinyarada waxbaratay,markii ay arkeen in odayashii dhaqanku ay kaleexdeen sifihii an ku naqaanay oo ay wax walba dangaar ah ay ka dayayaan haday noqoto goobaha shaqada iyo goobaha cadalada,markay arkeen dhanlinyaradi inay yihiin qaar lobahan yahay malmaha doorashada iyo malmaha shakhsii dan gara leeyahay,markay arkeen in dayaxii u so baxaba damur laga marinayo,markay arkeen in aqoontii ay baranayeen hadhawto ay u bahan tahay garab qabyaladeed oo tartansiinaysa isaga iyo kii an waxba baran.Qodobadaas aan so shegnay iyo inkale oo badanba markay dhalinyaraadii aragtay,waxay iswaydiiyen xalka ubanani waxa uu yahay.xog lahelyaba talo lahelyee dhalinyaradii oogatay inaan duqayda haysata ee siyaasiyiinta isku shegtaa aanay marnaba qalbiga galin amba mesha so dhigan war maxay dhalinyaradeeni la yacaysa ee u tahribaysa balwadaha u cunaysa,se xanuunada maskaxdu inoogu so badanayan,iswaydiiyen lakiinse jawabtu noqotay adigu u yagleel guri cadaladeed,guri nololeed,han iyo himilo u abuur,noqotay adigu hadad inta samayn kari wayday bane mesha inankagu ha soo galee oo talo iyo tusale lagarabjoog. Markasu dalku horumar ku talabsane.Xalka se waxy u arkeen odayaashii inay taliyaan talo se salka ku haysa qabyalad,talo an horumar ku jirin,aqona kamadhan, dhalinyartiina dawadayaal ka noqda tidhi.Dhalinyarti taladaasi u arkeen mid qaloocan waxay kaga bogsaden inay xalmoodan, inay u tahriiban dalshisheeye oo ay ka raadiyan nolol ka deelwacan nolosha uu aas aas keeda ka wayay madaxdiisa,kana hungureeyan dad aanay isku dhaqan iyo diin toona ahayn balse u kaga kalsoon yahay tuu so arkay. LA SOCO………………… Qalinkii: Mowliid Omar Xoog (mawliidomar@hotmail.com)