Saldhigga New Hargeysa: Nolosha Liidata Ee Aan Ku Soo Arkay (Q:1-aad) Qalinka Siciid M. Gahayr

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Waa Soo-roga (Sabti), sooyaalku waxa uu ku beegnaa 13kii Disember 2014ka. Aniga oo gurigayga hurda ayay arooryo hore ii yimaaddeen afar askari oo ka socday Saldhigga Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.  Daaradda ayay amar la’aan ku soo galeen.

siciid-maxamuud-gahayr-a11

Inta ay albaabka qolka igu garaaceen ayaan ka furay, waxa aan weydiiyay oggolaanshaha ay iigu soo galeen iyo waxa ay rabaan. Raggi waxa ay i tuseen warqad laalaaban “tan ayaa lagugu soo xidhay ee kac. Ina mari saldhigga”. Waan aqbalay maadaama oo ay yihiin ciidankii nabad-gelyada, keliya waxa aan ka codsaday in aan maryo xidho. “Waxba ha xidhan ee ina dhaqaaji” ayay ku hadal ku xidheen.

Aniga oo ku lebbisan macawis daloosha, garan feedhaha iyo garbuhu muuqdaan, kabo iyo shaadhna aan xidhnayn ayay sida tuugta ii soo dhex mariyeen xaafadihii aan weligay deggenaa, dabcanna aan ka ahay dadka sumcadda ku leh. Waa socodkii ugu foosha xumaa ee aan ku dhex maro Caasimadda Somaliland. Xasuustiisu waa tiiraanyo, ladh iyo taws. Markii aanu gaadhnay xafiiska wax lagu qoro ayaa hadal laga qoray qoyskayga. Judhiiba waxa la ii tukhaantiyay gudaha. Askari magaciisu ahaa Daaddaa ayaa dhirbaaxo qadaadka igaga jiiday “gal” ayuu si maangaabnimo leh u yidhi. Xanuun kululaa! Wuxuu axmaqsanaa! Ma daaawannin ee inta aan qaaday sacab cammuud ah ayaan laba jeer ku saydhiyay, dib ayuu istaagay sidaas ayaan u galay qol dhererkiisu yahay hal mitir iyo afartan oo aan ku filnayn jiifkayga. Waxa xaaladda dhex galay askari Fanax oo ilaalada maxaabiista ku qornaa.

Waxa dhex yaallay caagado lagu kaajo, heerka guddaafnimada waxa uu ka gaadhay mid aan la sheegi karin, maxaa qashin tuulan, haash, garaabo, caagado iyo qudhun tuulan. Intaas waxa ka sii daran dulinnada kala geddisan ee injirta, kaneecada dukhaanka iyo takfida oo wehel kuu noqonaya. Malaha ilays habeenkii wax lagu arko, waxa la daaraa shamac muddo kooban shaqaynaya oo dema, maxaabiista ayaa isu qaba qarashkiisa.

Markii aan halkaas cabbaar ku jiray ayaa waxa ii yimi Teliye Beddel Xasan oo madax ka ah Saldhigga New Hargeysa “Nin oday ah ayaad ahayd. Ma garanayo wax si kaa noqday. Dhawr jeer ayay ii yimaaddeen dad doonaya in lagu xidhaa. Waan diiday in aan ku soo qabto, maanta ayaa la ii keenay amar maxkamadeed sidaas ayaanu kuugu nimi. Cidda cabanaysaa waa qoyska, waan la hadli doonaa halkaa dibadda iska fadhiiso inta ay wax hagaagayaan. Weliba in lagu sii daayo waan ka ergeyn doonaa” ayuu yidhi. Laakiin dib iiguma soo noqon, maxaa ballan been ah la isu qaadaa oo laga baxaa! Kolkii maxaabiista la kala wareejiyay ayuu Rabiic oo Joornaati ahaa yidhi “Kaa waan sannifay ee gudaha geliya” “Kaasi waa afkii hablaha yaryar ee huruufka ka dacwoon jiray. Ma aha hadal rageed” ayaan idhi. Sidaas ayaan xilliyada qaar qolalka u geli jiray, inta badanse dibadda ayaan laydh ku qaadan jiray.

Halka ugu daran ee ay indhaha, maskaxda iyo sankuba ka didayaan waa suuliga. Waxa ku yaalla afar god oo buuxa, inta ay saxaradi xadka dhaaftay ayay dibadda u soo baxday. Malaha biyo musqulaha lagu galo, haddii aad hal mirir ku jirto waxa aad ka baqaysaa in aad xanuunno ka qaaddo. Xilliyada qaar waxa lagu xaajo gutaa albaabka laga gelayo, malaha wax lagu xidho ee afar iyo labaatanka saacadoodba wuu furan yahay, qofka bannaanka maraya ayaa arka qofka fadhiya baytal-mayga silica ah.

Halkaas ayay ragga iyo dumarku u kaltamaan oo marba qolo loo hormeeyaa. Askariga ku ilaalinayaa waxa uu istaagayaa albaabka meel uu kaa arkayo, qofku xitaa ma qarsan karo cawradiisii uu xaqa u lahaa in uu asturo. Waxa ka dhalan kara xanuunno galaafta nolosha askarta iyo shacabka. Ma maqlayseen beryahan xanuun Eboola la odhan jiray? Waxa uu ka dhalanayaa nadaafad-xumada ka jirta Saldhigga Xaafaddayda New Hargeysa. Ciidanka Boolisku waxa ay il-duufeen in ay sameeyaan dad faya-dhawrka ka shaqeeya, oo hagaajiya meelaha mahuraanka u ah. Tani iyaga dhib kuma hayso, waxa ay askartu leeyihiin laba suuli oo gaar ah. Waa meel u baahan in la tuso Haayada ka shaqeeya Caafimaadka adduunka iyo damiirka nool ee rejada ka leh dadka iyo dadka Somaliland.

Wax yaab ah in nadaafadda xerada ay ka shaqeeyaan carruur kaba-caseeye (baalashleyaal) ah oo dibadda xoog lagaga soo ururiyo aroorta hore. Inta qasab lagu hawl-geliyo ayaa dhawr kun loo taagaa, waa addoonsi aan indhahayga ku arkay. Askartu waxa ay xerada xaadhaa marka ay maqlaan waxa imanaya Haayadaha Xuquuqal-insaanka, Saraakiisha Booliska iyo cid ay ka baqanayaan oo kale. Habeennadii aan ka yaabay sida xaalkeedu yahay ayaan ku maaweelooday

 

Samatare waddaniyaad

Seellada xabsiga iyo

Saldhiggii taxaabteen

 

Suuligu ma hoygiyo

Halka uunku seexdaa?

Haddii aan la sarakaco

Inaan suugga weyn rido

Ma sun baad u aragteen?

Sufuudhiyo qadhmuunkuu

Sanku urinta diidaa

Ma siraad la’aanbaa?

Dulinnada siqaayiyo

Injir suudalaysiyo

Kutaan dhiigga siibtiyo

Takfi sararta nuugtana

Saaxiib ma noqoteen?

 

Saxadana dhan laga dayo

Sagxaddaa u heego ah

Sikhraan iyo ma tuug baan

Sabo kula caweeyaa?

 

Anigoon sagsaag noqon

Saldhig iyo dar baa jeel

Sabo fiican moodee

Wakhtiyadu sirgacanaa!.

La Soco Qaybta Labaad Haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.