“Madaxdii, Wadaadkii, Suldaankii, Ganacsadihii ayaa Dalkan Boobaya, Waar dal intii badbaadin lahayd Boobayso..” Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Masuuliyiinta dawladda, Culimada, Madaxda Dhaqanka, Aqoonyahanka iyo Wax-garadka Bulshada Somaliland Baaq culus u jeediyey, isla markaana in caddaalad iyo sinnaan lagu dhaqmo dadka iyo dalkana lagu dhaqo u soo jeediyey.

SHEEKH AADAN-SIIRO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SALAADDA CIIDAL-ADXA GAROONKA XAWAADLE

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro sheegay in caddaalad-darro baaxad lihi ka taagan tahay Maxkamadda Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in caddaalad iyo garsoor hufan oo ummaddu iskula noqoto markay wax isku qabtaan noqdaan oo aanay noqon kuwo cid gaar ah u adeegaya cidda kale oo dhanna dulmaya.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay in intii Labeenta iyo Muraayadda Ummadda u noqon lahayd iyagu dhibaataynayaan oo ay keliya ka fikirayaan dantooda iyo inay nin weliba keligiis uun isagu wax helo, taasoo sababtay hanti-boob, dhac iyo isku-dul-noolaansho aan la sii eegan karin.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) waxa uu sidaa ku sheegay Khudbad dheer, dhinacyo badan-na taabanaysa oo uu Salaaddii Ciidal-Adxada ee Maanta oo uu Tujiyey Garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Haddaba, Muuqaalka iyo Maqalka Khudbaddaas Sheekh Aadan-Siiro Salaaddii Ciidda ka jeediyey oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.