Daawo Sawirrada qaabka uu u dhacay Gacan-ka-hadalka dhex-marya Xildhibaanno & ilaalada Waran-cadde

Berbera(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayay Ciidammada ilaalada ah ee Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, maanta ku garaaceen kidinka xarunta dawladda Hoose ee Berbera, kuwaasoo ay qaarkood inay si xun u garaaceen Askarta RRU-da oo la socday Wasiirka oo wakhtigaas kulan kula lahaa Madaxda dawladda hoose ee Berbera xaruntooda.

DAGAALKA XILDHIBAANNADA IYO ILAALADA WARAN-CADDE EE BERBERA

DADKA KU SOO URURAY DAGAALKA XILDHIBAANNADA EE BERBERAXILDHIBAANNADA IYO ASKARTA BERBERA ISKU FARA-SAARAY DADKA RABSHADDA GOLAHA DEEGAANKA EE BERBERA KA DHACAY DAGAALKA XILDHIBAANNADA IYO ILAALADA WARAN-CADDE EE BERBERA

Xildhibaannada la garaacay ee ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo qaar ka mid ah Dadkii goob-joogayaasha ahaa, ayaa Saxaafadda uga warramay siday wax u dhaceen iyo qaabka Mudanayaasha Golaha Deegaanka oo doonayey inay galaan xarunta kulanka Wasiirku la yeeshay Xubno ka socday Laamaha Ciidanka Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Xubnaha Maamulka dawladda hoose oo ka socday isla xarunta dawladda  hoose ee Berbera, iyada oo Warbaahintuna soo badhintay Muuqaallada iyo Sawirrada ay ka duubeen dhacdadaasi siday u dhacaysay iyo qaabka ay ku bilaabantay.

Haddaba, Warbixintaas oo dhammaystiran, isla markaana Muuqaal ah waxaannu idiinku soo soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.