Meyd Samada ka soo dhacay oo baadhitaan lagu sameeyey sababta

Jeddah(Aftahannews):- Maalintii Sabtida ahayd oo ku beegnayd Bisha January 04, 2014, wax yar ka hor Salaadda Subax Magaalada Jeddah ee waddanka Sucuudiga, gaar ahaan Waddada Tadaamun Al-Carabi ee Suuqa lagu Magacaabo Muajmac Al-Sharq waxaa Cirka ka soo dhacay Mayd, kaasoo Cabsi geliyey dadkii halkaa marayey ama u diyaagaroobayey Salaadda Subax.

Dadkan ayaa isla markiibaa waxay Farriin u direen Ciidamada Ammaanka ama boolis-ka dalka Sacuudi Carabiya, waxayna boolisku markaa ka dib  bilaabeen iney arrintan baadhaan, ka dib markii wax la weydiiyey Markhaatiyaal Goob joogayaal ahaa waxayna cadeeyeen in Maydkaa uu ka soo dhacay Samada ama Cirka.

Maydka

Baardhis badan ka dib waxaa la ogaadey inuu ahaa qof soo qabsadey Shaagga Dayuuradda, halkaana uu ku Xannibmey, Kolkii Dayaaraddii kor mareysey Suuq Mujamac Al-Sharq ama Waddada Tadaamun Al-Arabi Xaafadda Casiisiya ay u diyaar garoobeysey inay degto ama fadhiisato, waxayna furatey Shaagaggii, waxaana la sheegay in Maydku halkaasi ka soo dhacay, isaga oo aan arragga u fiicnayn.

Ciidamada booliska (Qaybta Macmal Al-Janaa,iga) oo aad arrintaa u baadhey ayey waxay sheegeen iney ogaadeen asal ahaan Maydka la helay inuu ka soo jeedo Afrika, iyaga oo caddeeyay inay baadheen dhiigga loo yaqaano DNA.

waxay kaloo ku raad joogaan iney helaan Dayaaraddii Wakhtigaa maraysey halka uu ku soo dhacay, waayo si sahal ayaa loo ogaan karaa Dayaaraddii Khadkaa ama Line-kaa ku socotey.

Ciidamada booliska ee arrintan baadhayey ayey ku sheegeen Maydkaa inaanu ahayn qof madaar ka shaqeynayey, waayo ayay yidhaahdeen haddii ka shaqeyn lahaa ama shaqaale ahaan lahaa waxaa uu Xidhnaan lahaa (Uniform) dhar Shaqaale oo lagu garan lahaa, laakiin waxaa uu xidhnaa Surwaal iyo Shaadh Caadi ah.

Waxaa lagu raad joogaa sidii loo heli lahaa Dayaaraddii Maydkaa ka soo dhacay wixii dheeraad ahna Qormada danbbe ayaan ku soo baahin doonnaa.

Ali Sheikh Adam

adam783@hotmail.com.