Maxaad ka taqaannaa Noocyada Xasaasiyadda? W/Q: Siciid Xagaa Afrax

Maxaad ka Taqaan Noocyada Xasaasiyadda?…………Elerjik waa Dareen diidmo oo xasaasiyadeed marka ay dhacaan habka difaaca jidhka ee xad dhaaf ku ah wax caadi ahaan halis ku ah, sida cuntada , qaniinka shinada , ama daawooyinka.

astim

Waa wax aad u badan sidaa daraadeed waxa muhiim ah in la awoodi karo in la aqoonsado calaamadaha sababa xasaasiyada. Maqaalkani waxa uu ku bari doonaa sida loo garto xaasaasiyadda qaarkood.

1- Aqoonso calaamadaha falcelinta fudud ee xasaasiyadda:

  • Furuuruc cun cun leh waa kuwo midab ahaan casaan ama guduud ah waxeyna ka soo baxaan dusha sare ee maqaarka aad ayey u cun cunaan. Inkasta oo ay jirka oo ay jirka oo dhan ka soo bixi karaan hadana waxey inta badan ka soo baxaan wejiga iyo xabadka. Indhaha wey cun cunaan, sanka dareere ayuu keenaa iyo finan yar yar

2- Aqoonso calaamdaha dhexdhexaadka ah iyo ficil celinta xasaasiyadda daran.

  • Bararka gacmaha , cagaha , dibnaha , wajiga , ama cunaha – ” . Gocato ” Marka taasi ku lug leedahay , waji iyo cune , waxaa sidoo kale loo yaqaan Tani waxay calaamad u yahay khatar badan sababtoo ah waxa ay faragalin ku samayn kara neefsashada .
  • Yulaalugo ( Lalabo ) ,matag , shuban , ama xanuun ubucda – Matagga iyo shubanka oo mar walba khatar noqon kara iyo sabab khatarta fuuq baxa .
  • Neefsashada oo dhib ah , hinraagid , ama adkaanta xabadka
  • Cunaha oo ku adkaada sida in ay timaaddo Xabeeb iyo liqidda oo ku dhibta
  • Walaac daran iyo jidhka oo ku damqada
  • Xanuun kaaga yimaada meelo qaar sida finan qoyaan wata oo ka soo baxa afka,indhaha , laalaabatooyinka iyo meelaha hooseSidoo kale waxey dhaqaatiirtu sheegeen in astaamaha xasaasiyadda qaar ay yihiin falcelin daran oo loo yaqaan ” anaphylaxis. waa nooc sida (Shock) lama filaan oo kale ah , taasoo la micno ah in uu jidhka uusan soo gaadhsiin dhiig ku filan dhamaan xubnaha . Anaphylaxis wuxuu sababa hoos u dhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga , waxaana abuurma dareen ah dawakhaad , Calaamadaha ugu badan waxay kala yihiin furuuruc cuncun iyo barar .

3-Aqoonso cadaanyo daran oo ku lug leh maqaarka .

  • Tani waa xaalad cudur oo haragga dhif ku ah laakiin khatar ku ah nafta taasoo lakabka sare ee maqaarka ( epidermis ayaa loo yaqaan ) wuxuuna kala Soocaa lakabka ugu hooseeyey ee maqaarka oo la yiraahdo ( dermis ) . maqaarka wuu laabanayaa wuuna isbadalayaa sida Casaan (guduud ama madow xigeen waxaa bilaabma inuu diirka ka fiiqmo dabadeedna waxaa sameysma boogo ama finan waxayna ku sameysmi karaan afka , carabka , ama gobolka taranka ama dabada. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah SJS laakiin ka sii daran maxaa yeelay waxa ay ku lug leedahay aag weyn ee jidhka ah sida:
  • Qandho ( xumad ) aad u daran taasio oo gaadha ( > 102F ama 39C )
  • Astaamaha Durayga ( hargabka ) oo kale (qandho ,dhuun xanuun , qufac ) Gubasho ama cuncun indhaha4-Aqoonso dareen-celin dib u xasaasiyad .
  • Falcelinta raagta waa mid badan, gaar ahaan dhowr saacadood ama maalmood ka dib markii la bilaabo daawo cusub . Waxay caadi ahaan ku lugyeelataa finan ballaaran oo dhinaca maqaarka lagana yaabo in cuncun uu yimaaddo. Tani ma aha falcelin khatar ah oo markiiba waa laga hortagi karaa tusaale waxaa la joojin karaa dawada.TALO:

    Haddii aad isku aragto mid ka mid ah calaamadaha aan soo sheegay , isku day si aad u tilmaantid waxa kuu keenay . Ka fikir meel kasta oo isbaddal ah ee cuntadaada , ka feker maxaad ku qubeysatay oo saabuun ah ma mid kugu cusub baa ? Wax dawo ah ma qaadatay sida kaniini ? Ma jiraan wax deegaanka ku soo kordhay sida sun la buufiyay ama waxyaabo kale ? Intaa iyo in kaloo badan oo aad ogaatay waxa ay kaa caawin doontaa in aad dhakhtar ula timaado waxeyna kuu sahleysaa qorshe wanaagsan ee daaweynta ah.

    DIGINIIN:

    Qaar ka mid ah xasaasiyadda waxey kiciyaan waxyaabo kale oo nafta halis ku oqon kara , markaa waa in mar walba aad wacdaa Adeegyada Degdegga ah haddii aad qabto xasaasiyad jidhka ah ama barar Intaa waxaa dheer in neefsashada oo ku dhibta , fadlan ha isku dayin in aad jeebkaada iska daweyso adigoon dhaqtar la tashan .

    Ma ahi dhaqtar ,ma ahi kalkaaliye umana nasab sheegto cilmiga caafimaadka hase yeeshee golaha aan ka midka ahay ee saxaafadda oo aan ku shaqeeyo waxey tilmaameysaa in weriyaha uu xil ka saaran yahay umadidisa lagana doonayo in wixii bulshada waxtar u leh uu u soo gudbiyo. Ma hubo in boqolkiiba boqol sax yihiin waxaanse dadka ehelka u ah caafimaadka ugu cudur daaranayaa haddii ay arkaan khalad dhinaca cilmiga caafimaadka iyo qoraalkaba in dadaalka uun uu iga keenay in aan tarjumo maqaallkan oo aan u arkay mid muhiim ah waxaana soo dhaweynayaa wax alle wixii talo toosin iyo tusaale ahba.

    Siciid Xagaa Afrax

    Source: http://www.umm.edu, http://www.medikidz.com

    Email: SXAGAA@HOTMAIL.COM