Hooyada shaqaysa ayaa ka niyad wanaagsan ta guri joogta ah

Aftahannews:- Daraasad cusub oo ay sameeyeen koox cilmi baarayaal ah oo u dhashay dalkan Britain ayaa lagu ogaaday in dumarka Caruurta haysta ee shaqeeyaa ay ka wanaagsan yihiin niyad ahaan iyo jidh ahaanba,kuwa iyagoo kale ah ee aan shaqayn ee guri joogta ah.

timthumb.php

Daraasadan dhawaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in dumarka shaqeeya hadana ay caruurtu u joogto ay aad uga niyad wanaagsan yihiin kuwa shaqadoodu ay tahay guri joogida iyo haynta ilmaha kaliya ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dumarka farxadoodu ay siyaado markay arkaan Caruurtooda oo Iskuul u kalahaya,iyo iyadii oo shaqaynaysa,halka raga ay isugu midka tahay hadii uu shaqeeyo hadii kale iyo waliba hadii ilmihiisu iskuul gaalaan iyo hadii ay iska joogaan intaba.

Daraasadan aya muujisay in qofka dumarka ahi uu aaminsanyahay in aaney  nololi ka maqnayn kol hadii uu haysto xoolo iyo awlaad,badankooduna ay jecelyihiin inay caruurtooda korsadaan isla markaana ay helaan xoolo ku filan,iyagoon shaqa tagin.

Daraasada ayaa ugu danbeyn cadeeysay in dumarka reer Britain ay aad uga jecelyihiin inay caruurtooda la qaataan waqti badan,intii ay shqo waqti dheer ah shaqayn lahaayeen.

Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar

askars4@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.