Guddiga Doorashooyinka & Masuuliyiinta Xisbiyadu Maxay ka yidhaahdeen Go’aanka G/Wakiilladu ku ansixiyey in mar la wada qabto doorashada Madaxtooyada & Ta Wakiillada?

“Golaha Sharci-dejintu wuu u madax-bannaan yahay hawshiisa, wixii ay isku raacaan ee ay soo saaraanna xaq bay u leeyihiin..Annaguna Xisbi ahaan…” Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi: Waraysi Gaar Ah

“Marka hore-ba isku waqti ayey dhammaanayeen muddo-xileedka labada Gole ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu, sidaas awgeed, annaga ku talo-galkayagu…” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka: Waraysi Gaar Ah

“Goluhuna go’aammadiisa wuu u madax-bannaan yahay. Laakiin, Madaxweynaha kamaannu wadahadal in la isku darayo (doorashooyinka) iyo inkale toona…” Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro

MUUSE BIIXI IYO CABDIRAXMAAN CIRRO

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland GEELLE

GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidooda la xidhiidha go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu shalay ku ansixiyeen in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada hal mar la wada qabto halka markii hore midkoodba mar gaar loo qaban jiray, waxaanay muujiyeen dareenno kala duwan oo la xidhiidha suuragalnimada in la wada qaban karo labadaas doorasho isku waqti.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iyagu fadhigoodii shalay waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo aan weligood hore Somaliland hal mar looga wada qaban la mataaneeyo, isla markaana isku hal wakhti la wada qabto, taasoo ay dadka qaarkood dareensan yihiin inay culays noqon karto, balse ay dad badan oo kale aamminsan yihiin inay wada qabashada ku fiican yihiin doorashooyinku.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa markii go’aankaas Xildhibaannada Wakiilladu aqlabiyad ku ansixiyeen in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada mar la wada qabto ka dib, waxaanu sheegay inay dhaqaale ahaan iyo wakhti ahaanba fiican tahay in doorashooyinka hal mar la wada qabto.

“Dooddii Xeerka Diwaangalinta (Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Codbixinta doorasahda), waxaa ka soo baxay oo Mudanayaasha Wakiilladu Aqlabiyaddoodii isku Waafaqeen iyagoon kala leexsanayn in labadii doorasho mar la wada qabto, maaddaama oo ay doorashadii Wakiillada iyo Madaxtooyada-ba la sugayo si dhiig-baxa doorashooyinka isku xig-xiga iyo dhaqaale burburka dadka iyo dalka looga yareeyo.” Sidaa yuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da..

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in midaynta doorashooyinku culays dhinaca wakhtiga ah ku keeni karaan xilligii hore ee ay ahayd in la qabto doorashada Madaxtooyada, waxa uu yidhi; “Muddayntu waxay ku xidhan tahay Komishanka doorashooyinka Qaranka, laakiin, Taariikhdii hore ee ay ku socotay waxay ahayd in la qabto 2015-ka.”

Cabdiraxmaan-Cirro oo su’aal laga weydiiyey waxa ka jira in Goluhu ka werwersan yahay in la kala diro oo doorashada Madaxtooyadana dib loo dhigo waxa uu ku jawaabay; “Kollay Nin kasta oo Kursi ka kacayaa aad uma jecla. Laakiin, aniga waxay ila tahay Mudaneyaashu waxay maanta Shacbiga ay Wakiilka ka yihiin u Caddeeyeen in ay diyaar u yihiin inay doorashadii galaan, oo tii Madaxtooyada iyo toodiiba la qabto.”

Md. Cirro oo la waydiiyey in Xukumaddu ku waafaqsan tahay go’aankan Golaha Wakiilladu gaadheen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Horta, waxaannu nahay laba Gole oo kala madax-bannaan oo Goluhuna go’aammadiisa wuu u madax-bannaan yahay. Laakiin, Madaxweynaha kamaannu wadahadal in la isku darayo (doorashooyinka) iyo inkale toona.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sida ay Xisbi ahaan u arkaan go’aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi; “Golaha Sharci-dejintu wuu u madax-bannaan yahay hawshiisa, wixii ay isku raacaan ee ay soo saaraanna xaq bay u leeyihiin, awooddoodana ma faro-gelin karno, Xisbi ahaanna waxaannu u aragnaa inuu Golaha Wakiilladu hawshiisii qabsaday, waanannu ku ixtiraamaynaa.”

