Ingiriiska oo Hormuud ka noqday Madax-bannaanida dhawr dal, muxuu uga war-wareegayaa Aqoonsiga Somaliland?

“Xidhiidhka Muqdisho maaha mid aan u sadqeynayno xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland aan wadaagno…” Dawladda Ingiriiska

London(Aftahannews):- Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Neil Wigan ayaa sheegay in mushkilada u weyn ee midnimada Soomaaliya haysataa tahay Arrinka Somaliland, xalkeeduna ku jiro in Soomaalida dhexdooda ka gaadhaan masiirkoodu ku dambayn doono.

SIILAANYO IYO SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA

Mr. Wigan oo la weydiiyey sababta dawladdiisu u ogolaan wayday inay Somaliland u aqoonsadaan waddan ka madax-bannaan Soomaaliya, sida ay beesha Caalamku waddanka Koonfurta Sudan uga ka go’ay dal kale u aqoonsadeen ayaa sheegay in loo baahan yahay go’aan siyaasadeed oo marka hore Somaliland iyo Soomaaliya ka tashadaan halka uu ku dambaynayo masiirkoodu.

Mr. Wigan waxa uu caddeeyey bartiisa Twitter-ka su’aalo laga weydiiyey sababaha hortaagan midnimo Soomaaliya hesho iyo aragtidiisa ku aaddan aqoonsi dawladdiisu siiso Somaliland, waxa uu sheegay inuu yahay safiir Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, balse uu xidhiidh dhow la leeyahay wadaagaan Somaliland.

Mr Wigan oo la weydiiyey Su’aalo nuxurkeedu ahaa mowqifka dawlada Ingiriisku ka taagan tahay midnimada Soomaaliya iyo wax hortaagan, waxa uu ku jawaabay, “Mushkilada ugu weyni waxay ka taagan tahay dalka Somaliland. Mowqifkayagu wuu cad yahay, kaasoo ah, guud ahaan in Soomaalidu dhexooda go’aan ku gaadhaan sida xaalada wadanka Somaliland ku dambayn doono. Caalamiyana, waxaan qabnaa in wadamadda gobolku, gaar ahaan Midowga Afrika inay aqoonsadaan heshiiska siyaasadeed ee ka soo baxa.

Mar la weydiiyey sababta Ingiriisku uga cago-jiidayo inay aqoonsadaan Somaliland oo xasilooni ku naaloonaysay labaatankii sannadood u dambeeyey, doorashooyin kala duwana soo qabsatay, ka madaxbanaanaato Soomaaliya, maadama oo Ingiriisku hormood ka ahaa madax-bannaanida iyo Aqoonsiga dalalka East Timor iyo Koonfurta Sudan.

Waxa uu ku jawaabay; “Xaaladaha East Timor iyo Koonfurta Sudan waxa jiray heshiis siyaasadeed oo dhexmaray dhinacyada, sida qolada goosashada doonaysay iyo dalka ay ka go’ayeen. Markaa go’aankaa siyaasadeed ee dhinacyadu wada gaadheen awgeed ayaan u aqoonsanay. Waxaan markaa filaynaa in dariiqaa oo kale la maro. Waxaanu wadaagnaa xidhiidh qoto-dheer oo dhow Somaliland, waana mid xaqiiqo ah manta xidhiidhkaasi, muddo sided maalmood gudahood shan wakhti ayaan kulanay Madaxweyne Siilanyo, waxaanu wada xusnay askartii ku dhimatay dagaalkii koowaad ee dunnida oo Somaliland iyo Ingiriisku wada jir u galeen, xidhiidh wanaagsan ayaan wadaagnaa Somaliland, laakiin taasi maaha mid waxyeelaynaysa xidhiidhka aan wadaagno Muqdisho, sidoo kale xidhiidhka Muqdisho maaha mid aan u sadqeynayno xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland aan wadaagno.”

Mr Wigan oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd ‘Dhowaan mar aad booqasho ku gaadhay Somaliland warbaahinta gudahu waxay qoreen safiirka Somaliland iyo Soomaaliya, ma caddeyn kartaa xilkaagu waxuu yahay?,’ waxa uu ku jawaabay, “Xilkaygu waa safiirka Soomaaliya, ilaa Somaliland loo aqoonsado dal gaar ah keliya ayey yeelan karaan safiir u gaar ah, waa taa xidhiidhka aan la leeyahay, balse sidaan kuu sheegay joogto ayaan u booqdaa Somaliland, waxaan wadaagnaa xidhiidh dhow, gaar ahaan dhinaca horumarka oo sanduuqa horumarinta DIFD mashaariic badan ka wado, markaa si weyn ayaan u qiimaynaa xidhiidhka aan wadaagno Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Mr Wigan.

Xigasho Wargeyska Himilo.