Dad inta ay Madaxa Xiirteen u Baroordiiqay Daayeer ka dhintay iyo waxa ay ka aamminsan yihiin!

Madhya(Aftahannews):- Dadka ku nool tuulo ku taalla badhtamaha waddanka Hindiya, ayaa sameeyay baroordiiq diini ah oo ay ku maamuusayaan daanyeer dhintay, iyaga oo ka cabsi qaba in dhimashada daanyeerka ay keeni karto nasiib xumo.

DAD DAAYEER U BAROOR-DIIQAYA

Indian-Monkey-Funny

Daanyeerka ayaa ku noolaa macbad loogu talagalay daanyeerta ay caabudaan Hindida oo ku yaalla gobolka Madhya Pradesh. Daanyeerka ayaa ku dhintay biyo, dadka tuuladana waxa ay u sameeyeen tacsi, iyaga oo kaddibna gubay meydkiisa.

Ku dhowaad 200 oo ka tirsan dadka tuuladaasi ayaa madax xiirtay, halka 700 oo kalana ay garka iska xiireen si ay ugu baroor diiqaan daanyeerka dhintay.

Xigasho BBCSOMALI.COM.