Somaliland Ma Federaal bay qaadatay, Mise Anigaa Mooday?! Qalinka Mahad Cabdi Barre

Runtii waxaa laga yaabaa in marka aad qoraalkayga akhrido ay wax badan iska beddelaan sida aad u fekerayso, bal wakhti kooban I sii si aad u dhuuxdo xog badan oo aad si fudud u baadhi karto adiga laftaadu.

Guddoomiyaha cusub ee Baanka dhexe ee Somaliland Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay  AFTAHANNEWS

Si aynu isula jaan-qaadno aynu xasuusteenna dib ugu celinno xilligii uu dalka ka talin jiray Xisbiga UDUB, isla markaana Xisbiga Kulmiye uu ahaa Mucaaradka waxaa dembi ahayd in la arko qof Xamar ka yimi oo magaalada dhex maraya, waxaadna ogaydeen Kulmiye oo Xukuumadda ku eedaynaya; “Waxay ku guul-darraysteen inay ogaadaan dadka dalka dembiga ka galay ee Xamar ka yimi.” Waxaynu ogayn iyada oo Madaxweyne Rayaale lagu eedeeyo; “Djibouti ayey Hoteel isugu soo galeen dad Xamar ku abtirsada.”

Waan kugu waafaqsanahay wakhti waliba waayihiisa leh, laakiin dunidii halkaas taagnayd maanta wax badan ayaa isbeddelay, aan Sawir kaa siiyo dhacdooyinka uur-ku-taallada leh. Waxaa Qarankan Somaliland heshiis ku ahaa in dadka Xamar taga ay dembiilayaal yihiin, waana sababta aynu u diidnay inaynu horfadhiisanno dalka Turkiga, waa sababta aynu u qaadannay in la xidho Siyaasiyiinta Xamar innaga taga, waxaynu heshiis ku ahayn in qofkeenna khaldama ee Xamar taga ee soo toobbad-keena inuu dadka cafis weydiisto, isla markaana si furan looga aqbalo.

Haddaba, Xukuumadda Kulmiye jidkaas way beddeshay, tusaale ahaan Sifir oo ahaa Ra’iisal-wasaare Ku-Xigeen hore oo Soomaaliya ah, ayaa dawladda Kulmiye u yeedhatay, maynaan ogayn meel uu cafis ku dalbaday, taas beddelkeeda xil baa lagu abaal-mariyey iyo in laga dhigo Safiirka Somaliland ee Kenya, dadka niyadda wanaagsan ee Somaliland taasna way qaateen.

Waxaase wax walba fuuqsaday markii isaga oo ka hadlaya VOA oo la weydiiyey ‘maka noqotay Mabda’ii Soomaaliweyn uu ku jawaabay; “Maya !. Laakiin, markii hore Somaliland ayaa diidanayd wadahadal (Midnimada), laakiin markii ay aqbashay wadahadalka ayaan imi.” Wuxuu carrabkiisa ka qirtay; “Anigu dhex ayaan u ahay Somaliland iyo Soomaaliya.” Tolow haddaa yuu metelaa? Xukuumaddu raalli-gelin iyo fal-celin toona kama muujin.

Nabarkaas oo ku yaalla Qaranka Somaliland, ayaa haddana isla bishan waxaa Xamar looga yeedhay Siyaasi aamminsan Midnimada Soomaaliya, waa Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Soomaaliya Aqoonayahan Cabdullaahi Jaamac Cali, waa shakhsi aqoon durugsan u leh cilmiga Baananka, wuxuuna Guddoomiyaha  Baanka dhexe ee Soomaaliya soo hayey 2011 illaa 2013. Waa Aqoonyahan u dhashay Somaliland, laakiin ka mid ah dadka aan shacabkiisa la fekerka ahayn. Aqoonayahankan saddex toddobaad ka hor ayaa Xamar looga yeedhay isaga oo loo sheegay inuu noqonayo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaaliland. Haddaba shacabka Somaliland waxaan jecelahay inay iiga jawaabaan:

Ma diiddani in dadkeenna aqoonta lihi ay dalkeenna u shaqeeyaan, laakiin dadka innaga fallaagooba goorma ayaa abaal-gud looga dhigay xilal?

Ma waxbaa iska beddelay mabda’eennii goonni-isu-taagga Somaliland? Mise dad la’aan ayaa inna haysa? Sawta Siyaasiyiinteennii Suuqyada taagan tahay ee bilaa camalka tahay, goormaa loo baahday dad aamminsan mawqif ka duwan kan Shacabkani qabaan?

Sida aad Warbaahinta ka dhegeysataan waxaa Siyaasiyiinta guul-darraystay ee Xamar hoggaamiyaa ay ku doodaan ‘Siyaasiyiintaa Shacabka khaldayee, dadku midnimo ayay doonayaan?’ haddii sidan wax u socdaan waxaa rumoobaysa arrintaas.

Anigu ma diiddani inaynu Xamar isku Milanno, laakiin waxaan diiddanahay sida qiimaha jaban ee aynu isu dhiibnay innaga oo aan ogayn, ka waran berri haddii uu Jaamac Yare ama Ismaaciil Buubaa ama Maxamed Cumar Carte Hargeisa ka soo dego oo reerkiisu taageeraan yaa diidi karaya?

Muxuu kaga duwanaanayaa Sifir iyo Guddoomiyahan Baanka? Haddii Jaamac Oday ama Foosiya ay timaaddo yaa hor istaagi karaya? Miyaanay keenayn in reerkii xukuumadda ku yar mucaarada inay taageero ka raadsadaan Xamar? Isku day inaad naftaada suaalahan weydiiso ka dibna adigu jawaabo isu raadiso.

Mahad Cabdi Barre

Diplomacy and International Relation

Maryland, USA.