Nin u dhashay Sweden Soo jeediyey Talo uu ku tilmaamay Jidka lagu gaadhi karo Aqoonsiga Somaliland

Muxuu ka yidhi cidda ka caawisa dhaqaalaha ku baxa dedaalladiisa iyo ujeeddada dhammaan qoyskiisu u soo degeen Caasimadda Hargeysa?

“Xuduudaha Somaliland wakhti hore ayaa la sameeyey, umana baahna in laga wadahadlo fikirkayga, waxa muhiim ah in la mideeyo dhammaan gobollada kala duwan…”

“Waan ku faraxsan nahay inaan sii kordhiyo dedaalkaas, isla markaana ugu metelo si rasmi ah Yurub iyo meelaha kale dhawaan, haddii Xukuumadda Somaliland xiisaynayso inaan hawshaa qabto…” Mr. Mikael Torstensson: Waraysi Gaar Ah

Hargeysa(Aftahannews):- Maalqabeen u dhashay dalka Sweden oo qoyskiisu deggan yahay Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dalkiisu aqoonsi buuxa siin lahaa Somaliland, maaddama ay dalka Falastiin oo dhinacyo badan ay kaga horreyso aqoonsaday waddankiisu, kuna dedaalo inuu gacan ka geysto helitaanka madax-bannaanida Somaliland, xilliga uu bartay Somaliland iyo qorshayaashiisa ku aaddan. Waxaanu talo ka bixiyey jidka ugu dhaw ee ay Somaliland Aqoonsi buuxa kaga heli karto beesha caalamka.

Mr. Mikael Torstensson

Mr. Mikael Torstensson, oo Xaaskiisa iyo laba Hablood oo uu dhalay ku nool yihiin Hargeysa, ayaa sheegay inuu abuuray shirkad fursado shaqo u soo kordhisay Bulshada Somaliland, isla markaana cashuur waxa lagaga qabto adeegyada bulshada ka soo gasho Xukuumadda. Waxaanu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Wargeyska Himilo ka tirsani kula yeeshay magaalada Hargeysa oo uu ku sugan yahay Mikael Torstensson, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-

S: Xillima ayaad bilowday taageeridda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, shaqadaadu-se waa noocma?

J: Booqashadaydii ugu horreysay ee Somaliland waxay ahayd 18 sannadood horteed, welina saaxiibbo ayaannu nahay dadkii ugu horreeyey ee wakhtigaa aannu isbarannay. Xilliyo badan ayaan booqasho ku imi, xilliganna waxaan degennahay aniga iyo qoyskaygu Hargeysa. Waxaan ahay maalgashade ka shaqeeya siduu u abuuri lahaa shaqooyin muuqda oo shirkad jirta leh, taasoo aan aamminsanahay mid faa’iido u leh dalka. Waxaan ku hawlanahay abuuritaanka fursado shaqo bulshadu dhaqaale ka helaan, isla markaana soo gelisa cashuur Xukuumadda Somaliland.

S: Illaa xadkee ayaad u ololeyntaada qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ayey saamayn ku yeelatay shacabka iyo Xukuumadda Sweden?

J: Muddo badan ayaan maqaallo ku saabsan qaddiyadda Somaliland ku daabacayey Joornaallada ugu waaweyn dalka Sweden, isla markaana barnaamijyo kaga hadlaa Telefishanka iyo Idaacadaha aan ku sharraxayo qaddiyadda Somaliland, dhammaan dadka aan la kulmo way xiisaynayaan nidaamka dimuquraadiyadeed iyo furfurnaanta ka jirta Somaliland ee lagu xushmeeynayo xuquuqda Aadamaha, horumarkaasi wuxuu mudan yahay in la taageero.

Waxaan sidoo kale marar kala duwan wada-xaajood kala yeeshay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden, si fiicanna way ula socdaan fikirkayga ku aaddan Somaliland, waxa sidoo kale jira siyaasiyiin, Saraakiil iyo Suxufiyiin ila aamminsan fikirkan. Waxaan abaabulaa shirarka iyo kulammada ku saabsan soo bandhigidda qaddiyadda Somaliland.

S: Maaddama oo dhawaan dalka Sweden rasmiyan ugu aqoonsadeen dal madax-bannaan Falastiin, qaab noocee ah ayaad filaysaa in qaddiyadda Somaliland sidoo kale loogu bandhigi karo?

J: Waxaan aamminsanahay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal lagu aqoonsado, kana sii ballaadhan kuwa xilligan Falastiin ka jira, markaa waxaan qabaa in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland oo uu ka jiro nidaam dimuquraaddiga ah, la-dagaallanka musuqmaasuqa, xushmaysana Xuquuqda Aadamaha oo kafaala-qaadaya dhammaan Xuquuqaha dadka laga tiro-badan yahay sidii ay talo ugu yeelan lahaayeen arrimaha saameeya noloshooda.

Xuduudaha Somaliland wakhti hore ayaa la sameeyey, umana baahna in laga wadahadlo fikirkayga, waxa muhiim ah in la mideeyo dhammaan gobollada kala duwan si taasi u xoojiso qaddiyadda madax-bannaanida iyo helitaanka aqoonsi caalami ah oo dalkani helo.

S: Ugu dambayn, ma jiraan qorshe aad isla garateen Xukuumadda Somaliland ka dib kulankiinnii aad dhawaan yeelateen oo lagu ballaadhinayo dedaalkaaga, sidoo kalena ay taageero dhaqaale ku biirin karaan?  

J: Dedaalkaygu waxa uu ku waajahan yahay Somaliland, uma shaqeeyo qoys gaar ah ama Xisbi gaar ah. Si dhaw ayaan ula shaqeeyaa Xukuumad walba, sidaan xilligan-ba ula shaqeeyo Xukuumadda. Dhab ahaan, illaa immika wax dhaqaale ah oo aan Xukuumadihii hore ama Xukuumaddan ka helay ma jirto, anigaa hantidayda ku maalgeliya hawlo kastoo aan qabto, socdaalladayda, shaqooyinka Warbaahinta, ololahayga, qaabbilaadda Ururrada ama kulammada aan qabanqaabiyo.

Waan ku faraxsan nahay inaan sii kordhiyo dedaalkaas, isla markaana ugu metelo si rasmi ah Yurub iyo meelaha kale dhawaan, haddii Xukuumadda Somaliland xiisaynayso inaan hawshaa qabto. Waxaan diyaar u ahay inaan si adag uga shaqeeyo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, sababtoo ah waxaan si weyn u aamminsanahay in shacabka Somaliland xaq u leeyahiin sharciyan inay helaan madax-bannaanida ay muddada dheer raadinayeen.

Waan jecelahay Somaliland, kuna faanayaa inaan kala shaqeeyo dalkan qiimaha leh dhinac kastoo suurtagal ah qaddiyadda madax-banaanida, xorriyadda iyo aqoonsi ay saaxiibbadayda reer Somaliland gaadhaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.