Telesom: Somaliland Macaashkaad Ka Heshay Sidaad Xamar ugu Celiso ayay Xaq ugu leedahay

SHIRKADDA MANNAXAANKA AH EE TELESOM

Qalinka Axmed Maxamed  Cabdilaahi     ……  Shirkadaha isgaadhsiintu waa ganacsiga koowaad ee hogaamiya ama ugu dakhliga badan caalamka, Somaliland-na maanta Telesom iyada ayaa hogaamisa shirkadaha isgaadhsiinta uguna dakhli badan, waanan ku hambalyaynayaa, horumarkaa ay gaadhay muddadaa gaaban ku gaadhay.

SHIRKADDA MANNAXAANKA AH EE TELESOM

ASTAAN-TELESOM-AH

Dalka Soomaaliyada waxaa hogaamisa shirkadaha isgaadhsiinta shirkada Hormood ee caanka ah, mulkiilaheeduna yahay Sheekh Axmed Jimacaale, waana shirkada ugu samo-falka badan leh shirkadaha ka dhisan Soomaaliya.

Sheekh Axmed Jimcaale sidoo kale waxa uu leeyahay saamiga ugu badan shirkadda Telesom Somaliland, wax samo-fal ah oo uu u qabto Somaliland-na mar naba maan maqal, markii ay Soomaaliya ololaysay ee aanay jirin shirkadda Hormood, waxaa uu ka hodmay dhaqaalaha ka soo gala dalka Somaliland, kaasoo uu ku dhisay Shirkadda Hormood. Malaha Sheekhu waxa uu qaatay, Yaa mufaraqal maraq, ahlu baytag musta xaq.

Shirkada Dahabshiil Group, oo ah shirkad asal ahaan laga leeyahay Somaliland, waxa ay ganacsi ballaadhan ku leedahay dalka Soomaaliya, samo-falka ugu ballaadhanna waxa ay ku bixisaa Soomaaliya, oo dhibaatooyin joogto ahi ay ka dhacaan mararka qaar, waanan ku hambalyaynayaa oo kama xumi in shirkadda Dahabshiil ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu celiso faa’iidada ay ka hesho.

Waxaad mooddaa in dawladdu ay aad uga habranayso si ay cashuurteeda uga qadato   shirkadaha isgaadhsiinta, laakiin shicibku cidna uma habranayo waxaana looga fadhiyaa  in mashaariic horumarineed iyo  Wershado wax-soosaar  ay dalka ka hirgeliyaan oo ay shaqo-abuur u sameeyaan dadka, isla markaana ay saamiyo furaan uu dadku kaga qayb-qaato halka ay kaga wareegayaan Hudheello ay iyagu gaar u leeyihiin oo ay furtaan,  taasoo sababtay in dalkii oo dhami uu wada Hudheel noqday.

Hadaba waxaan leeyahay Dahabshiil intuu jiray waa la ogyahay  sida uu dadka u gacan qabto iyo waxtarkiisana waa la  wada arkay markaa waxaan leeyahay  maalqabeenada kale ee la midka ahna ku dayda oo idinkoo cashuurta bixinaya dadkana wax tara waxaanad ogaataan in qof kastaaba waxa uu la boxo ee uu dalkiisa iyo dadkiisa taro ayuu ILLAAHAY cawil naq u siiyaa oo uu  ugu gargaaraa.

Haddaba, waxaan qormadan ku soo gabagabaynayaa tix gabay ah, oo uu curiyay Abwaan Soomaaliyeed.

Bawdada markii aan ka jabay

biixiyaha lawga,

Raggii buurta dheer igala baxay

Beerka ka ogsooni,

Bah-heblaayo baantay waday

beerka ka ogsooni,

Bah-heblaayo bagaday lahayd

beerka ka ogsooni,

Haddiise biixiyaha Eebbahay

Kay isugu beego

Abaal badha, abaal bura,

Abaal Bad iyo dheeraad ah

Midba kaan anigu ugu beddeli

Beerka ka ogsooni

Berri dheer ninkii iga jiray

Soona bixiwaayay

Inaan bogsado uun jeclaa

Beerka ka ogsooni.

Qalinka Axmed Maxamed  Cabdilaahi

afqarshe114@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.