Wasaaradaha Ganacsiga iyo Baanka dhexe oo bilaabay Qorshe lagu joojinayo Wax ku iibinta Doollarka

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo Himilo uga warramay Safar ay Burco ku tageen iyo Wefti ay u direen Boorama iyo Weftiyo ay u dirayaan Ceerigaabo iyo Berbera

“Ma fududa hawshu oo ma dafirayno, balse Ganacsato badan oo soo dhawaynaya in Lacagta dalka qiimo loo yeelo ayaa jira, kollay qaar ka soo horjeeda nidaamkaas oo diiddan iyo kuwo Munaafiqiin ah oo is-dhega-marin doonaana way jiraan. Laakiin…” Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf: Xog-waraysi Gaar Ah

Burco(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo uu weheliyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, ayaa socdaal shaqo shalay ku tegay magaalada Burco ee xarunta goolka Togdheer, halkaasoo ay Salaasada Maanta Shir kula yeelan doonaan Ganacsatada kala duwan ee magaaladaas oo ay kala hadli doonaan joojinta wax ku iibinta Doollarka iyo inay si toosa wax ugu iibiyaan Lacagta dalka ee Shilinka Somaliland oo Doollarku ka dheereeyey.

WASIIRKA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA SOMALILAND DR. MUUSE QAASIM

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo isagoo Burco Jooga Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah Tifaftiraha Aftahannews, kana tirsan Wargeyska Himilo, wax ka weydiiyey ujeeddada socdaalkooda Burco, waxa uu sheegay inay Burco u tageen shaqo la xidhiidha inay Shir la yeeshaan Ganacsatada reer Togdheer ee ka shaqaysta magaalada Burco, oo ay gaadhsiinayaan qorshe hore isula qaateen Ganacsatada waawayn ee reer Hargeysa iyo Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Baanka dhexe oo lagu joojinayo wax ku iibinta Doollarka Maraykanka, kaasoo beddelkiisa wax lagu iibin doono Lacagta Shilinka Somaliland.

“Burco Maanta (Shalay) ayaannu nimi Aniga iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ujeeddada aannu u nimina waxa weeye hawl shaqo oo la xidhiidha inaannu Ganacsatada reer Togdheer ee Burco ku sugan Salaasada Berri (Maanta) halkan (Burco) kula shirno, oo aannu ka wadahadalno qorshihii hore aannu Ganacsatada waaweyn ee reer Hargeysa isula qaadannay ee lagu joojinayo wax ku iibinta Doollarka iyo isticmaalka in wax lagu iibiyo Lacagta dalka ee Shilinka Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Wasiir Muuse Qaasim.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, waxaannu Ganacsatada kala hadlaynaa hirgelinta qorshahaas oo dalka oo dhanna aannu gaadhsiin doonno haddii ALLAAH yidhaahdo. Ujeeddada aannu ka leenahay qorshahan waxa weeye in qiimo loo yeelo Lacagta dalka ee Shilinka Somaliland oo Ganacsatadu halka ay Doollarka wax kaga iibinayaan ee ay kaga sicir-goosanayaan wax ku iibiyaan Lacagteenna, Iskuullada gaarka loo leeyahay Lacagta ay Ardayda ka qaadaan u beddelaan Shilin Somaliland, Xawaaladuhu Lacagta ay bixinayaan ka dhigaan Shilin Somaliland, cid kastaana waxa ay iibinayso ku iibiso Lacagta Somaliland oo la joojiyo Isticmaalka Doollarka Lacagteenna qiimo-tiray.”

Mar uu Wasiirku ka jawaabayay in qorshahaas oo ay dhammaadka bishii hore ay isla qaateen Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Ganacsatada waaweyn ee Hargeysa, balse aanu weli hirgelin oo weli Hargeysa wax lagu kala iibsado Lacagta Doollarka Maraykanka hadduu Kaash yahay iyo hadduu Zaad yahayba, sidaa awgeed qorshahaasi maaddaama oo aanu Caasimadda ka hirgelin sida gobollada looga hirgelin karo, waxa uu yidhi; “Weli Qorshaha ayaa socda, waanay kala duwan yihiin arrimuhu oo hadda waxaannu wadnaa inaannu dadka gaadhsiinno qorshahan la isla qaatay ee Ganacsatada iyo dawladdu isla-qaateen, laakiin weli waqtigii hirgelinta maynaan gaadhin oo maalmo kooban baa ka hadhsan.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo sii watay jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey waxa uu yidhi; “Marka la gaadho waqtiga hirgelinta in si toosa wax loogu kala iibsado shilinka Somaliland waxay ku egtahay 15-ka bishan sidii aannu hore u sheegnay, markaas ayay imanaysaa in si rasmi ah loo dhaqan-geliyo joojinta wax ku iibinta Doollarka iyo wax ku kala iibsashada Shilinka Somaliland iyo in qof kasta oo Ganacsade ah oo wax iibinaya lagu dabo-galo Lacagta uu wax ku iibinayo.”

