Ka Bogo Heesta Cusub ee Nacab Caashaq Fannaanada Nimco-Sagal Cawil 2016

Hargeysa(AFNS):- Hees cusub oo ay ku luuqaynayso Fannaanadda Codka Macaan ee Nimco-Sagal Cawil Axmed, isla mar ahaantaana uu Curiyey Hal-abuur Daaha Cabdi Gaas, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinteennan Aftahannews.

Waxaa Heestan Hal-ku-dheggeedu yahay; “NACAB CAASHAQ), waa hees cadaw ka dhigaysa Jacaylka, isla markaana la garnaqsanayso, su’aalana lagu weydiinayo Jacaylka ama Caashaqa laftiisa ku saabsan nasabaddiisa iyo waxa noociisu yahay.

Heestan Cusub ee soo baxday Bishan April sannadkan 2016-ka 9-keeda, waxaa Laxanka ku ladhay Laxamiiste Cali Aanso, waxaana Codkeeda toolmoon idinku soo gaadhsiinaysa Fannaanadda Nimco-Sagal Cawil oo ka tirsna Kooxda Dayax Band, Muuqaal-dhegaysiga Heestaas waxaan idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose ee ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.