Saddex Saddex Is Galay Iyo Cali Duul-duul!

Kala-maan: Qaafooy subax wanaagsan? Qaafo: waar la kaakac baanu ku nidhi, waad nagu soo kaahimataa uune. Kala-maan: Ee horta Qaafooy, dagaal miidhan baad noqotee miyaadan habeenkii seexan? Qaafo: Waar waanu seexannaye, bariidada ayaanad aqoon. Kala-maan: Oo maxaan qalday subax wanaagsan baan ku idhiye?

CALI ISMAACIIL CARAB (CALI DUUL-DUUL)

Qaafo: Arooryada hore haddii laysa soo muto waxaa la yidhaahdaa ma barideen? Kolkaasaa waxa lagu war-celiyaa nala sii dhigaye Idinkuse?

Kala-maan: Arrintaa raali-gelinbaan ka bixinayaaye. Barnaamijkeennii aan furanno. Bariidada wixii ka qabyo ah waynu u soo noqonne. Haddii aynu halkay inoo maraysay ka sii amba-qaadno. inay labaduba mulkiyad sharci ah ayay haystaan maxaa u caddayn ah?. Arrintaasi weliba Qaafooy muran badan ayay dhalisay.

Qaafo: waxaan kuugu caddaynayaa tusaalaha ugu dhow oo ah baarlamanka Somaliland. In ka badan 60 xubnood baa muxaafid ah. Wax ka yar 20 xubnoodna waa mucaarid. Haddana waxaa laysla hortaagany-ahay laba hanjebaadood. Qolo waxay leedahay waxaanu ridaynaa madaxweynaha, qolo kalena waxay leedahay waxaanu ridaynaa Guddoomiyaha baarlamaanka. labada qolobana waysla qumanyihiin. Kolkaa, maxay tartay aqlabiyaddii iyo kala badnaantii?

Kalal-maan: Qaafooy waxa la yidhi beelihii reer Soomaaliland jiq bay isku yihiin oo beel kastaaba gegi halkeer ah ayay geesaha iskula jirtaayoo bahal shir la yidhaahdo ayaa fitinka u saaray. Waxa laysku haystaa. Wax kale maahee, waa xubintii baarlamaanka soo socda ka qayb geli lahayd ee arrintaa maxaad ka haysaa?

Qaafo: Wiilyahow, raggu saddex buu ka xanaaqaaye ha ula tegin. Dumarkuna saddex bay ka xanaaqaane ha ku odhanin. Beeluhuna mid bay ka xanaaqaane ha la’ag marin. Soomaaliduna sadex bay jeceshahay saddexna way necebtahaye yaan lagugu qaban. Raggu saddex bay ka xanaaqaane bal ii macal qabo.

Kala-maan: haye, haye soo daa?

Qaafo: Waxay ka xanaaqaan. Isii oo ha i waydiin. Aan ku idhaahdee ha i odhan. Allahu musali calaa Muxamad, aan kaa horreeyee iga dambee. Saddexdaa raggu waa necebyahaye hawla tegin. Sadexna dumar baa ka xanaaqee haku odhanin. Naa heblaayooy imisa jirbaad tahay gabadh weligaa ha ku odhanin, anigaa tukubaha lehna ha ahaatee. Heblaa kaa fiicanna ha ku odhanin. Hadday cid is qabtaanna waad qaldan-tahay ha ku odhanin. Ilaahow aanaan caqliga waayin. Beeluhuna midbay ka xanaaqaane ha la’agmarin.

Si kastoo ay u yaryihiin xubin soo saari kari maysaan oo farihiinu ma gaadhaan way ka xanaaqaane ha la’agmarin. Soomaaliduna saddexbay jeceshahay saddeexna way necebtahay. Aan ku horreeyo saddexda ay jeceshaye. Dawladi inay jirto way jeceshahay, Laakiin sharciga way necebtahay. Caddaaladi inay jirtona way jeceshahay laakiin in lagu qaado (lagu xukumo) way necebtahay. Runtana way jeceshahay, laakiin markay qaldantahay in loo sheego way necebtahay.

Kala-maan: Qaafooy, qaafooy sug ha teginie?

Qaafo: waar naga tag hana wareerinne war iyo waydiin badanaa. Waar waa inoo Subaxda.. Waa la kala tagay oo haddana subixii danbe waa kan/; Kala-maan: qaafo, saaka ma barideen? Qaafo: Nala sii dhigaye. Naayaadha saaka yaa wax u sheegay.

Kala-maan: Qaafooy waa side, miyaan geesna lagaaga amaan helayn?

