‘Maalin aan ku jiray Xabsiga Hargeysa: Xaaladihii Cakirnaa ee aan ku arkay!’ Siciid Maxamuud Gahayr

SICIID M GAHAYR (HARGEYSAAWI)

24-kii Disember 2014, ayaa na loo wareejiyay Xabsiga Weyn ee magaalada Hargeysa, annaga oo ah siddeed maxbuus ah ayaa abbaaro 12:05 maalin-badh nalaga qaaday Saldhigga, sida xoolaha inta na loo kala tirsaday ayaa baadhitaan kaddib afar loo dhibay qaybta Saddexaad, afar kalena qaybta labaad ayaa la geeyay.

SICIID M GAHAYR (HARGEYSAAWI)

Anigu ragga qaybta labaad ee xigta dhanka bari ee Xabsiga lagu biiriyay ayaan ka mid ahaa, gaar ahaanna waxa aan galay qolka labaad. Qolka waxa yaallay shan sariirood oo min laba ah, sidaasna ku noqonaya toban sariirood waxaana ku xidhnaa toban maxbuus. Dhammaantood waa ay buuxeen, ma helin fursad aan ku helo furaash iyo sariir. Waxa aan helay caw aan dulsaaro bustahayga iyo maryo aan sitay sidaas ayaan barlaawe dhexyaal ah u noqday. Ma filaynnin tan oo kale, waa se waayo adduun.

Waxan isla duhurnimadii la  i keenayba aan seexday badhtanka qolka, waxa igu meersanaa soo-jeed, xanuun, caloolyow iyo ciil-kaambi adduun. Aniga oo hurda ayay qaar igu qayliyeen “waa salaaddii Casar, meesha waa lagu tukanayaa toos”. Ma masaajid baan ku gam’ay? Ma cusbaynimada ayaa la igu waadaaliyay? Ma koox is-fahantay ayaan dhex galay?. Waan ka dheg-adaygay hadalkooda iyo codsigooda mana toosin, waayo waxa aan galay hurdo dhegi ah oo aan ku arag Saldhigga New Hargeysa.

Ragga waa loo loo kala hadhaa, tobankiba hal mar ayay igu sannaadheen. Dheellalawga hore uma maqal, in aan indhacasaysiga ku jiro ayaan jeclaa. Atoorihii qolka ayaa inta uu sariir sare ka soo degay feedh igu miisay, haddii aan waxoogaa iska caabbin ah galayna waa la ii hoday. Mise waa la iga awood-roonaaday? Mooyi si ay ahayde xilliyada qaar waa la iga gacan-sarreeyay!. Labadayadaba waxa na dhiigay dibnaha, wuxuu dhaawac iga soo gaadhay fool sare iyo dhool hoose. Maadaama oo uu albaabku xidhnaa wax gurmad ah ma aanu helin, Alle ayaa ka dhigay nabar fudud. Maadaama oo aanu is-hurrannahay waanu iska heshiinnay.

Wakhtiga oo ahaa dhaxan daran awgeed waxa habeennimadii la ii dawaray caw iyo laba buste, qof ahaanna waxa aan sitay go’, buste, koodh iyo macawis. Malaha qabawgii aan habeenkaas seexday ayay feedhuhu muddo ila damqanayeen. Muddo bil ah habeen walba waan is-rogi jiray, dhanka uu qabawgu iga galay waa jeeniga midig ee loo seexdo. Jeelka Weyn ee Hargeysi waa goob xagga nadaafadda ka wanaagsan Saldhigyada, qol kasta waxa ku yaalla suuli la galo. Xagga cuntada waxa ay u qaybsantaa saddexda wakhti

Quraac: Furin iyo shaah

Qado: Bariis

Casho: Garaw.

Intii aan saldhigga joogay waxa la ii keeni jiray cunto gaar ah. Ayaantan ma helin wax dhuunta ka dega, sidaas awgeed ayaanan wax badan u cunin. Keliya dhawr cantuugo ayaan afka geliyay, weliba waxa igu dirqiyay raggii aanu saaxiibka maalintaas ahayn. Qoyskaygu waxay ogaadeen in xabsiga la i geeyay habeennimada, markii la soo celiyay cashadii ay saldhigga keeneen. Hooyaday ma ay seexan werwerka  ay ka qaadday qadista iyo gaajadayda.