“Markaa, hadda waxaannu wadnaa waa gaadhsiintii, Burco markaannu Berri (Maanta) Shirka la yeelanno Ganacsatada, waxaannu habeen-dambe (Caawa) ku soo hoyanaynaa magaalada Berbera oo aannu Ganacsatada kula shiri doonno, Ceerigaabo waxaannu u diraynaa Masuuliyiin Baanka dhexe ka tirsan, Boorama waxaa iyaguna u baxay markaannu maanta (shalay) Hargeysa u soo baxaynay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka dhexe, markaa sidaas bay hawshu u socotaa oo aannu u wadaynaa Insha ALLAAH.”  Sidaa ayuu yidhi Wasiir Muuse Qaasim.

Sidoo kale, Wasiir Qaasim oo ka jawaabayey su’aan aan ka weydiiyey rejada ay ka qabaan in qorshahaasi si rasmi ah u hirgelo, maaddaama oo ay Ganacsatada reer Somaliland muddo ku soo dhaqmayeen wax ku iibinta iyo ku jaan-goynta Sicirka ay wax ku iibinayaan Doollarka Maraykanka, sida ay u beddeli karaan nidaamkaas hore, waxa uu yidhi; “Aad iyo aad baannu ugu rejo-waynahay in uu hirgelo qorshahaasi marka la gaadho waqtiga fulinta. Hase-yeeshee, ma fududa hawshu oo ma dafirayno, balse Ganacsato badan oo soo dhawaynaya in Lacagta dalka qiimo loo yeelo way jiraan, kollay qaar ka soo horjeeda nidaamkaas oo diiddan iyo kuwo Munaafiqiin ah ama is-dhega-marin doonaana way jiraan.”

“Laakiin, illaa inta nidaamkaan aannu beddelayna kama daali doonno ee waannu wadaynaa hawshaa, dadka iyo dalkana in Lacagtiisa wax lagu kala iibsado ayaa dani ugu jirtaa, maaha keliya ninka ganacsadaha ahi inuu tiisa oo keliya ka fikiro, balse dalka iyo dadka eegaa iyo weliba sharafta Lacagtiisa. Wekhti iyo dedaal badanna way u baahan tahay hawshani iyo dabaggal lagu sameeyo Suuqyada iyo Ganacsatada, taasna diyaar baannu u nahay, Ganacsatadana waxaannu leenahay nagu taageera qorshahan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo isagoo ku sugan magaalada Burco xalay Khadka taleefanka ugu warramay Cabdifataax I. Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, ayaa horraantii bishan soo saaray Wareegto uu ku sheegay in laga bilaabo 15-ka bishan June ee aynu ku jirno, la oggolaan doonin wax ku kala iibsashada Doollarka Maraykanka, isla markaana qof kasta oo Ganacsade ah lagu amrayo inuu wax ku iibiyo Lacagta Shilinka Somaliland, qofkii la arko isaga oo Doolar wax ku iibinayana laga qaadi doonto tallaabo Sharciga waafaqsan oo uu mutaysan doono Ganaax, Xadhig iyo in Liisanka Ganacsiga lagala noqdo.

Tallaabadani waxay ka dambaysay qorshe ay Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Baanka dhexe ee Somaliland iyo Ganacsatada reer Hargeysa iskula qaateen Shir ay ku yeesheen isla Hargeysa, kaasoo ujeeddada koowaad ee laga leeyahay Masuuliyiinta Wasaaradahaasi ku sheegeen mid wax lagaga qabanayo Sicir-bararka Somaliland ragaadiyey iyo kor u qaadista qiimaha Shilinka Somaliland oo uu Doollaru meesha ka saaray.

Xigasho Wargeyska Himilo.