Qaafo: Hooy, waar waa la’igaga amaan helayaaye, dee bariidadiibaad hagaajisay, wallow aad weli jarmaadsantahay.

Kala-maan: Eeyaahe Qaafo, dunidii war baa ka taagan, madaxweynihii Xamar iyo raysal wasaarihii waysku jiq, Pudlaan iyo federaalkiina ways mari la’yihiin, Jubba laann Kiinayay raacday, Gal mudug iyo Gaalkacayona way ka dhex taaagantahay, Baay iyo Bakoolla way mudaharaadayaan, Banaadirrna taliyihii dhintay Nayroobibaa lagu soo baadhayaa. Daacishna Sab-Istayshan bay Xamar ka samaysanaysaa, Hindi afar sano af-duubnaydna, ooddaa laga qaaday baa la yidhiye maxaad warka haysaa?

Qaafo: hooy hooy inanayahow, Soomaalidu waxay ku maahmaahaan, “Geelu ma labada hore ka habeedi, mise labada dambe ka habeedi” hadii uu labada hore ka habeediyo waa ged uu la soo baxay, hadduu labada dmbe ka habeediyana waa geddiisii” is qabsiga madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu waa balwad lala qabsaday oo naguma cusbee yaanay ku fule-guulin. Ta budlaanna waxaan ku idhi. Beri waxaa jiri-jiray laba nin oo wadanka Ciraaq ku noolaa. Waxaa la odhan jiray Abna-waas iyo beea-waas.

Labada niba waxay ahaayeen ganacsadayaal ku talax tegay khiyaamada. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadoodii midkood dambas soo cabbaystay, shaw kii kalena digo ayuu kiishash ka soo buuxsday. Iyadoo mid waliba cid uu cawaro eeg-eegayo ayay isuku soo bexeen iyagoo aan is garanayn. Midba yidhi allaylehe kan indhaha u saabi.

Labadii ganacsade way is waraysteen oo waxay is weydiiyeen midba badeecadda uu sito. Kii horaa hadlay oo wuxuu yidhi anigu waxaan sitaa DAQIIQ ee adugu maxaad sidataa? Markaasuu ku jawaabay kii kale, aniguna waxaan sitaa BUN. Ka dib is waraysi dheer ka dib waxay isla garteen in lays waydaarsado labada badeecadood, waana lays dhaafsaday.

Mid waliba wuxuu foolka saaray halkii uu u socday iyadoo uu hoosta ka sii qoslayo oo is-leeyahay “allayleha waad cammaysay” kii kalena isna hoosta ka sii qoslayo oo uu is-leeyahay “allaylehe waad cammaysay” hasayeeshee markii uu mid waliba gurya tegay ayuu ku qancay natiijadii. Markaa arrinta budlaan iyo federaalku waa iska sida labadaas oo awelba way is cammaynayeene, iyana ka gudub haku tiigaaline. Jubba laan haddaan kaaga warramo, iyada waxba ku sii tiigaalimaayee. waxaan ku idhi, caddaan iyo madaw dadku wuu kala laandheeraysanyahay.

Tix yar baan ka xasuusty oo waxay tidhi “kollaytaba nin naag qaba hadday gogol u qaadayso, isagaa qabiilina ahaa qadana roonaaye Alle qabaydu kii hore maxay uga qaloonaysay. Dee maamullada Soomaalida oo dhanna si dadban baa loo maamulaaye, kollayba hadday cid raacayaan may xabashidaba iska raacaan maxay wishaysiga ka dooneen. Ta Mudug baan kaaga warramayaaye ma maqashay inta maahmaahood ee ku saabsan.

Waxaa la yidhi “labaatan jir mudug jooga ilaahay uma xil qarin” reer mudug laftiisuna waxay yidhaahdaan “indha adayg waa ilaahay wehelkii” halkaa cidi isma gar marisee waa la kala adkaadaaye, dee ninkii rooni reerka haw hadho. Waxaa kuugu marag ah Ina Barre iyaduu ka soo baxay, Cabdilaahi Yuusuf iyaduu ka soo baxay, Caydiid iyaduu ka soo baxay, Qaybdiid iyaduu ka taliyaa iminka. Waar meeshu waa meeshaas Kala-maan: Eeyaahe Qaafo, ii maad dhamayn warkii? Qaafo: waar naga tag akhrude, war iyo weydiin badanaa yarkan yaa noo soo arkay. Lasoco qaybaha dambe……………………

Cali Ismaaciil (Cali Duulduul)

TEL: NO: 0634414633

Burco/Somaliland.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.