Wasiir Cukusoow: Maxaa Kaa Lillaahiya!? Qalinka Cabdiqani-Asparoo

Xilligu waa baraha ugu fiican ee aad maalin kasta ka baran karto Duruus iyo taariikh aan duuggoobaynin, marka aad dib u milicsatana waxa uu fure u noqdaa mahadhooyinka danbe ee Xasuuseed.

WASIIR CABDILLAAHI-CUKUSECABDIQANI ASBAROO AFTAHANNEWS

Waayo-aragnimaduna waxa ay ku faraysaa wixii aad shalay xog-oggaalka u ahayd inaanay Maanta midab kale oo Qurxoon kuu yeelan. Damiirkuna waa hagaha amaba toosiyaha Qofnimada, haddiise uu qofku waayo wax soo cesha oo dabar u noqda waa min-subxaanalle oo Indho-adayg iyo fool-xumo badan leh ama yeelata. Hase-yeeshee, waxa habboon inaanad noqonin Xawayaanka loo yaqaanno Jir-jirroolaha oo kolba halka uu ku taagan-yahay ama ku dul-joogo midabkiisuna u eegaan jiray amaba u eegaado.

Maalintii salaasadii ee toddobaadkan aynu dhammaadkiisa ku jirno waxa Caasimadda Hargaysa shir jaraa’id ku qabtay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu meel ka dhac iyo weerar aan gabasho lahayn ku qaaday guud ahaan bahda Saxaafadda madaxa-banaan oo uu ku sifeeyey, kuna tilmaamay dad aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn Shaqada Warbaahinneed ee ay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u hayaan.

Wasiir Cukuse waxa uu ku Doodday inaanay Saxaafadda gaarka loo leeyahay ee Xukuumadda ka madax-banaani aanay dhaqan, asluub, birmagaydo lahayn, isla markaana ay Gaadiid u yihiin qabyaalada iyo fur-furka shacabka reer Somaliland.

Wasiir Cukuse waxa uu ku soo cel-celiyey inaanay jirin haba-yarraatee wax ay Xeerrinayaan saxaafaddu, isla markaana ay dabbarka goosatay oo loo baahan yahay in wakhtigan caynka loo jiido, iyadoo ay ujeedadu tahay in la Cabu-dhiyo Saxaafadda oo lagu qas-bo inay Ruqsaddo ka qaataan Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta.

Wasiirka waxa ka muuqatay dareen cadho leh oo ka tur-jumaysay sida aanay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dul-qaadka ugu lahayn dhaliilaha iyo booggaha ay Xukuumadda uu ka tirsan yahay leedahay, taasoo banaanka u soo baxday markii ay xadhkaha goosatay Maamul-xumidda, Musuq-maasuqa, Boobka lagu hayo Danta guud, Qabyaallada, Horumar la’aanta iyo wax la midda oo Xukuumaddani deris la tahay.

Shirkan jaraa’id waxa uu ahaa mid-billaa ujeeddooyin ah oo aanu Wasiirku garanay-ba sababta keentay inuu Warbaahinta la hadlo.? Midhkaas waxa kuu caddaynaya hadalladii iska dhex tuurka ahaa ee Wasiir Cukuse sida qaawan ee foosha xun ugu hadlaayey, waxa ay ahaayeen Hadallo aan dhumuc iyo qoton lahayn, waxa ay ahaayeen Kellimaad ka arraddan milgaha iyo maamuuska Xilleed ee uu hayo, waxa ay muujinayeen garaafka ay garashadiisu joogto iyo sida uu ugu Guul-daraystay xilka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland ee uu Wasiirka ka yahay Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Wasiir waxa aanu ku leeyahay Weriyeyaashu maaha billaa akhlaaq ee adigaa ka arraddan dhaqanka iyo milgaha hadalka, maaha Wasiir intaad adigu isku sacabo tunto oo aad tidhaahdo waxaas iyo waxas ayaan aqaanney, xaasha Nin faanay waa Ri is nuugtay ayay soomaalidu ku maah-maahi jirtay. Wasiir ha is caashaqin bulshadaa ku taqaanna waxa aad gudo iyo waxa aad gasho, maaha inay kalsooni-darro kugu dhacdo oo aad sharaxaad dheer iska bixiso.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo badhtamihii sanadkii 2013-ka loo magacaabay Xilka Wasiirnimo ilaa maanta Cabdillaahi intii jeer ee uu ka hadlay arrimaha Saxaafadda mar qudha runta kumuu sheegin waxyaabaha ay ahayd inuu ka hadlo oo si Masuuliyadi ku jirto oo Cilmiyeysan oo waayo-aragnimo leh isku dul taago cabashooyinka jira iyo sida ay isaga (Waa Wasiirkee), la tahay in lagu sixi karo.

Hase-ahaatee, waxaad mooddaa in Wasiir Cukuse uu ka badbadin iyo hadallo aan munaasib ahayn iskaga hadlo, taasinna waxa ay dhaawacaysaa shaqsiyadiisa, inkastoo Cabdillaahi uu maanka ku hayo midhaa ka badbadinta inuu aad ugu dhawaanayo Madaxtooyada oo lagu soorraayo Ammaan iyo waxaan kasha gaadh-siisnayn.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelintu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waaggii uu ahaa Guddoomiyaha Wargayska Saxansaxo, isla markaana ahaa Tafaftiraha guud ee wargayskaas waxa uu hormood u ahaa Durbaannadii qabyaaladeed ee talada lagaga tuuray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Cukuse waxa uu aflagaado joogta ah ku hayey Marwadii koowaad ee Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo tirraba dhawr jeer soo daabacay waxyaabo ka hor imanaya Dhaqanka, Asluubta iyo Diinta intaba, waase IIIaahay mahadii in qaladaadkii uu berigaas galay uu maanta qirto oo wixii maalmahaas la wacannaa ay maanta la xumaaddaan.

Weriye Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (AAA. Asparo)

Asporo23@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.