Weligaa Gabadh Aragga Naafo ka ahi ma ku Jeclaatay oo ma kuu soo bandhigtay…?

Hargeysa(Aftahannews):- Xaawa Jaamac Cabdi waa Gabadh dhalinyaro ah oo naafo ka ah aragtida indhaha, isla markaana hadda ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Xaawa waxay barataa Iskuul ay wax ka bartaan dadka aragtida naafada ka ah oo ku yaalla isla Hargeysa. Xaawa waa Gabadh Fariidnimo iyo Kalsooni u ban-baxday, sidoo kalena leh Hal-abuurnimo Rabbaani ah.

Xaawa Jaamac Cabdi

Xaawa waxay Hal-abuurnimada Allaah ku galladay u sahashay inay Buug qorto, waxay sidoo kale u suuragelisay inay Curiso Suugaan Maansooyin iyo Heeso Jacayl ah iyo kuwo ay ugu hadlayso dadka aragga naafada ka ah ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaanna kuwa dalka gudihiisa ku dhaqan. Xaawa waxay Heeso ka curisay qisooyin dhab ah oo xiiso badan oo la soo dersay nolosheeda.

Qisooyinka dhabta ah ee ay Xaawa Jaamac Cabdi ka curisay Suugaanteeda qaarkeed, ayaa isugu jiray qiso ku saabsan Waraabe ay kula kulantay Miyiga gobolka Mudug ee waddanka Soomaaliya iyo sidoo kale Wiil ay jeclaatay oo ay qisadii dhex-martay Hees macaan ka curisay.

Waa arrin ugub amaba dhif iyo naadir ah in la arkay qof la mid ah Xaawa oo qaba ama leh kalsoonida iyo garashada ay leedahay, iyadoo kuu sheegaysay haddii ay aragga naafo ka tahay inaanay garashada iyo qalbiga naafo ka ahayn ee Allaah ku galladay Nimcooyinkiisa uu aadamaha siiyo jidh ahaan, garasho ahaan, maskax ahaan Diinteeda Suubban iyo Dhaqankeeda Soomaalinnimo ay ku ilaashato oo aanay cuqdad ka qabin aragtida aanay hayn.

Haddaba, Xaawa oo Xogtan iyo Xaaladeheedaba kaga warrantay Waraysi uu la yeeshay Weriye Cabdiraxmaan Bataash waxaannu idiinku soo gudbinaynaa isagfoo dhegaysi ah AFTAHANNEWS/RADIO, ee dhegaysi Habboon Waraysigan Xiisaha badan.

Halkan hoose guji si aad uga bogoto Waraysigan Xaawa:

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.