Waxa la damaanad qaadaa baahida iyo daryeelka caafimaad ee qofka. Maxaabiista waxa la siiyaa fursad ay cadceedda isugu dhigaan arooryada hore, dhawr cisho oo aan ku jiray saldhigga ma helin fallaadha qorraxda oo mahuraan u ah faytamiinka loo yaqaanno D oo door ka qaata dhismaha nuugitaanka Kaalshiyam oo lafaha dhista. Ma maqasheen “cadaabiba, cadaab ayay ka subxaanallaysataa?”. Aniga oo la yaabban lixda bilood ee la igu xukumay ayaan arkay rag yidhi “waxa nalagu xukumay afar iyo labaatan sanno”. Markaas ayuu culaysku iga dhacay, waxay intaa raaciyeen “lixda bilood waa fiise”

25kii Disember 2014ka ayay ii yimaaddeen walaalahay Engineer Cabdirashiid Diiriye Faarax iyo Farduus Maxamuud Gahayr oo maxkamadda ka soo dhammeeyay in aan xorriyaddayda helo kaddib markii ay bixiyeen ganaaxii la saaray iyo lacagtii lixda bilood ee la igu xukumay.

 

Waxyaabaha Sharci-darrada iyo La-yaabka ah ee Xabsiga aan ku arkay waxa ka mid ahaa:

1.Inkasta oo ay Qaadka iyo Sigaarku Mamnuuc ka yihiin Jeelka Weyn ee Hargeysa, waxa keena askar ka tirsan Xabsiga. Habeennimadii aan xidhnaa waxa xagga dambe laga soo wadhfiyay dhawr Rubuc oo qaad ah iyo baakidho Sigaar ah, kaddibna waxa qaaday askarta ilaalada ah oo u geeyay maxaabiistii lahayd. Qiimaha uu jaadku ku yimaaddaa waa mid labanlaab ku ah magaalada, waxa la bixiyaa dulsaar iyo laaluush ay ku adeegaan askarta xeradu.

2.Dadka qaarkood waxa lugaha lagaga xidhaa katiinad iyo quful. Waxa dirqi ku ah in ay socdaan, seexdaan ama dhaqdhaqaaq sameeyaan. Ma garanayo sabab loo sii tigtigo qof ku xidhan qol sabbad ah oo qarada gidaarkiisu yahay ku dhawaad 50cm.

3.Askartu waxa ay maxaabiista u kala jecel yihiin sida ay u kala lacag badan yihiin. Markii aan sii gelayay qaybta la igu qoray, nin askari ah ayaa inta uu wejigayga eegay waxa uu yidhi “ninkani waxa uu ka soo jeedaa qoys ladan”. Sidaas ayuu markiiba iigu leexiyay qaybtii kowaad, halka uu dadka kale xulay. Waxa aad ka garanaysaa sida maxaabiista loogu keeni karo mukhaadaraad gaadhsiisan khamriga. Waxan xasuustaa beri nin lagu xidhay xabsiga oo ay masuuliyiinta jeelku yidhaahdeen “ninkani cunto uma baahna, waxad u keentaan lacag aanu khamri ugu soo iibinno”. Tixgelinta dhaqaaluhu waa ta dhalisa in ay baxsadaan maxaabiistu xilliyada qaarkood, marka ay laaluush siiyaan askarta iyo madaxda xabsiga.

4.Dhaqannada jeelka waxa ka mid ah jidh-dilka lagu sameeyo maxaabiista. Waxa aad moodda in ay sharci u haystaan gabbood-falka dadka taxaaban ee ay masuulka ka yihiin.

Iyada oo uu adeegga is-gaadhsiintu ka reebban yahay maxaabiista jeelka, haddana waxa caddaan ah in loo keeno taleefanno ay ku hadlaan. Waxa u dabeeya, u keena, una fududeeya dad goobta ka tirsan.

5.Waxa aad mooddaa in ay talada xabsigu ka go’do waddamo shisheeye, marka loo eego saamaynta ay go’aammadiisa ku leeyihiin masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa haayadaha gacanta ku haya.

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.