Daawo: Hees Jacayl ah oo Abwaan Ilka-jiir sameeyey iyo Codka Baxsan ee Fannaanadda Ilwaad-Egland

Aftahan (AFN)- Hees uu Curiyey Abwaan Siciid Sheekh Abubakar (ilka-jiir) oo Jacayl ah, isla markaana ay ku luuqanayso Fannaanadda Codka Macaan ee Ilwaad-Egland, ayaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa ee Daawasho Habboon.

Daawasho Habboon Heestaas.

Waxaannu sixitaan, cudur-daar iyo raalli-gelin ka bixinaynaa Heestan oo marka hore ee aannu soo baahinnay lagu sheegay inay tahay Hees uu Abwaan Ilka-jiir kaga jawaabay Hees uu Abwaan Dheglas ku Aflagaaddeeyey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, taasoo haba-yaraatee aanay wax shaqo ah ku lahayn, isla markaana xilliga la duubay Heesta Abwaan ilka-jiir ahayd muddo dhawr bilood ka hor ah sida ay Fannaanadda ku luuqaynaysa ee Ilwaad-Egland u Xaqiijisay Aftahannews.

Waxaannu Cidkasta oo ay Baahintayada hore gaadhay ka raalli-gelinaynaa inay si qalad ah loo turjumay ama lagu sheegay marka hore ujeeddada Heesta, oo maalmo yar ka dib markii ay soo Baxday Heesta Abwaan Dhaglas sameeyey ee ay ku luuqaynayso Fannaanadda Nimco-deggan ee Waxaraa Igu Tumanayoo Hadh baan la wadaagayaa ay Erayadeeda ka mid yihiin, sidaas ayaana loo filayaa sababta loogu ekaysiiyey inuu Abwaanku kaga jawaabay Heestaas, balse cid kasta oo ciwaankayaga hore gaadhay waxaannu leenahay Raalli ka ahaada qaladkaas aannaan Aftahan ahaan u badheedhin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.