MIYAAN IDINLA JOOGAY!? Kala-maan: Eeyaahe Qaafo

Qaayiba: Waar-yaahe ma samaanyihiibaan lagaa bixin mise daragadaa lagaa qaatay, qaafo, qaafo uunbaad haysaaye qalabadda lagaa qaadye magacaygu waa QAAYIBA.

CALI ISMAACIIL CARAB (CALI DUUL-DUUL)

Kala-maan: Qaaf iyo qaab waxba haykala wadine waysku midee waxaan kuwaydiiyey nimankii wadaada ahaa ee dadka diinta uhayay waxay ku wad socdaan ma jiro. Qaar waa kuwii madasha samaysty, qarna masaajiddaday kala qabsadeen oo qudbadda jimcahay ku yoo-yootamaan.

Qayiba: sheekaba sheekay keentaaye, beri waxa jiray wadaad sheikh u ahaa beelo dhan, oo illaa laba boqol iyo wax ka badan oo qoys ah. kuwaas oo kudaba tukanjiray wadaadkaas, oo hadday tahay meherka, hadday tahay malcaamad, hadday tahay nabaadiina-xidh iyo hadday tahay qardhaas la qoroba. Isagaa beesha wadad u ahaa. Wuxuu yidhaahdana lama dhaafi jirin. Wixii sako ama sadaqo ama neef-awliyo ah iyo qurbaankaba siagaa qaadanjiray. Beeshu waxay caado u lahayd inay bil bilaha ka mid ah alla baryaan oo ay tadcaar dhigtaan.

Wadaadkii oo sadcal ku maqan ayaa waxaa soo galay xilligii tadcaarta. Garo oo wadaadkiina wuxuu ka soo badhyaysanayaa beelo kale oo aan ooshoodu dhawayn. Muddo ka dib ayuu ku soo noqday deegaankii, kolkuu soo gaadhay qoysbaalleedka ayuu la kulmay nin ka mid ah beesha, lays waraysay, had-iyo-jeer waxaa warrama cidda socotada ahe wadaadkii warbuu dabada ka galay meel hebl,a waxaasaa laga joogay, meel heblana waxaasaa ka dhacay, beel heblaayo waxaasaan kala kulmay, sidasaa lay yeelay, sidaasaa lay galay, wuxu usheegay sooryo, soodhaweyn farabad, iyo wax siin sheegeed ba’ay, halkaasuu wax maray. Wuxuu ku so gebagebeey waar bal warran adiguna?

Ninkii kalena wuu waramay, waxbadan oo dabadii beesha ka dhacayna wuu u sheegay, hadalkina wuxuu kusoo ururiyay adiguunbaa lagaa werwrsanaaye wax dhibaato ahi kama dhicin. Wadaadkiibaa su’aal u celiyay oo wuxuu yidhi waar horta beeshu sakadii ma bixisay?

Nikii baa yidhi haa waanu bixnay sakadii. Markaasuu yidhi oo yaa siiseen? Markaasuu nikii kuyidhi dee shiikh hebel iy xer uu watay baa noo yimiyoo kuwaasaa sakadii laysugu daray. Markaasaa wadaadki yidhi oo tadcaartiina ma dhigteen. Markaasuu niki yidhi haaheey eebe ha aqbalee. Iyana yaa idinla joogay. Ninki baa ku yidhi dee awhebel iyio awhebel iyo wadaadkii eerahaa malcaamadda u dhigi jiray kuwaas oo dhan baa joogy. Wadaadkiibaa yidhi sakadiina ma bixin, tadcaartiina may juusin. Nikiibaa yaabay oo ku yidhi oo waayo aw-hebeloow. Wadaakii wuxu yidhi miyaan anigu idinla joogay.

Een markaa wiil yar baad tahay tan aad I waydiisayna taas ayuun bay la mid tahay. Dee xaalku waxa weeye anigu miyaan idin la joogay.

Kala-maan: waxaan ku weydiiyay qaayibaay markaad daawto tv-ga oo aad muraayd y taqaan ama laguu akhriyo jaraa’idka oo aad adigu xaashado u taqaan. Waxaa ka soo baxa dad xanaaqsan oo mucaarid ah oo dawlada ka cabanaya, haddaad iirfiirisay sided u aragtaa?

Qaayiba: waaryaahe horta waan daawadaa muraayadaha, xaashadahana waa lay akhriyaa, dadkaana waan arkay. Ma wixii mucarid ah ee xisbiyo haysta. Mise wixii beelo iyo reera ah. Wixii mucaarid ah ee xisbiyo haystaa dawladda way maagi karaan waxna way ka sheegi karaan, waanay amaani karaanoo wanaageeday sheegi karaan. Waanay u hanjebi karaan hadday doonaan. Laakiin dadka reeraha sheeganaya ee laabta iskagaraacaya ee hanjabaya waxaan odhan lahaa, waydinka yidhaahda waxbaanu duminaynaaye haddi aad sharciga iyo nidaamka ka maarmaysaan oo aanay dani idiinkujirin waxaa xoog nagu qabsan lahaydeen bberigii dhulku bilaa dawladda ahaa. Bulshadu waxaa idinkama geydee waxaa hanoola imanina ma reerihiinnaa na baraysaa mise xuquuq dheeraad ahoo laydinku gunnaynjiray oo aan a ogaynba laudinka gooyay. Qarankana qof ma leh qoysna ma leh reerna ma leh kooxina ma lehe ee waa wax dadka ka dhexeeyee xisbiyad mucaaridka ah bulshadaa igmatee idinka yaa idin igmaday oo aad wax uga masuul tihiin. Intaasaa leeyahay kuwaana.

Kala maan : saakaad u darray oo aad iska bedeshay magacii:

Qaayiba: magaca bilaash ma baxo waxaasi waa waxa kala- maan laguu yidhi waxba sii wadi mayo magacaaga aniga kolkii horeba I deeqaye nabaadiino.

Lasoco qaybaha dambe……………………

Hal-Abuur Cali ismaaciil Carab (Cali-Duulduul)

Tel: NO: 0634414633

Burco/Somaliland.