Mucjiso: 9 Jir Qoyskoodu Kirstan yahay oo dalbatay Diinta Islaamka & Xijaab oo Ashahaadda loo qabtay

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee dalka Maraykanka ku dhaqan, ayaa sheegay inuu arkay Mucjiso cajiib ah oo mudan in aad loo jeclaysto, ka dib markii Gabadh yar oo Sagaal sano jir ah, isla markaana Hooyadeed iyo Aabbeheed-ba yihiin Gaalo Nasaaro ah ay Hooyadeed ka dalbatay inay jeclaatay Diinta Islaamka, sidaa awgeed-na loo xidho Xijaabka Dumarka Muslimiinta ahi xidhaan loogu geeyey Masaajid uu joogay.

Gabadh sagaal jira oo islaamtay iyo Sheekh Axmed Nuur GABADH SAGAAL JIR AH OO DIINTA ISLAAMKA QAADATAY

Masaajidka Sheekh Axmed Nuur loogu keenay Gabadhan yar ee Sagaal sano jirka ah, ayaa ah Masaajidka lagu magacaabo Abubakar Islamic Center of Washington, kaasoo ku yaalla magaalada Washiington ee xarunta waddanka Maraykanka.

Waxa uu Sheekh Axmed Nuur sidaa ku sheegay Qoraal uu caawa ku baahiyey bartiisa Facebook ee Barkulanka Bulshada, halkaasoo uu sidoo kale soo dhigay Sawirrada Gabadha yar oo Gabdhkaha Islaamka ahi ku labbistaan loo xidhay oo uu isaguna garab-taagan yahay, waxaanannu jeclaysannay inaannu qoraalkaa uu Sheekhu soo dhigay Facebook inaannu Aftahan ahaan idiinku soo gudbinno Aftahannews.com maaddaama oo aynu nahay dad boqolkiiba boqol Islaam ah, Allaah mahadi haka gaadhee, qaddiyaddana ay tahay Mucjiso cajiib ah iyo guul Islaami ah.

Qoraalkaas uu Sheekhu baahiyey ee Aftahannews ka soo qaadatayna waxa uu u dhignaa sidan:-“Gabadhan yar Dadeedu waa 9 Sano, Aabbaheed iyo Hooyadeed waa Gaalo Nasaara ah, waxay tiri Gabadhan yar waxaan rabaa Diinta Islaamka iyo labbiska Dumarka Muslimiinta ah, waxaa Xijaabkaa u xiray Hooyadeed oo aad ugu faraxsan ikhtiyaarka Gabadheeda, waxay ku tiri igeeya Masaajidka, Caawa Salaadii Cishaha ka dib waxaa la iigu keenay Masaajidka Abubakar Islamic Center of Washington, waxay tiri waxaan rabaa inaan barto diinta Islaamka oon dugsiga dhigto.

Haddaba, arrinta Mucjizada iyo layaabka leh Gabadhan yar markay Uurka Hooyadeed ku jirtay waxaa la damcay in la dilo oo la soo rido, arrintaa waxa isku waafaqay Hooyadeed iyo Aabaheed, haddaba markii loo tegay Dhakhtarkii soo ridi lahaa waxaa la saaray qalabkii ilmaha lagu arki lahaa ka dibna ilmihii waa lawaayay, Allahu Akbar waa yaab meesha waxbaa ku jira, Allaah wuxuu qadaray Gabadhan inay muslimad noqoto mucjizooyin kalana way u danbeeyaan inshaa Alaah. Allahu Akbar.”

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.