Jaamac-Riyo oo Xukuumadda Siilaanyo u Tiriyay Hees u dhow Tii Rayaale Ridday

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Jaamac Faarax  Axmed oo ka mid ah Hal-abuurrada Reer Somaliland, geesta kalena ku jira Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa tiriyay Hees cusub oo la yidhaahdo Soo Daata.

Heestan oo dhawaan lagu luuqayn doono ayaa waxa soo baxay midhaheedii oo dhammaystiran, waxaanay u dhignaayeen sidan:-

riyo

Siyaasadii dibada iyo

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

 ***      ****         ****

Ka Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar haday ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

 ****      ***

Dushiinay ceebi taale soo daata

Kuwii idinkaa ka darane soo daata

Diir iyo Ayax oomanoow ka daata

 Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

 Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Dagmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo daata

Kuwii idinka ka daran soo daata

Diir iyo ayax oomanoow ka daata

Dir iyo daabaan gabaay ka daado

Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.