Muuse Biixi oo ka jawaabayey Su’aal aannu ka weydiinnay in israacinta ama wada qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu inay noqon doonto caqabad cusub iyo in kale siday ula muuqato, waxa uu yidhi “Marka sharci soo baxo ee uu dhaqan-galo ayaa la eegaa inay dhibaato ka soo baxday iyo in kale, wixii soo baxa ee sharci ahi waxay maraan jaranjarrooyin, kanna waxa u hadhay oo uu mari doonaa Guurtida iyo Madaxweynaha, sidaas awgeed, waxaynu eegi doonnaa marka uu jidkaasi dhammeysto ee uu dhaqan-galo, ayaa la garan karaa wixii dhalliil ah ee uu leeyahay, markaasaana la sixi karaa, oo dib loo eegi karaa. Laakiin, haatan waa go’aan Gole Wakiillo, waanannu ixtiraamaynaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagana Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey aragtidooda la xidhiidha in labada doorasho mar la wada qabto, ayaan wax jawaab ah ka bixin su’aashaas, ka dib markii uu ku cudur-daartay inuu shir ku jiro oo uu nagu soo celin doono Taleefankiisa gacanta oo aannu kula xidhidhnay, balse illaa saacado dambe oo xalay ah uu naga qaban waayey.

Hase-yeeshee, si bal aragtida dhinaca Guddiga doorashadana aynu wax uga ogaan karno waxa uu Wargeyska Himilo khadka Taleefanka Waraysi arrimahan la xidhiidha kula yeeshay Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geele, isla markaana aannu wax ka weydiinnay sida ay Guddi ahaan u arkaan in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, saamaynta culayska wada qabashadoodu ku yeelan karto Guddiga doorashada hadday iyagu sii joogaan iyo haddii Guddi cusub lagu beddelo, farsamo ahaan suuragal-nimada iyo qodobbo kale, ayaannu wax ka weydiinnay.

Waxaanu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabaya su’aasha aannu ka weydiinnay ugu horreyn sida ay u arkaan, waxa uu yidhi; “Marka hore-ba isku waqti ayey dhammaanayeen muddo-xileedka labada Gole ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu, sidaas awgeed, annaga ku talo-galkayagu marka horeba qorshaha way noogu jirtay in mar la wada qabto, haddii aanay Daneeyayaashu go’aan kale gaadhin. Kolkaa tii uun bay go’aamiyeen, iyaga (Golaha Wakiillada ) ayuun baannu ka sugaynay in mar lawada qabto iyo in la kala qaado-ba, run ahaanna waa la qaban karaa labadaba hal mar.”

Geelle oo ka jawaabayey su’aal ahayd Farsamo iyo dhaqaale ahaan-ba suurto-gal ma tahay in mar la wada qabto doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada oo muddo koobani ka hadhsan tahay xilligii hore loogu asteeyey? Waxaanu yidhi; “Haa waa suurta-gal, marka la eego qorshihii hore ee noo yaallay, Komishan (Guddi doorasho) kastaa kastaa ha yimaaddee, Farsamo ahaan waa la qaban karaa, dhaqaale ahaanna tan israacinta ah ayaa ka jaban oo Somaliland ahaan innooga kharash yar, waana qorshe marka hore-ba ku talo-galkiisu meesha noo sii yaallay. Kolkaa wax dhibaato ahna kuma keenayo Guddiga doorashada oo way wada qaban karaan.”

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee wakhtigooda sharciga ahi ku dhammaanayo 29-ka bishan October Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in diyaarinta midaynta labada doorasho culays ahaan ay dib-u-dhac ku keeni karaan wakhtigii la qaban lahaa doorashada, gaar ahaan ta Madaxtooyada oo ku beegan badhtamaha 2015-ka haddii Guddi cusub oo hawshu ku cusubtay iyaga lagu beddelo iyo in kale waxa uu yidhi; “Haa qorshihii aannu sii dhignay wuu yaallaa, muddaba wuu u yaallay, kaas ayuun bay raacayaan (Guddiga cusub ee doorashadu), markaa dib-u-dhac kale oo yimaadda mooyaane ma filayno in arrintaasi dhibaato keento.”

Mar uu Guddoomiye Geelle ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku u arki karaan go’aankan Golaha Wakiillada waxa uu yidhi; “Iyaga laftoodu (Qaadhaan-bixiyeyaashu) way waafaqsanaayeen arrintaasi, oo waa lagu talo-galsanaa, markaa innaga xaggeenna Somaliland go’aan kale in la gaadho mooyaane xagga Daneeyayaasha caalamka iyagu waxba kamay qabin (in doorashooyinka mar la wada qabto.”

Xigasho Wargeyska Himilo.